soo.jpg
Taariikhda Abawaanada Sanaag oo kooban
 
waxaa soo qoray Xamud waxaan idiin so diyaariyey maxamed C/laahi Cali tiriig
 
     Walaal waad ku mahadsantahay suaasha aad na weydiisey waana suaal dood badan dhalineesa oo u baahan in laga wada hadlo, laakiin maadaama uu akhtigu iska yaryahay waxaan rabaa in aan taabto oo abwaanda u kla saaro kuwo casriya iyo kuwo soo jireen waxaa ayna ku kal duwanyihiin marxaladha ay la kulmeen, abwaanadii **** exeey ahaayeen dad reer miyi ah oo dhaqankii soo jireenka ahaa la noola, halka ay kuwa cusubi yihiin kuwo ay suugaantooda saamayso nolsha maanta jirtaa, waa dad waxbarashada casriga ah wax uun ka helay ninkastaba in ha kahelee.
 
   Tusaale ahaan sadexda abwaan ee aad magcawday Xasan xayle iyo cali maax waxa ay raacayaan abwaanadii **** inkasta oo ay labaduba xoogaa reer magaal ahaayeen gaar ahaan xasan xayle oo inta badan intii ay suugaantiisu hana qaaday ku noolaa cadan, halka uu Maxamed Cabdi Aar ka ahaa abwaan casri ah.
 
   Suuggaanta marwalba waxaa saameeya xiliga la noolyahay sidaa ayeyna suugaantoodu u kal duwan tahay.

   Haddii aan markaa wax ka taa taabto Abwaanada daggaankeenna anoo halkan ku soo qaadanya kuwa faca dambe oo qudha maadaama aan labada iyaga u aqoon badnahay qaarkoodna marar badan la kulmay kuwii **** waxaan u deynayaa odayaasha taariikhda hay.
 
   Abwaankeenna ugu weyni soomaaliya oo dhanna caanka ka ihi waa siciid saalax Axmed aanna u malaynayo in la wad gadhanayo, siciid wuxuu ka mid yahay abwaanda casriga ah ragga safka **** kaga jira ayna isku heer yihiin Hadraawi iyo ragga la midka ah.
 
    Maansooyin, riwaayado, filimo intaba waa uu sameeyey waxa uu ka qayb galay silsiladdii Siinleyda la baxday oo ay darbado kulkulul is weydarsadeen abwaanka Maxamed Xaashi Dhamac(gaariye), waxaa uu tiriyey maanso uu kaga qayb geli lahaa silsiladdii Deeleey, laakiin aanu soo dhexdhigin dooddii isaga oo markaa u arkay in silsiladdii marin habawday oo qabyaalad isu rogtey, wuxuu siciid ahaa abwaankii iyo xubin ka mid ah aas aasayaashii kooxdii iftin ee wasaaradda waxbarashada, heestii "alif la kordhebey" ayaa kamid ah heesaha abwaanka, waxaa masuul looga dhigay oo loo aaminey samaynta filimkii seyidka oo kharash aad u badan lagu bixiyey, aan siciid intaas ku dhaafo waayo waa la wada yaqaan.
 
    Waxaa jira (ibraahim cajaaib) oo isna ah abwaan weyn oo casri ah, waxaa jira Aadan looshade oo ka da yar labada **** lana wada gadhanayo, Waxaa jira Abwaan da yar "Cali goox" oo iminka ah ninka keli ah ee facciisa ah oo meelo badan laga dhegeystey maansooyinkiisa laganna waraystay sida BBC iyo abwaan kale oo isna da yar ah waa Haybe Axmed Cali fanax.
 
    Haddii aan intaa ku joojiyo iyada oo ay weli jiraan qaar kale oo tiro badan oo aan dadka kale u daayey, waxaan odhan lahaa bal kuwa iminka jooga ha la barto suugaantoodana horumarinteeda ha lagu caawimo, suaashu waxaa weeye maxaa jira oo aynu ula xishoonnaa in aynu caanbixino abwaanadeena.
 
    Waxaan hubaa in haddii siciid saalax ka dhalanlahaa qolo kale gaadh ahaan kuwa woqooyiga inala dega magiciisu kan hadraawi le ekaan lahaa inagana waxaa dhici karta in qaarkeen badan oo weliba laga yaabo in ay suugaanta xiisayyaan ayan oqoonba abwaankaas.
 
Waxaa qosol leh in aan tiroba labo jeer la kulmay dad soomaaliyeed oo siciid qolo kale ku sheegaya.

waad mahadsantihiin

xaamud
hadad suaal ka qabto hoos kala xidhiidh xaamud
Email/E-mailkaaga hamudduale@hotmail.com

Maxamed c/laahi Cali Tiriig