Go’aankii laga soosaaray Degaanka  Sanaag Bari

 

1.               Nabadgelyada : nabadgelyadu wa muqadas,waxana wajib ah in cid waliba iska xilsaarto, sida ay tahayna loo ilaaliyo, lagana hortago wax walab oo nabadgelyo xumo keeni kara .

2.               Degaanka  (a) in la baabi’iyo lana tirtiro degaanka sharci darrada loo xidhtay, una kala baxa sida : Dhulka loo ootay in laga goosto geedo ganacsi ah , dhulka dhagaxa loogu shubay degaamaynta iyo cashiimada , dhismaha looga dan leeyahay dhul goosiga iyo cashiimada daaqa.

a)                 (b) In la joojiyo gubidda , goynta iyo waxyeelidda kale oo lagu hayo dhirta qoyan, sidoo kale in la joojiyo guridda iyo goynta geed cawsaadka dabiiciga ah .

v                qof kasta oo raaci waaya go’aankan ama ku kaca fal denbiyeed kasoo horjeeda joojinta iyo baabi’inta degaamada sharci darrada ku abuurmay sida dhul goosiga heer cashiimo, xaalufinta dhirta loo gubayo dhuxusha iyo jarridda qoriga dhismaha sharci darrada ah , waxa lagu ciqaabayaa nidaamka shareecada Islaamka iyo qawaaniinta dalka u taal , wuxuna mudanayaa ciqaab dhan 2 sano oo xadhig ah iyo ganaax dhan 10.000.000 /= (toban milyan oo shilin) .

v                Gaadhiga lagu qabto caws , dhuxul iyoqori sharci darro ah, waxa lagu ciqabayaa rarka saran oo lagala wareego iyo ganaax dhan 3.000.000/= ( sadex milyan oo shilin).

v                Muddo bil gudeheed ah ayaa la rabaa in lagu dhamaystiro hawshaas fulinteeda , waxayna ka bilaabanaysaa maalinta go’aanka la saxiixo .

v                Go’aankan waxa ku saxiixnaa 59 qof oo isugu jirey cuqaal iyo guurti, iyo suldaan Siciid Suldaan C/salaam.