soo.jpg

Heestan waxaa Sameeyey Cali Goox

waxaa ku luuqeeya (Shay mire dacar)

BISHAARO

 

heestan waxaa sameyey nin magaciisa la yiraahdo

Maxamed Ahmed Cali (Cali Goox)

wuxuu ku qoray wadanka Sacuudi Areebiya

sand ku marku ahaa 1992

Waxaa laxanka iyo musiga saray Cumar Dhuule Cali oo dhintay 1999 kii alla hau naxariistee

 

Bishaaradii naftaydaay!

Bugto waxaan kuu soo maray,

Badtallaalihii uu

Boodhari ku aasnaa.

 

Ilaa buurtii Daalood,

Buraan iyo Hadaaftimo,

Ceerigaabo iyo Badhan

Beleddadii kalgacallada.

 

Iyagoo barwaaqo ah

Biyuhuna qulqulayaan

Balliyaduna buuxaan,

Soo booqday awgaa.

 

Sidaan ahay bukaansocod,

Markii banta lays yidhi,

Bilaneey laantaa,

Lay baxnaannin kariwaa!

 

Banii-aadan baad tahay

Bashar kula midaan ahay

Naf kuu baahan baanee,

Barbarkaaga ila qabo!

 

Bishaaradii naftaydaay!

Ballan aan u galay axad

Weligey kamaan bixin,

Uma laba-bogleyn ruux.

 

Belbelkaniyo naartani

Baaxaa-deggeygiyo

Bixisadan i haysiyo,

Waa maxay badweyntani!

 

Baxsantaan jeclaayeey!

Baadiyoobay awgaa,

I badbaadi maantaad

Sida bahal i sidataa!

 

Beerkaad i sudhatee

Hayska dhigin biraan jabin,

Buuraan la mari karin,

Been hayska dhaadhicin!

 

Bani-aadan baad tahay

Bashar kula midaan ahay

Naf kuu baahan baanee,

Barbarkaaga ila qabo! 

 

Maxamed c/laahi Cali Tiriig