Maxamed c/laahi Cali Tiriig

Taariikhda Goblka Sanaag

sanaagland11.jpg

Wacan oo wanagsan waxaa mahad is ka leh alle
waxad ku soo dhawaataa.
sanaagland.
 

Taariikhda Daraawiishta Ee Sanaag
 
Intaynaa geli Taariikhda Guud ee Gobolka sanag waxaan raba in aan wax yar idiinka sheego Taariikhdii dheerayd ee dhex martay Reer Sanaag iyo Sayidka Sidaad Ogtihiinba Sayidku wuxuu qabay gabadh la dhalatay Suladaan Maxamoud Cali Shire oo ahaa Suldaan kii Waqtiga ahaystay Sanaag. Ragu markay dumar kala qabaan waxaa ka dhexaysa  xusho iyo xaqdhowr gaar ah lakiin Sayidka iyo Maxamoud sida mahayn waxaa ka dhaxaysay Xabad iyo Colaad Sayidkuna uu rabay in uu Saanaag qabsado ka bacdina u taliyo Maxamoudna uu u diidanaa wuxuu dagaal kii socdoba abaarihii 1919 gii baa Sayid maxamed  Figrada ku dhaltay ah in uu Ingiriiska kala dagalamo xaga bad oo wixii u soo gelilaaya ba uu ka qabsado. Sayidku meeshuu joogayana malahayn bad oo wuxuu saldhigyada waa waayn kulahaa Taleex oo ku taal Goblka Sool . Markaa waxaa Bad ugu dhawayd waa Bari iyo Sanaag oo labdaba ay deganayeen laba reer oo Sayidka ka soo horjeeda Bari dagalkiisa wayni ma gaadhi jirin lakiin Saydiku kama uu fadhiisn jirin Fardaha dagaalka Sanaag wuxuu sidii ku wadaba markii danbe Saydkii wuxuu galay magalada Lasqoray oo ku taal Buurta Calmadow Xeebta Ku taal Dabadeeda Halkaas oo Sayidka iyoDaraawiishtisii ay ku  laayeen dad wixi joogay kabacdina ay xeebta ka sii talabeen waxay sii socdaanba waxay tageen Midhisho meesha la yirahdo oo ku taal Sanaag . Midhisho waxay wax yar u jirtaa MAgalada Ceerigaabo waxaa dhex mara midhsho Toga dheer ee buurta ka soo Bilaama ilaa Dooxada Jiidali Dhexmara . Sayid kii iyo dadkiisi markay halkaa tageen waxaa Diyaarado ku soo kiciyey Ingiriiska oo  Saldhig kulahaa Magalada Sanca ee Dalka Yaman. waxaa isna Ciidan kaaga soo baxay Galbeedka soomaliya Ciidankaas oo isagu jiray Ingiriis iyo Isaaq. Waxaa midhisho ka bilaamay dagalaa aan kal joogsan ilaa daraawiish ku dhamatay waxan la qabtay waxan la dilay, Ingiirisna oo xoogulahaa saaray Darawiish haduu noqdo mid Cir iyo mid dhulba, waxaa maalintaa Goobjoog ahaa uu dagaalku bilaamay  nin la yiraahdo (Darwiikh Jamca Biixi kadin) oo malintaa jiray 4-5 sano inta u dhexaysa wuxuu yiri Dawiishku anagoo  U nimid Daraawiishta oo Joogta Midhisho oo saydikii uu nasoo dhawaayey  oo meelna dejiyey. Midhisho waxay ahayd meel daraawiishi isugu timid waxaa ka mid ahaa dadkii magaca lahaa ee meesha malintaa joogay .
  1. Cismaan Boos
  2. Cabdixaashi
  3. Abshir Doore
  4. Cirsiye Seed
  5. Ogle Seed
  6. Sayidkii

iyo Ragii ugu sareeyey oo kaleba.

