wargayskacal.jpg

Sheeko Gaaban

Waxa jiri jirey nin carab ah oo la odhan jirey Xaarith bin Kusaci al-thaclabi , Xaarith wuxu ahaa nin ka ganacsan jirey Magaalada Bender Ziyada, wuxuna dadka ka iibsan jirey qoriga , oo uu berri carab usii dhoofin jirey.

Xaarith dadka degaanka aad bey isu fahmeen, waxana ka mid ahaa dadka ay aad isu fahmeen  nin la odhan jirey  Xidig, oo lahaa rati uu xaabada ku keeno , macaamiil fiicanna ay lahaayeen Xaarith.

Xidig iyo Xaarith aad bey isu aamineen, wuxuna gaadhey heer xaabada uu yidhaahdo intaas baan keenay oo markaa lacagta la siiyo.

Xidig Barqadii ayuu lawdh xaabo ah keenaa, galabtiina lacagtiisa ayuu la carraabaa.

Wax arrintu sidaas ahaataba, berigii danbe ayaa Xidig damac galay, deetana wuxu bilaabay inuu lawdhkii uu barqadii keenay uu fiidkii dib u raro, oo lacagta iska gurto.

Markii danbe ayaa Xaarith shakiyey, mise Xidigna waa laba-dhigayaa , xaabaduna inteedii kama korodho. Xaarith si uu arrinta uu u hubsado wuxu amar ku bixiyey in xaabada taalla galabta  ranji la wada mariyo, sidii baana la yeelay.

Sidii uu caadeystey ayuu Xidig fiidkii xaabadii raray. Deetana subaxii ayaa Xaarith iyo dillaaliintiisii yimaadeen  meeshii xaabada lagu rogi jirey, markaas ayaa Xidig oo sida xaabo ranji lehi iskeenay, deetana Xaarith wuxu bixiyey kelmeddii taariikhda gashay ee ahayd ( Xidig maa cindoo khabar) sheekadiina sidaas bey ugu dhammaatay tuug la qabtay talo maleh.

soo.jpg