Xaflad ballaadhan oo lagu guddoonsiiyey shahaado sharaf arday ka tirssan dugsigaAl Furqaan ¨C Badhan.


Warkan waxaa soo tebiyey Maxamuud Ciyoon, Badhan, Sanaag
Shalay subaxnimadii ayaa dugsiga Al Furqaan waxa lagu qabtay xaflad ballaadhan oo lagu soo gebagebeeyey tartamadii aqooneed iyo cayaareed ee mudada kasoo socdey dugsiga Furqaan.

Xafladdaas waxa kasoo qayb galay dadweyne isgu jira aqoon yahan, waalidiin, maamulka degmada, gudidada dugsiga, ururada bulshada ,xubno ka socdey jaaliyaddaha dibadda iyo ardayda dugsiga.

Muuqalka guud ee dugsiga Al furqaan

Ugu horreyntii waxa halkaa ka hadlay madaxa waaxda cayaaraha iyo tartamada aqoonta ( Extra Curricula activities )Md. Maxamed Ismaaciil (Gacamey), oo ka warbixiyey qaabkii iyo noocyadii tartameed ee ardaydu soo sameeyeen iyo ahmiyadda ay u leedahay ardayda.

 

Bidix .Maamulaha dugsiga C/caziiz Dhahar, midig Madaxa waaxda tartamada Maxamed Gacamey

Waxa isaguna halkaas ka hadlay Maamulaha dugsiga Md. C/caziiz Axmed Saalax (Ridwaan) oo mahad celin usoo jeediyey ugu horrayn Al-nasar Group UK oo ah jaaliyaddii dhistay dugsiga oo uu ugu baaqay iney jaaliyadaha kale ku daydaan , iyo dhamaan dadweynihii kasoo qayb galay xafladda, isla makaana wuxu warbixin kooban ka bixiyey heerka uu marayo dugsigu iyo marxaladihii uu soo maray

9kii sano ee lasoo dhaafay. Wuxu kale oo sheegay in sanad walba dugsiga lagu kordhiyo barnaamijyo cusuboo faa ¡®iido u leh ardayda.

Maamuluhu wuxu sheegay in ardayda loo diyaarinayo booqasho cilmi kororsi ( School Trip) oo ay ku tegi doonaan magaalada taariikhiga ah ee Laasqoray iyo degaanka ku dhow ( haddii alle idmo), wuxuna dadweynihii xafladda kasoo qayb galay ka codsaday iney dugsiga ka taageeraan fulinta safarkaas.

Midig. G.gudida Max'uud m. shire Bidix . Axmed Sh. Saalax

 

Waxa isaguna halkaas hadal ka jeediyey Guddoomiyaha guddida dugsiga Xaaji Maxamuud Maxamed Shire iyo Shiikh Axmed Shiikh Saalax, oo hadallo dhiirri gelin ah u jeediyey maamulka iyo bareyaasha dugsiga , kuna ammaanay shaqada ay bulshada u hayaan iyo sida loogu baahan yahay safarada dhul barasho oo noocaas ah.

kooxda k. cagta ee dugsiga kooxda k. laliska Ardayda

Waxa iyana halkaa ka hadlay Duqa degmada Badhan Md. Maxamed Axmed Cismaan (bulbul) iyo Md. Ibraahim Xaaji Findhe oo ku hadlayey magaca jaaliyadaha dibadda.

shahaado sharafta la guddoonsiiyey ayaa ahaa todobada arday ee kala ah : Maxamed Siciid, C/qaadir Kaarshe, Yaasiin Cali Ciise, Maxamed M.Axmed, C/fataax Max'ed Cali Guuleed, Maxamuud Cali Buux, iyo Ayaanle khaliif Faarax , oo ahaa kooxda wiilasha.

Iyadoo ay ku kala guuleysteen cayaarta : kubadda cagta, kubadda Laliska , xadhig jiidka, Boodada, orodka iyo tartanka xagga aqoonta .

Waa kuma dugsiga Al Furqaan ?

Dugsiga Al furqaan oo ah dugsiga ugu wayn deegaanka S/Bari waxa la asaasay sanadkii 1997kii kadib dadaal ay sameeyeen dhallinyaro isu xilqaantay iney ubadka wax baraan , xilli aaney jirin dawlad dhexe oo taageerta waxbarashada , dadaalkaas oo ay la fahmeen waalidiinta iyo aqoon yahanka degaanku .

Qaybo kamid ah ardayda Dugsiga

Dhismaha dugsiga oo ka kooban 10 fasal(CR), 2 xafiis, 4 suuli (for male) , 1 istoodh, 1 maktab, masjid , 2 berkedood iyo deyr , kuna fadhiya dhul bedkiisu gaadhayo 52m 2 ayaa waxadhisay jaaliyadda Al-nasar Group UK.

Dugsiga waxa ka hawlgala 20 macalin iyo 5 shaqaale kale ah , waxana wax ku barta 745 arday , oo isugu jira heerarka sare, dhexe , hoose iyo waxbarashada haweenka ee dadban. Marxaladda uu hadda marayo ayaa maamuluhu iigu sheegay fasalka 3aad ee dugsiga sare (form three).

Maxamuud Ciyoon/ Badhan.

Wargeyska Calmadow