soo.jpg
 
Tariikh Nolo leedka Abwaan Mukhtaar Maxamed Maxamoud (Xamuurad)
By: Maxamed C/laahi Cali Tiriig
 
Taariikhdan waxaa aan ka qaday Abwaanka  oo Si fiican iila raadiya Suuganta Sanaag aan aad iyo aad ugu mahad celinayo sida fiican ee uu dhalinyarada soo socota ugu horayo Suuganta Awoowayaashood ka tageen si day wadad u qaadan iyaguna wax uga tagaan caruurtooda.
 
Taariikhda Abwaanku waxay ka bilaabatay Magalada Ceerigaabo oo ah malaga madaxda Sanaag halkaas oo uu ku dhashay sanadku ku marku ahaa 1969 kii.
 
Mukhtaar Abwaan midhaha sameeya weeyey oo aad iyo aad  ugu horeyey haday noqoto hees, Maansoyin. I.W.M.
 
Lakiin intaa kuma koobna oo abwaan keliya maha ee waxaa u dheer waxaan Abwanada Somaliyeed badan kooda ku arag.
Waxaa u dheer in uu Muusigiiste yahay oo uu tumo muusiga markuu heesaha qaadayo.
 
Waxaa u dheer Muusiga iyo Abwanimadaba qadida, Heesaha Oo uu  ka mid yahay Fanaaninta ugu codka macaan.
 
Mukhtaar wuxuu fanka Galay isagoo dhalin yara ah waxayan ahayd 1984 kii.
 
halkaas oo uu ku soo baxay heeso uu laxanka saaray waxaa fanka ku soo dhiri geliyey garabna ka siiyey Abwaanka. Abwaankii Caanka aha ee Maxamed Cabdi Aar.(Alla naxariistii Jana ha ka warabiyee) iyo Axmed Cali Cigaal, iyo Maxamed Nuur Giriig (Alla ha u naxariistee).
 
Heesaha uu qaday laxankan saray waxaa kala lahaa.
Abawan Maxamed Cabdi Aar (alla ha u naxariistee), Abwaaan Cabdi Cali Boos, Abwaan Mahad Caliyoo, Abwaan Abwaan Saleebaan Baashe Muuse, Abwaan Ibraahim Cajaaib.iyo Qaarkale oo Abwano kale sameeyeen.
 
Heestii ugu horaysay ee uu qaado waxaa Sameeyey Maxamed Cabdi Aar alla ha u naxariistee Heesta waxaa magaceeda la oran jiray (Wiyil).
Heestan oo noqotay hees caanha lagan siidaayey Raadiyayaasha caanka ha sida BBCda, Codka Nabada, sbc, Midnimo Bosaaso iyo qaarkaloo badan. Abwaanku wuxuu hada joogaa Somaliya Magalada badhan iyo nawaxigeeda.
 
wixii Qalada ah oo qorida ku saabsan emailkan iigal soo xiriir badhan6@hotamil.com
wixii Suaal ah oo ku saabsan Abwaanka halakan kal xidhiih m_xamuurad@hotmail.com
 
 
 
 
Tiriig.tripod.com

Maxamed c/laahi Cali Tiriig