soo.jpg

 

Muuse Cali Tiriig

Hindhaadhir

Gabaygan wuxuu muuse ka tiriyey wadanka Kenya Sand kii 1997 kii markii loo soo sheegay Hooyadii Faduma Ciise nuur oo ku geeriyootay Magalada Badhan. Gabayga wuuxuu kaga hadalaya sharatii iyo xushamadii ay lahayd iyo hawalaha uu ku jiray markaas oo u wax ka sheegayo iyo Naadiyo Cali Tiriig oo ah walashiis oo ku samair siinayo. gabayganin waa mid uu u dirayo hooyo oo idil. waxaan kaa tsay geeriada iyo bini aadanku siday isku daba joogaan aadan u wayso qofkaad adunka ugu jeceshay.

 

Ilahaa aduunyada halaqay ee tagtay higilkeeda

Ee halliqa uuntaa uguuray hadala dhaafayne

Ilaa tan iyo Habiil Naflana waa hida u jooge

 

Aadmi kama hor joogsado naftuu ahaymalageede

Haday cidi hadhayan ma ay dhinteen Nebiyo hawlaaye

Ho heey waheey maxaa gobanimiyo geeri kala haysata

 

Hayiin oo dayiin qof u jecalaa mowdku ka hagajey

Hadhuub nimuu ku buuxsamay godkiyo iilka huri waaye

Inta loohan wayana dady hoos jirtaa bade

 

Haday teedii  timid gacaladii hah iyo tiiraanyo

Oo aay hadeer mootan tahay malaha hooyay

Hiirtaanyo waan kula qabaa huq iyo tow sowe

 

mana hiifi karo xaqa alle iyo mowda halay ciile

Haygu ooyin Naaday sid rigu way Halwanayaaye

Halkii adi ku qoomani dareet way xiq leedahaye

 

Meeshi  ku heeranibi way haar sidoo kale

Siduu ku hanqanayuu qalbigu ii handanayaaye

Sidaay kaaga hoortay ilamadu kaaga hibiqlaysay

 

Bay ii hililiiq leedahay indha hababac ow geede

Siduu kuu halfeedaday jidh kiyo maanka ku hadraya buu

Hilibku  saan shalay  u naxay ii halcanayaaye

 

Hayeeshee waxaynaanhelayan hay hungurisiine

Mar hadayasan soo lalabanayan hoohoy nolosheedii

Inay kaa hadlowdaan mudnayn tan u haboonayde

 

Samir inaan ku hoogansatoo dhaafto hibadkeeda

Oo aan duco u hawtarina ku haban tag teene

Qof fay ku  hadhay tiisay shidiyo hawli dabataale

 

Haday dhimatay mudantuu lahaa dumar  Haladhaa beelye 

Haween garashadood iyo xugmadi hoos u liicsame

Sharaf lagu halowiyo malaha dhaqan higaad waaye

 

Boqor haybadiis bay lahayd hal iyo miisane

Haashaar gobeed iyo xarago hooge dabadeede

Hida lagu arooray ahayd lagu hal maalaye

 

Hufnaan iyo xaq dhoowr baaka lumay hilimadoodiye

Hilba qaybsigaa aadaniyo haka baan tebaye

Halyey iyo qof yaab ley ahayd dowlad la hubaaye

Ho heey ha he dadnimadeedii yaa ku hindisoon doona

Hunga lama tilmaamiyo qofaan shilin hanaynane

 

Hoo iyo karaan bay lahayd haqab lahaaneede

Cidnalama hafree waxay ahayd hodoan aduunyaade

Habeen iyo dharaar wahe martida magane hooyntoodo

 

Ahe holasho gacantay lahayd hibo udhiib keedii

Hor illaahay yaa deeq cidmudan kaharqisiin doona

Geed laga hadsado waxay ahayd halaca jiilaale

 

Hooy laga dugsado waxay ahayd hoohi dhaxmeede

Hayin lagaga  guuray hayad haaariyo kale

Degma lagu hirtiyo waxay ahayd lama huraan gore

 

Ho heey hahe yaa dulqaad keedii beel ku hagi doona

Halqabsiga tusalay ahayd lagu hayaamaaye

Hogaankii sama waxay ahayd  ladu heshiiyaaye

 

Hindisaha aduun bay ahayd himiladiisiiye  sida

Hanaqa beerkay ahayd halis la dhowrtaaye

Habayaasha dhiig waxay ahayad buur halboowla

 

Hubaal nin  u yiqiinoo dhan baa hoos u foorare

Waa isku soo halayan jiray shaqsigii heeli karayeye

Inta deris ku soo hiran jirtiyo ehel ku soo hiisha

 

Intay gacal afaysiyo dad baan aadin hananayne

Masalaha halkay dhigan jirtiyo ku hawis kii diinta

Yow hanuunin aadame mid kii hor alle waaydarso

 

Alla hanad shakh siyad lay ahayd hooyo boqol jeere

Hayeeshee anaan idam ku noqon inaa hor joogaye

Waqeed ima habaarine anaa haa jiraad tegaye

 

Haasasyaashii dhacaan haydaf oo lumaye

Anoo xaal ihaystiyo waqtiga huqubta loo laalay

Haltigaada waayaha anaan hawlyari u seexan

 

Hiligaanba aan gaari Karin waa hadaaftimo

Hala hala xagtiisi iigu tumid hadhiba Nairobi

Aan ku hamiyay ama filayn maanlintaan helay khabaar baaska

 

Hadii laysheegaye  hadhada mujeene

Hanfariirkii baa waxaanan hayn habbtay toban jeere

Hanqal taagidaan damciyo himiladaa

Hal jeclaysigeediyo markaan tara hiirdaye

 

Hinjaatan mooye markaan toog wax oran waayey

Sidana wax hagalanaayuu  kalgacal hooyo ii dhibaye

Markayse taladu iga haydashaan cadho hamajiray

 

Hawo iyo dabayl in aan noqdiyo laydh hawaawiriye

Hud hud iyo sidii bahal baalale baan balal hiitamaye

Hadan duulayo sidi malag hibo laysiiyo oo aan

 

Haadikaro  oo sidii jibril huuh mar oranyo

Halkay ku ajalayd iyo rugtaan huuh ku tegilaaye

Ishaan himidh lasiin baan man jiyo madaxa hayanlaaye

 

Higtii ugu danbaysiyo markay hagida soo gaadho

Habsan kama noqdeen aminti ay Haqi ku laabnayde

Ajar inaa kala hadhaan rabaan duco ka heentaaye

 

Ajar horoor sigeed kama qadeen ho iyo waydiiye

Hawlaha alliyo amar dhacaa haatan saa qoraye

Geerida horteedan arkaan heli laaha khayre

 

Hoodiyo nasiib baa igabay hanqaro jeer

Hamo iyo niyadi aan tahlayan ku doon yooto

Wax kastaan waystaba markii  aan hawlin waaye

 

Ee aan haban waayan war iyo haatuf raad sadaye

 

Gabaygu ma dhamaystiri waa gabay dheer inta kalena waa soowadaan iyo weliba abawo kale la siisici haboogan hana ka maqanaa.

sanaagland

Cali Tiriig