Darwiishku wuxuu yiria goor ay aroor tahay xili baraas ah baa waxaa la maqalay Gariir soo baxaya ka bacdina dadkii waa yabeen dad aan weligood maqal gariirkan soo socda aanal larakayan mar walban marmarka kale ka soo dhowanaya waxaa ka soo baxay Lix Diyaaradood oo garba siman u socda kabacdian dadkii markay arkeen waa argagaxeen oo waxay ugu qabteen war waa (AWLIYO) waxani maxaa yeelay wax waynaanta aleg oo cirka duulaya weligood mar arag hadan halkaa in yar idiin sii jilciyan somaliya sida taariikhda ku jirtaa wax weeyey wadan kii ugu horeyey ee Africa ah oo diyaarad lagu soo weeraro Taarikhdaasian waxay dhacday malintaa Daraawiishtu la yaabanayd waxa waa wayn ee dul yimid. Dadkii oo u jeeda oo yar iyo waynaba cadawgii ku soobaxay in tay banka ugu soobaxeen dawanaya oo leh waa awliyo baa nin ku jiray daraawiishta oomagaciisa la oran jiray (Xaaji Suudi ) baa yiri war saydi waa diyuuradii eemaaha Waxani Awliyo markaas bay dhaafeen  wax yar kabacdina way ku soo laabteen  sadex ka mid ah diyaradihii kabacdian waxay ku soo fureen saanad waxay hayeen oo dhan kabacdina Darawiishitii baa ku furtay markii xabada lays dhaafsaday waxaa ay daraawiish tii soo riday mid kamida diyaradihii so weeraray (Sidaan sheekad aku maqlay diyaradan soo weeraray Somaliya waxay ahayeen Dirado ka so ohaday Dagalkii koowad ee aduunka Diyarado si fiican u shaqaynaya mahayan waxan maqlay in uu ingiriisku soo kiciyay tiro dhan 21-24 diyaradood waxaana ciida somaliya ka soo gadhay 11 wixii gali baday ku daateen oo way soo gadhi wayeyn  somaliya) sadexdii soolabtay sidan idiin sheegayba mid bay sootideen Daraawiishtii labana way ka baxsadeen dabadeed waxay noqotay dagal iyo qakh meel la fadhiyo may hadhin mar hadii cirka laga soo weeraray waxaa meesha ku dhintay oo ay diyaradihii ku dileen laba nin oo uu mid ka midi ahaa ( Caamir Shiikh Cabdule) oo ahaa Sayidka adeerkiis oo ahaa nin qiimo dheer saydika markay intaasi dhacday waxii dad aha guntay ka soo ge een oo waa la cararay lugeey faras baa ka dhacday waxan loo qaxay dhinicii Taleex, umadii oo kacsan oo ku sii socota Taleex  baa waxaa ka horyimid Ciidan ingiriis ah iyo Isaaq wada socda waxay u sii galeen meel la yiraahdo (Ceel Dheere ) wuxuu ka so keeya amagalada Ceerigaabo waa halkuu saydikuna ka gabayay. halkaas dagalka ka dhacay wuxu aha daglaka ugu xun ee darawiish la kulamay intay dagalamaysay  wuxuuna ha daglkii daraawish lagu jebiyey waxa halkaas lagagala hadhay wixii ay xoolo iyo maato wada tay darawiishi waxaa ka fakaday ciidamadii iyo wixii xooga laha wixii kale waxa gacata ku dhigay mid dhawaca iyo mid yarba galkii iyo kuwii hogaminaayey Jamaca iyo hooyadii iyo walalhii ba halkii baa darawiishi kaga caratay wuxuu yiri wixii carur ahayd oo an hooyo lahayan waxaa qatay Ingiriiskii oo gawadhiga ku gurtay ( sida la sheegayo Ingiriisku wuxuu dhoofiyey somali badan oo ilaa iyo maanta aan la ogayan meel ay jaan iyo cidhib dhigeen ) wixii kalena waxay u dhinteen gaajo iyo macaluul buu yiri maxa yeelay xoolihii waxa ka kaxaystay galadii ingiriiska hayd iyo kuwii la socday. wuxuu yiri waxaa nala balan bali jiray oo biyaha iyo midhaha maalntii noo keeni jiray dumarka wixii rag ahaa waataan soo sheeganay in ay ciidanka kamaid ahayeen oo waxan la qaqabtay waxana ay carareen oo ay galieen Taleex oo cidamo kale u joogeen, caruutii iyo dumarkii waxay soo silcaana muda danbe  baa wax yar oo firxadi ka soo gaareen xera duhulbahante wixii kale qaybna bahaalaa cuanay qabana galadii baa qadatay. darawiish wixi hadhay oo cidan aha waxay isagu tageen Taleex waxaa igu yimid diyaradihii iyo cidankii soconayey ee galad aiyo kuway taeen ee aha somalida waxay garacanba o dusha ka garacan darawishtuna ugu jirto darihii Taleex ee u aaha rugta Sayidka markii danbe bay xoog beeleen markaas baa Sayidka iyo todoba lix nin  oo kale todoba kaga baxeen oo ka carareen wixii kalena meeshii ba lagu qabsaday oo waa isdhiibeen waxaa ka mid haa nimana sayidka malinta la baxsaday .

