soo.jpg
 
Gabaygan waxaan ka soo xigtay wargayska Calmadow
ee ka soo baxa maglada Badhan
 

SUUGAANTA ( Gabay)

Gabaygan oo la magac baxay Xunbo, waxan ka qorray Mukhtaar Xamuurad ,wuxuna noo sheegay inuu gabaygani yahay gabaygii ugu danbeeyey ee uu tiriyey Alla ha u naxariistee Maxamed Cabdi Aar. Abwaanku wuxu inoo sawirayaa waayaha aduun iyo sida ay tiiraanyo u leedahay qof ku dhex nool bulsho aan qadarineyn . Wuxu kale oo humaaggiisa  inagu tusayaa xaaladda Soomaaliya iyo sida ay u  cakiran tahay . wuxuna yidhi :-

 

Waa xoodh gudhaayoo aduun waa xunboo kale e

Waa xayska da’ayoo kaloo ma laha xeeldheere

Xiiso ma laha soomaali aad xeer la dhigataaye

Goortay xumaan kugu arkaan kaa xariir jabe e

Xurmo iyo wanaag waa intaad xoogga leedahaye

Xoola siiyayaa iyo si kale u xusul duubaaba

Anba maalintaa kii xanniban waan xurmayn jiraye

Xigto iyo xigaaliyo dhammaan xididka ii gooyey

Nin waliba wuxuu igu xusaan berri ku xaalayne

Waxay aniga iga xaasidaan waa xujiyo yaabe !!!!

                 Naftaa xeriyey, oontaan xarrimay nolosha aaan xooray

(soomaali buu metelayaa)

Taftaan xaydey, xusulkaan kabaha xag ugu laad-laadshey

Dhulkaan xaarey, ciiddaan xardhiyo dhagaxa aan xuunshey

Xidig baygu yuururey tan iyo xulaygii dayreede

Hayeeshee xilligu ways bedeli xoobirada dhow eh

Xaaladayda eebbaan ku xidhay waw xamdiyayaaye.