ÕÍíÝÉ ÚáãÏæ                                                                Calmadow newspaper        Badhan Somali

 



Qormada wargeyska

 Waa 2005 ee miyaan la gaadhin xilligii aan is fahmi lahayn !???

Qormadan  tawaaducu ka muuqdu waxan jeclahay inaan ku eego su’aalo aan is idhi malaha waa u baahan yihiin in la  faaqido , kuwaas oo inta badan dhex mara dadka dibadda iyo dadka gudaha , kuna wajahan mustaqbalka gobolka Sanaag Bari, sida : marka dadka dibadda lala xidhiidho , loona badhigo wax ka galka arimaha horumarineed ee gobolka , waxay soo celiyaan jawaab shaki ku jiro oo ah “ annagu waxba ma qaban karno, waayo? Haan gun baa laga aslaa, ee dadkiinna guduhu wax hagaajiya “ !!. Kuwa gudaha joogana sidoo kale waxay celiyaan jawaab ah “ annagu waxba ma qaban karno, waayo? Idinkaa cood iyo cilmiba haya , ee wax hagaajiya ?” . akhristow jawaabahaas maxaynnu ku micneyn karnaa ?
 muddo intee le’eg beynnuse wadi karnaa ? , mase odhan karnaa  xaalku waa halkii Cigaal shiidaad “ aamus anaa jac la maagane”, mise waxan odhan karnaa kani garleh oo kani garleh.

Dadka dibaddu garleh , oo mashaariic hore , oo ay si fiican usoo agaasimeen baa la hanan waayey !!! ma saas baa ?!!

Dadka guduhuna gar leh , oo waxay arkeen in gobol walba waxa horumariyey ay yihiin dadkoodii dibadaha jirey, oo aqoon iyo hantiba kusoo kordhiyey dadkoodii iyo dalkoodii !! ma saas baa ?!!! xaggee baad u malaynaysaa akhristow in salaaddu iska qabsan la’dahay ? !!.

Ugu horrayn waxa burburay dawladdii , gobol walba waxa cid u noqday dadkii deganaa, oo ama ka seexday ama waajibaadkiisa gartay.

Kadib, waxa la galay 14 sano oo burbur ah, waxa la faa’iidey khibrado bulsho oo kala duwan , waxa lala qabsaday qaabka bulsho daneheeda u maamulan karto iyadoo aan cidna sugeyn.

Hadda waxa la filayaa dawlad federal ah , oo gobol walba miisaankiisu noqonayo waxa khayraad iyo horumar uu gaadhey . Waxaas oo isbedel ah weli ma tii beynu taagannahay ?!!

Xikmad soomaaliyeed baa waxay ahayd “ Nin walba wixii alle xejiyey waa xidiggii , meel cidladeeda aad la yaabtidna, halla yaabin adba waad joogtaaye “, waxay ila tahay in la gaadhey xilligii aan garan lahayn in gobolkan alle ina xejiyey uu ina sugayo dal iyo dibadba.

Waa yaabe miyaan la gaadhin xilligii aan talo isugu iman lahayn , oo aan jeexi lahayn wadadii mustaqbalka?!, Miyaanse la gaadhin xilligii jaaliyadaha dibaddu is habayn lahaayeen , kana faa’iideysan lahaayeen qaabka ay u dhaqmaan iyo xeerka(constitution) bulshooyinka ay la nool yihiin , sida America,oo aan odhan karno waa dhowr iyo konton dal, ama Midowga Yurub oo iyana ah 25 dal , waa haddii is aamin la’aani jirtee ?!.

Miyaan la gaadhin xilligii ay aqoon ahaan ku sharxi lahaayeen sidii looga gudbi lahaa caqabadaha jira ?! Miyaan la gaadhin noloshu waa halgane xilligii la heli lahaa dad aqoon iyo karti leh oo u halgama sidii mugdiga looga bixi lahaa, oo taariikh ku yeesha raadka isbedel ee gobolka?!!, Miyaan la gaadhin xilligii ay isweydiin lahaayeen mar wax waa dhacaane war dadkii ma isbdeley, rag door kama dhammaadee ma la helayaa dad wax fahmaya oo qayrkood la tartamaya ?!!Miyaan la gaadhin xilligii dadka dibaddu dhaafi lahaayeen iney wadanka ka waraystaan qof telefoon u diray oo ujeedadiisu tahay boqol doolar oo shaxaad ah, oo dhawranaya daqiiqadaha ,kuna jawaabaya

 

 

 “ war waxba majiraane yaan laydin wareerin , ee…………… !!! “

Dhanka kale, miyaan la gaadhin xilligii bulshada guduhu ay is habayn lahaayeen , oo iska dhaafi lahaayeen marti ku noqoshada hadba magaalo, oo meelaha ay degaan  loo bixiyo geed calaacal, doqon ma waaye iwm!??. Miyaan la gaadhin xilligii ay soo afjari lahaayeen mashruuca qayilaadda ayna qaa’imaddisa xidhi lahaayeen ?!!. Miyaan la gaadhin xilligii ay iska deyn  lahaayeen kelmadaha rajo xumada sida : waxba majiraan, waa gobol laysku haysto, ammaan ma aha iwm?!!

Miyaan la gaadhin xilligii aan ka xanuunsan lahayn dibu dhac gobolkeenna . waxa dhacday in ( nin uu xaaskiisa oo aad u liidata ula carary gobol deris inala ah , markii uu dhakhtarkii u geeyey , ayuu dhakhtarkii aad uga naxay gabadhaas dhibta haysata, iyo xaaladeedda caafimaad sida ay tahay, wuxu su’aalo weydiiyey ninkii , wuxuna yidhi intii gabadhani sidaas noqonaysey ma meel baadiye ah bey joogtey , maalin walba qof sidaas ahbaa la I keenaa, mar danbe ma aqbalayo in qof dhimasho jooga , oo weliba safar dheer soo galay la ii keeno , isla yaaba !??, bal sawiro akhristow dhacdooyinkaas oo dhinac walba ka yimaadda.

Ugu danbayn anigoo weli hadal u ciil qaba illeyn meel kasti waa qabyo e,waxan kusoo kufiyey miyaan la gaadhin xilligii aan danaha isla fahmi lahayn dal iyo dibadba,  waa 2005, waa su’aal ku wajahan wax garadka dal iyo dibad.

Qurux badane dalkaygow qiimigaaga yaa gudi !!!

 

 Tafatiraha.

 

Ciyoon10@hotmail.com

calmadow@laasqoray.net