  1. Cismaan Ducaale oo aha abaadn duulaha Sayidka
  2. Cabdi Shiikh oo ahaa Sayidka Walaal kiis
  3. Oogle Seed
  4. sayidkii iyo sadex nin oo kale

todobadaas ba ka baxay Taleex sidaan ognahayana waxaan iri Midhisho waxaa joogoy ilaa dhowr milyan oo leh dumar iyo caruur iyo raga iyo ciidanaba waxaa ka baxsaday todobadaa nin iyo intii maatada ka soo hadhay oo iyana wax yari ka soo baxsadeen. Daraawiish jabkii maalintaa ku dhacay dib ugama soo waraaqin iyagoo markii danbe is lahaa dagala ku qada Ingiriis oo ka soo aragoosta lakiin may u surta gelin maxaa yeelay wixii madax ahaa way dhinteen wax yar ka dibna Sayidkii wuu geeriyoday wuxuu ku dhintay Webiyada xagooda isagoon dagala labaad soo rogaal celin ba malakamoodkii ka soo hor maray. ( Hadan wax yar ku darsado waa yo aragayga ku saabsan Taariikhadan ka dhacday Sanaag 1919 kii. meesha dagalkaasi ka dhacay meel ku dhow baan ku dhashay oo la yiraahdo Jiidali waxay u jirtaa meeshaad hada aan ka hadalayna Taariikhdeeda ee daraawishta lagu soo foodasra wax yar laba saacadood oo lug ah bay u jiraa waxaa Jiidali Dusheeda ah Ceel la yirahdo Dur dur oo ay mar markaa ku dhow deganan jirtay daraawiishtu Dagalakuna soo gadhay markaan ceelkaas Xoolaha gayno meel dushiisa ah baa waxa ka buxi jiray lafaha dadka Markaas baa anoo yar ana ka maqli jiray halakan waa meeshii darawiishta lagu laayey lafahaa aad arakaysaana waa kuwii darwiishta waaxaa markaa ka soo wareegtay aan lafaha arkayey ilaa iyo 60 sano ama ka badan ba lafahasi imeesh yaaleen taas oo ku tusaysa in dadka lagu laayey ay ahyeen dad tira badan oo lafahoodii daad iyo dabayliba dhamayan wayday. inkastoo maanta meesha an sheegay ay ka lafa madan tahay malintaas oo dagalo xun xuni ka dhaceen 1990 gii abarihiisii markaa inatii wa aintaan ka arkay darawiishta Taariikhdoodii ka dhacday Sanaaag gaar anaa Sanaag galbeed wixii intaas dheer oo aan soo helo inshalaahu wan ku soo darayaa wixii qald ah o aad ku aragtaan ila soo socd siiya.)

By:Maxamed C/laahi cali Tiriig

Badhan6@hotmail.com

 

 

LAASQORAYDAAWO DACALADA

 

Taariikhda sanaag

waxaa Taariikhda si fiican u soo qoray (Nuuradii C/salaan Maxamed )

oo jooga magalada badhan.

