MADAXWEYNAHA DGPL Md. MAXAMED CABDI XAASHI OO BOOQASHO GAABAN KU YIMID MAGAALADA BADHAN – SANAAG .

 

Ciyoon

          Badhan:Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayey Madaxweynaha DGPL Md. Maxamed Cabdi Xaashi ayaa saaka booqasho maalin ah ku yimid magaalada Badhan. Madaxweynaha waxa safarkiisa ku weheliyey wasiir ku xigeenno ka mid golaha xukuumadda Puntland ee xilkii uu uga hadhsan yahay muddo ka yar labo todobaad , kuwaas oo kala ahaa W/X/wasaaradda Caddaaladda Md.Maxamuud Maxamed Aadan, W/X/wasaaradda  adeegga Bulshada Md. Xasan Majabe iyo W/X/wasaaradda Xannaanada Xoolaha Md. Axmed Xuseen Doonyaale. Madaxweynaha waxa kale oo safarkiisa ku weheliyey Guddoomiyeyaasha Gobollada Sanaag iyo Haylaan Md. Maxamuud Siciid Nuur iyo Md. C/laahi Xaaji Faarax (kabtan), iyo xubno kale oo ka  tirsan  maamulka  Puntland..

 

 

 

 

 

 

 

Ciyoon

                                                                                                                                                                                                                                                        

 

        

Midig: Max’ed Cabdi Xaashi,  iyo  Md. Axmed Ismaaciil Suldaan

 

Madaxweyanaha oo ka mid ah musharaxiinta jagada madaxweynenimo ee DGPL ayaa kulankii uu la yeeshay Cuqaasha iyo waxgaradka degmada Badhan  waxa furay Md. Axmed Ismaaciil Suldaan , oo madaxweynaha iyo wefdigiisa kusoo dhoweeyey magaalada, una sheegay in duqayda iyo cuqasha hor fadhida ay ka kala socdaan inta badan qoysaska degaanka Bariga Sanaag , ayna qalbi furan kusoo dhoweynayaan madaxweyanaha ahna musharaxa jagada Madaxweynenimo ee Puntland.,    wuxuna  yidhi :  sidii dhaqanku  ahaa socotada ayaa lawarayn jiray , waxanna  hadalka ku soo dhoweynayaa Md. .Maxamed Cabdi Xaashi.”

 

 

 

 

 

 

 

Ciyoon

Ciyoon

 

 

 


Gudoomiyha  G.Haylaan  C/laahi Kabtan          Gudoomiyha   G. Sanaag    Max’ud Siciid

 

        Madaxweynaha oo hadalkiisii wuxu uga mahadceliyey sidii sharafka lahayd ee loo soo dhoweeyey, loogu soo shiray, loona sharfay, wuxuna safarkiisa ku micneeyey laba qodob oo kala ahaa :

1)     Indha indhayn maamulka gobolka iyo xaaladda gobolku ku sugan yahay. Iyadoo buu yidhi xilligiiba wax yar nooga hadhsan yahay.

2)     Iyo ( inaan ahay musharax jagada madaxweynenimo u taagan , aanna rabo inaad codka I siisaan, ) wuxuna intaa raaciyey : waxa laga yaabaa inaad tiraahdaan barlamaanka ayaa dooranaya madaxweynaha ee muxuu idinka soo doonay , waxan leeyahay xubnaha barlamaanka halka ayaa laga soo doortay , shacabka ayeyna metelayaan , wixii aad kula ballantaan bayna ku soconayaan, markaa sidaas baan codadka xubnaha barlamaanka ee labada gobol ee Sanaag iyo Haylaan u codsanayaa.

 

Madaxweynuhu wuxu kale oo uu halkaa ka jeediyey khudbad meelo badantaabatay, wuxuna sheegay inuu soo maray gobolada Puntland badankooda, safarkanna ay ugu xigi dooto kan uu ku tegi doono Gobolka Sool , oo u hadhsan ololihiisa doorashada.

 

Kadib , waxa halkaa hadallo kaftan iyo warcelin isugu jira  ka jeediyey  nabadoonno iyo waxgarad ay kamid yihiin : Nabdoon C/laahi Cabdi Ibraahim, Nabdoon Maxamuud Cabdalle Dabshid iyo Md. Axmed Cali Salaad. Waxgaradku waxay halkaa ka sheegeen in wixii awood iyo gar ah aaney waxba ka hagranayn, wixii noo egna waa tafadal iyo niyad sami.

 Madaxweynaha iyo wefdigii uu hoggaaminayey ayaa galabta soo gebagebeeyey  booqashadoodii , iyaga oo sida la sheegay caawa casho sharaf kuleh magaalada Carmo ee gobolka Karkaar.

 

 

 

 

Maxamuud Ciyoon

Wargeyska Clmadow/Badhan   +  Horseednet