"Biyo la Hubaa waa Badhan"

Warbixin ku saabsan magaalada Badhan.

 

Badhan : Magaalada Badhan waxay dhacdaa Loolka 10o.05’ Waqooyi, Dhigta 48o.33’ Bari. Waxayna ka tirsan tahay Gobolka Sanaag, waxayna u jirtaa 118km magaalada Ceergaabo oo xagga Bariga ah, magaalada Boosaasona waxay u jirtaa 180km oo xagga woqooyi ah.

Magaalada Badhan waxa dhinaca woqooyi iyo Waqooyi Bari kaga dhereran silsiladda buuraleyda Golis. Waxay leedahay ceel dabiici ah oo magaaladu ka cabto , waana ceelka ay magaca kula baxday ee Badhan, waxana uu caan ku yahay halku dhegga ah Biyo la hubaa waa Badhan, oo ah kelmad ay bixiyeen ciidamadii daraawiishtu xilligii ay saldhigga ka dhigteen.

Waxana ceelka ku wareegsan dhismihii taariikhiga ahaa ee lagu yaqaaney daraawiishta.

Magaalada Badhan waxa ku nool dad gaadhaya ilaa 40.000 oo qof, waana tiro soo kordheysa, dad badan oo tuulooyinka iyo miyiga kaga imanaya awgeed.
Magaalada Waxa ka furan afar dugsi , oo labo ay dugsiyo sare yihiin iyo hal xadaano, dugsiyadaas waxa wax ku barta arday gaadheysa illaa 1650 arday.

Dugsiyada quraanku waxa iyana gaadhayaan 21 dugsi quraan , 9 masaajid oo labo kamid ah jimcaha lagu tukado.

Magaaladu waxay kale oo leedahay Isbitaal dhowaan dayactir lagu sameeyey, uuna yaallo qalab casri ah oo ay ugu deeqday hay,adda Al-manhal, iyo MCH .

Magaalada waxa kujira laynka telefoonada ee shirkadda Golis, iyadoo weliba shirkaddaasi korontada magaalada gelisey , inkasto ay jiraan shirkado yar-yar oo korontada siiya magaalda itaalkooda, waxa kale oo laga helaa Internet coffee-yo , dadku aad u isticmaalaan. Waxana ka furan idaacad FM ah , iyadoo uu kasoo boxo wargeys labo todobaadle ah oo la yidhaahdo Calmadow.

Dhaqaalaha magaaladu wuxu ku tiirssan yahay ganacsi ballaadhan oo ay la leedahay dekedda Boosaaso , iyadoo maalin walba uu ka boxo mid kamid ah labada Bas ee rikaabka u qaada magaalada Boosaaso. Iyo xoolaha nool iyo beero aan sidaa u horumarsanayn.

Waxa soo gala afar waddo oo magaalada ku xidha magaalaooyinka la jaarka ah sida Ceergaabo, Boosaaso , Laasqorey iyo Magaalooyinka dhulka oogada ah ku yaal, inkastoo ay yihiin waddooyin raf ah , oo aan nasiib u yeelan in ladhigo laami. Taasna waxa dadku ku dhibaatoodaan xiliyada roobabka ah,oo waxyeello soo gaadho waddooyinkaas, gaadiidkuna aannu mari karin.


Waxaa qoraalkan soo diyaariyey
Maxamuud Ciyoon /Badhan
Wargeyska Calmadow /Badhan + Horseednet.