Gobolka Sanaag waa gobol aad u baaxad weyn, laguna qiyaasi karo kala badh
khariiradda Jamhuuriyadda Somaliland. Gobolku wuxu hadda ka kooban yahay
ilaa 11 degmo oo isugu jira derejooyinka A, B, C iyo D, degmooyinkaas oo
isugu jira kuwo qaddiimi ah sida: Ceeri-gaabo (Magaala madaxda), C/Afweyn,
Garadag, Badhan,Laas-qoray iyo kuwo tuulo ahaan u jirey qaarkoodna taariikh
dheer leeyihiin, laakiin degmonimadoodu curdin tahay sida: Maydh, Xiis,
Darar-weyne, Fiqi-fuliye, Dhahar iyo Hadaaftimo. Gobolku wuxu xuduudo la
leeyahay degaammo kala duwan sida gobolka Sool oo Koofur iyo koofur bari ka
xiga, Saaxil oo ka xiga koofur galbeed, Bari  iyadoo xuduudda gobolku boosaaso u jirta 10 mayl oo keliya,
Galbeed iyo woqooyina Badda cas. Gobolka Sanaag wuxu deegaan ahaan u
qaybsamaa buuraleyda silsiladda golis, dooxooyin, bannaano waaweyn, xeeb iyo
sool. Wuxu gobolku qani ku yahay xoolaha nool(Adhi, Geel, Lo',Gammaan,
Shimbiro iyo ugaadh), kalluunka, beeraha, beeyada, macdanta, Dalxiiska iyo
goobaha taariikhiga. Xoolaha nool ee laga dhoofiyaa ma badna, beeyadana si
nidaamsan looma dhoofiyo, suuq-geyn wanaagsanna ma hesho. Kalluunka waxa
gurta kalluumaysato shisheeye oo u badan Yamaniyiin kuwaas oo ay odayada
deegaanka iyo abbaanadoodu ka qaataan wax-xoogaa shidaal ah.Beeruhu waxay u
badan yihiin dooxooyinka biyaha leh iyo dur-durrada buuraha ku dhex-yaalla
sida: Midhashi, Jiidali, Xamaas,Afaaf, Goob, Bixin, Dayaxa iyo Gal-ruble,
dalagyada laga beerto gobolkana waxa u badan: baradhada macaan, basasha,
Kaabashka iyo hadhuudh aan badnayn, wax la dhoofin karaana kama soo go'aan
marka laga reebo baradhada oo la geeyo Puntland, waxa iyaguna jira
xidhmooyin cawseed. Gobolka sanaag wuxu xarun u ahaa kuna aasan
awoowayaashii hore oo ay qabiilooyin badani ku ab-tirsadaan sida Daarood oo ku aasan Haylaan Sh.Isaxaaq oo ku aasan Jiidali
iyo durriyaddisa, Samaroon, Ciise, Madigaan, Sh.Nuh (Abasguul) iyo kuwo kale
oo badan. Waxa kale oo gobolka ka muuqda raadad badan oo muujinaya in ummado
kala duwani iska beddeleen, una ekaysiinaya meel asal u ah ummadaha Geeska
Africa,waxa jira godad sawirro iyoxuruufiba ku xardhan yihiin, waana meeshii
faraaciintu u taqaannay dhulkii Ilaahyada (Puntland). Dhinaca macdantana
waxa la isku raacsan yahay in gobolka ay ka buuxinaan dhag-xaan iyo firiyo
kala jaad ah oo macdan ah, dad aan badnayn ayaana wax ka qota godad yar-yar.
Gobolku wuxu leeyahay xeeb- dheer oo ay ku taxan yihiin marsooyin yar-yar
sida: Maydh, Xiis, Ruguuda, Shalcow, Conqor, Xarshow, Laas-qoray, Ceelaayo.
Xeebahani waxay ku habboon yihiin ganacsiga iyo dalxiiskaba. Dhinaca
dalxiiska waa gobol qurux iyo hidda-sami u haysta, isha dheehataana aanay ka
xiisa-go'ayn, waa dhul isugu jira buuro circa ku shareeran, dooxooyin carris
ah, bannaano ugaadhu daanshadaanshooto, xeeb diirran iyo sool dhir isku
dhafanle. Waxa gobolka ku yaalla Buurta ugu dheer dalkii Sooamaaliya la isku
odhan jirey ee Surad, buurta ugu quruxda badan ee Daallo oo ay ka baxaan
dhir u gaar ahi, marar qaarkoodna daruuraha ayaad hoos u eegaysaa. Waxa
iyaduna badda cas dhexdeeda ku taalla, una dhow xeebta Maydh buurta rabshiga
oo ay shimbiruhu fadhiistaan kuna dhalaan xilliyada ay hayaanka dheer ku
jiraan oo marka laga tago dalxiiska laga heli karo digada beeraha lagu
nafaqeeyo (Fertilizers). Waxa quruxda gobolka soo koobay gabaygii uu Alla ha
u naxariistee Xaaji Aadan Axmed Af-qallooc ku ammaanay gobolka ee uu ku
masaaley Lubnaan iyo Mousalka Ciraaq.
 
