Kulankii hay'ada horumarinta Maakhir (Makhir demelempent Organisization) oo ka dhacay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota:-

Waxaa ka dhacay magaalada Minneapolis ee gobalka Minnesota shirar isdadaba jooga oo ay soo qaban qaabisay hay'ada Horumarinta Maakhir ama sida inta badan loo yaqaan Makhir Develepment Organization(MDO). Hay'adan oo ah Ha'yad samafal oo ka hawlgasha Gobalka sanaag gaar ahaan dhulka loo yaqaan Calmadow. Hay'adan waxay sanad walba qabataa kulan iyadoo ku qabata meelo kala duwan oo ka tiransan waqooyiga America, hadaba waxaa nasiib u yeeshay sanadkan in lagu qabto kulankan magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota. Kulamadii la qabtey kamiistii iyo jimcihii ayaa waxaa ka soo qaybgalay dadka u dhashay Degaanka Maakhir. Waxayna kulamadaas ku falan qeeyeen sidii loo hurumarin lahaa guud ahaan deegaanka Calmadow, iyo sidii kaalmo loogu heli lahaa hay'ada Maakhir. Waxay kaloo halkaa ku doorteen gudidii maamuli laheyd hay'ada labad sano ee soo socota. Yusuf Ahmed Haji Salah ayaa loo doortay gudoomiyaha Hay'ada , halka Dr. Saciid Cismaan Faahiye(Shaacir) loo doortay gudoomiye ku xigeen. Waxaa kaloo halkaa lagu magacaabay shan xubnood oo ay ka mid ahaayeen Ahmed Hamud, Asli Aloore iyo Ubah Mohamed Haji Ali.Halka kulankii sabtidii uu ahaa kulan balaaran oo ay ka soo qaybgaleen jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota.

halkaa ka hadlay gudumiyihii hore ee Hay'ada Ismaaciil Cali Geeldoon oo ka hadlay taariikhdii iyo waxqabadka hay'ada.

Waxaa kale oo kulankaas ka hadlay Abdirasaq Lafoole oo ku hadlayey magaca haya'da SSHDA oo ah hay'ad samafal oo ka hawlgasha qaybo ka mida gobolada Soomaaliya ee ay jaarka yihiin deeegaanka ay MDO ka hawlgasho. Wuxuu cabdirisaaq halkaa ka soo jeediyey khibradii iyo waxyaalihii la soo gudboonaadey intii ay hay'ada gacanta ku hayeen.

Gudoomiyaha ururka ISRAAC Saynab Hassan oo iyaduna kulankaa ka hadashay ayaa waxay ka hadashay waxyeelada loo geystey deegaanka soomaaliyeed mudadii 14 sano ee dowolad la'anta. Munaasadaas waxaa kaloo gabay la magac baxay กฐ Makhir Cost ka tireyey gabayaaga Cismaan Ducale Dahir. Aqoonayhanada kale ee kulankaa ka hadlay waxaa ka mid ahaa Ibrhim Aye, Maryan Mahamed iyo Saed Salah Ahmed oo isagu isku soo dubariday barnaamijka.Ugu dambeyntii hay'ada Makhir

(MDO) waxay kala kulantey Minnesota guul iyo taageero buuxda dhamaan Soomaalida degan Minnesota.

Mohamed Aw Adur(hilaal) Minneapolis , MN USA