soo.jpg
 
Posted by: Horseednet on Monday, January 10, 2005 - 07:03 AM

Hambalyo Madaxweynaha Cusub ee Maamul Gobaleedka Puntland Gen. Cadde Musse Xirisi

Badhan :-
Suldaan Siciid Suldaan C/salaan oo ku hadlaya magiciisa iyo magaca dhamaan dadweynaha ku nool bariga sanaag wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Madaxweynaha dawlad goboleedka Puntland CADDE MUUSE XIRSI BOQOR oo loo doortay xilka madaxweynaha dawladgoboleedka Puntland.

Wuxuuna eebbe uga baryayaa inuu xilkaas ilaahay u fududeeyo.

Suldaan Siciid Suldaan C/salaan

Hambalyo iyo Boogaadin

Bismilaahi raxmani raxiim

Waxaa hubaal ah in dhamaan shacab waynaha Puntilland ay ku jiraan farxad aan yarayn, waa guul noo soo wada hoyatay dhamaan ku ligeen , isbadalka maamul ee ka dhacay Puntiland ilaahay waxaan ka baryaynaa in uu khayr inooga dhigo oo maamulkaa cusubna ilaahay u fududeeya hawsha sugaysa.

Ragii ka horeeyay ee maamulkii hore hayayna waxaan u soo diraynaa amaan , sida wanaagsan ee ay u maamuleen doorasha taas oo la oran karo si cadaala ah ayay ku dhacday oo dadku ku wada qanacsan yahay, Baarlamaanku wuxuu muujiyay shaqa wanaagsan iyo cadaalad ay somaliya oo dhan kaga dayan karto ,
Madaxwaynaheena Cusub Mudane Cade muuse boqor waxaanu leenahay Hambalyo, Hambalyo, Hambalyo.

Wabilaahi tawfiiq
Hussein Maxamed Huubsireed

 

Soo dhawoow Maamulka cusub ee Puntland

Waxaan jecelahay inaad ii gudbisaan tahniya ku soocota Gen. Cade Musse Xirsi oo ku gulays tahay Madaxweynaha putland iyo ku xigeenkiisa Xassan dahir Afqurac.

Waxaan ku tahniyadaynayna gusha ay gareen waxaan leenahay noqda kuwa dejiya dalka iyo dadkaba waxna u qabta amaankana suga qaf jeclaysina aan ku dhaqmin.

Waxaa u tahniyadaynaya dahaan dad badaan ku dhaqaan wadankaan finland oo kala ah 1 fowsia mahamed jamac iyo caasho cabdi ow musse iyo cumar cassaro haaji cumar iyo jawaahir nuur ow musse waxaanu laka joogna Finland iyo Norwey iyo Jarmalka waad mahadsan tihiin marlabaad waad salaman tihiin.

Fowsia Mahamed Jamac
Finland