XAALADDA GOBOLKA EE HADDA:
Gobolka sanaag waxa ka dhisan maamul dawladeed ka soomalia waxase jirta
degaammo aanu maamulku gaadh-siisnayn, isla markaana uu sheeganayo maamul
goboleedka Puntland. Degaamadan waa kuwa lagu mag-caabo bariga Sanaag.
Hay'daha dawladda badankoodu way ka jiraan gobolka intiisa badan sida
maamulka, Booliiska, Ciidamada millateriga, maxkamadaha iyo hay'adaha
adeegga bulshada. Xagga waxbarashada waxa ka jira gobolka dugsiyo badan oo
Hoose/Dhexe iyo sareba leh, waxase jirta in aanu gobolku haysan macallimiin
ku filan, gaar ahaan dugsiyada sare, mushaharkuna aad ugu yar-yahay. Waxa
gobolka ka furan shirkado telefoon oo dhawr ah sida S.T.C iyo Somtel.
Beelaha gobolka wada deggani nabad ayay ku wada deggan yihiin inkasta oo ay
si hawl-yar u bur-buri karto. Waxana la isla aqoonsan yahay in gobolka ay
afar beelood wada deggan yihiin oo kala ah Habar-yoonis iyo Habar-jeclo
(Isaaq) iyo Warsangeli iyo Dhulbahante (Harti). Waxa gobolka ka jira gaar
ahaan Ceeri-gaabo halhays ah "Afarta beeloodba kaa dhaaratay" oo ku yimi dad
inta la dilay cid waliba ka dhaaratay. Beelaha gobolka oo dhami way ka
muuqdaan haykalka dawladeed ee Somaliland iyo golayaashaba, si kastaba ha u
kala badsadeene. Gobolka waxa ka shaqeeya hay'ado yar-yar oo aan badnayn
sida:CARE International oo dhowaan xafiis ka furatay, CEFA iyo CINNS oo
talyaani ah kana shaqeeya beeraha iyo nadaafadda guud, Bisha cas ee
Somaliland, hay'adaha waddaniga ah ee Candlelight iyo HAVAYOCO. Waxa iyaguna
jira hay'ado (NGOs) ay leeyihiin dadka deegaanku, waxase beryahan dambe
muuqata in ay hay'aduhu aad u xiisaynayaan gobolka oo kuwo badan oo aan
xafiis ku lahayn ayaa booqasho ku taga, waxana dhowaan loo oggolaaday inay
Ceeri-gaabo tagto diyaaradda hay'adaha Qaramada midoobay. Waxa hadda
dabayaaqo ah xilligii guga, laakiin gobolku guud ahaan ma helin roobabkii la
filayey, waxana da'ay hoglo markiiba raafka xoolaha iyo cagta dadku
budlisay, iyadoo horena abaar xumi uga dhacday gobolka. Dhibaatooyin badan
ayaa guud ahaan haysta gobolkan qaniga ah dadkiisuna baahan yahay, waxana
ugu waaweyn: Waddo xumo waayo gobolku ma laha waddo keliya oo laami ama jid
cadde ah, taasina waxay wax u dhintay isgaadhsiinta degmooyinka gobolka iyo
gobollada kaleba. Ceshiimooyinka oo ay dawladdii Siyaad Barre daaq ahaan ugu
tijaabisay gobolka oo qabiil-qabiil loo kala leeyahay, nabadgelyadana
wax-weyn ayay u geysataa dhulka noocan ahi. Dhaqaale xumo iyo shaqo la'aan.
Ganacsiga oo aad u liita maadaama aanay jirin tasiilaadkii loo baahnaa sida
jidadka, dekedaha iwm. Abaaraha oo gobolka ku soo noqnoqonaya . Gumaad ku
socda dhirta qaaliga ah ee gobolku leeyahay sida Galoolka oo dhuxusha laga
shido iyo Dayibta oo tiirar loo isticmaalo. Hay'adaha adeegga bulshada oo
aan si fiican u shaqayn, daryeel fiicanna haysan sida Waxbarashada,
Caafimaadka, biyaha IWM. Marka la soo koobo gobolka Sanaag waa dhul ugbaad
ah oo dihin, una baahan ciddii ka shaqaysan lahayd. Wuxu gobolku u baahan
yahay maal-gelin xooggan iyo dad maskax furan oo aqoon yahanno ah oo seeska
u dhiga horu-marka gobolka, kana fayow waxyaabaha ay qiimeeyaan bulshooyinka
hadhaaga ahi sida qabyaallada, eexda, war-xumo tashiilka iwm.

Gobolka Sanaag

Sanaag is an eastern (north eastern region of former Somalia) region of Somaliland, bordered by approximately 380 kilometres of coastline to the north and other four regions of North West, Togdheer, Sool and Bari. It contains the highest mountain range within the country, the average height above sea level being 1600 meters, with the highest mountain, Surud , at 2416 meters. The mountain ranges follow the entire coastline with a narrow coastal strip, while the south of the region consists of vast grazing plains. The climate of the region varies with the topography, the coastal plains being hot and humid, while the plateau experiences seasonal changes. The winter months extend from November to February and summer for the remainder of the year. The wet seasons are twice a year from March till May and from September till October. Rainfall, however, is low and unreliable and desert like conditions predominate.

The region is divided into three districts: Erigavo, Badhan and Ceel AF weyne (El Afweyne), with the towns of Erigavo as the regional capital and Badhan and El Afweyne as the district capitals. Erigavo District is the central of the three, and reflects the topography of the region and Badhan is the east and El Afweyne is the west (see in the map). No accurate population figures are available for the region, but it is estimated from surveys conducted in each district by Community Aid Abroad (an Australian development agency) to be between 150,000 to 220,000 and Erigavo district has slightly more than a third of this. Majority of the population lives mainly in widely scattered villages and many are semi-nomadic pastoralists. The Sanaag region is one of the largest region in Somaliland and the population density is one of the lowest in the country and is given at 3.3 per square kilometre.

Population concentrations fluctuate according to season as the majority of the population is engaged in livestock tending and many are semi-nomadic. Camels, goats and sheep, and to a lesser extent, cattle, form the majority of animals kept for milk and meat production and for export through the coastal ports. Agricultural settlements exist in some mountain valleys where there is a permanent water supply and frankincense gathering is an important industry in mountainous areas. There are small fishing communities along the coast and several trading ports where goods are imported from across the Gulf of Aden and Arabian Gulf countries.

Sanaag is a remote eastern region, which lacks an adequate transport, communication and infrastructures, leading to a chronic lack of government services , particularly health service, education, agriculture and water supply. In terms of development, both by the former central government of Somalia and Somaliland government and by international agencies, the region of Sanaag has been almost totally neglected. There are no surfaced roads in the region and services of almost any type are non-existent in the towns and the villages. The potential for agricultural developments has been largely unexploited and much work is needed in the livestock sector to improve herds and reduce environmental degradation. The mountainous nature of the region, the poor state of roads and communications and the general difficulty in transporting supplies into the region indicate that any development project should proceed gradually and that adequate time should be allowed for implementation.

For example, in health sector, health facilities are almost totally absent from villages to district capitals and there is a skeleton health service in the regional capital. No basic medical facilities exists in the district hospitals and even the three district hospitals are virtually non-functional due to shortages of staff, supplies equipment, drugs, fuel and vehicles, and almost total lack of ongoing training, supervision, evaluation and maintenance equipment. Many health problems are evident in the region, the maternal mortality rate and incidence of TB are extremely high , and the infant mortality rate and incidence of vaccine preventable diseases, childhood communicable diseases, anaemia, malnutrition, respiratory tract infections, diarrhoea and problems associated with pregnancy and childbirth are serious health problems.

 

Sanaag, Somalia Map & Placename Index

Local Map of Ceerigaabo, Sanaag, Somalia
Local Map of Hulul, Sanaag, Somalia
Local Map of Ceel Afweyn, Sanaag, Somalia
Local Map of Laas Doomaare, Sanaag, Somalia
Local Map of Kaldaray, Sanaag, Somalia
Local Map of Dararweyne, Sanaag, Somalia
Local Map of Xingalool, Sanaag, Somalia
Local Map of Dhahar, Sanaag, Somalia
Local Map of Owrboogeys, Sanaag, Somalia
Local Map of Baraaktaqol, Sanaag, Somalia
Local Map of Garadag, Sanaag, Somalia
Local Map of Ceelaayo, Sanaag, Somalia
Local Map of Laasqoray, Sanaag, Somalia
Local Map of Maydh, Sanaag, Somalia
Local Map of Hais, Sanaag, Somalia
Local Map of Mulaax Beyle, Sanaag, Somalia
Local Map of Hadaaftimo, Sanaag, Somalia
Local Map of Badhan, Sanaag, Somalia
Local Map of Midhisho, Sanaag, Somalia
Local Map of Dayaxa, Sanaag, Somalia
Local Map of Carmaale, Sanaag, Somalia
Local Map of Ceelbuh, Sanaag, Somalia
Local Map of Buraan, Sanaag, Somalia
Local Map of Koolo, Sanaag, Somalia
Local Map of God Anod, Sanaag, Somalia
Local Map of Fiqi Fuliye, Sanaag, Somalia
Local Map of Bandar Jedid, Sanaag, Somalia
Local Map of Cabaydh, Sanaag, Somalia
Local Map of Ceelduur Calan, Sanaag, Somalia
Local Map of Celaya, Sanaag, Somalia
Local Map of Daamo, Sanaag, Somalia
Local Map of Dagah Gudud, Sanaag, Somalia
Local Map of Daringaret, Sanaag, Somalia
Local Map of Darsi, Sanaag, Somalia
Local Map of Durdur, Sanaag, Somalia
Local Map of Durdur Melo, Sanaag, Somalia
Local Map of El Laghodeh, Sanaag, Somalia
Local Map of Fararali, Sanaag, Somalia
Local Map of Ferdi Gab, Sanaag, Somalia
Local Map of Garabcad, Sanaag, Somalia
Local Map of Geedlarifay, Sanaag, Somalia
Local Map of Gud‡do, Sanaag, Somalia
Local Map of Gudmo Biyo Cas, Sanaag, Somalia
Local Map of Hundegal, Sanaag, Somalia
Local Map of Ilad, Sanaag, Somalia
Local Map of Kalgaraf, Sanaag, Somalia
Local Map of Karin Tuurwa, Sanaag, Somalia
Local Map of La Mayen, Sanaag, Somalia
Local Map of Lo'aneba, Sanaag, Somalia
Local Map of Maraje, Sanaag, Somalia
Local Map of Masagan, Sanaag, Somalia
Local Map of Qol, Sanaag, Somalia
Local Map of Rad, Sanaag, Somalia
Local Map of Sarmaanyo, Sanaag, Somalia
Local Map of Xabaalo Camare, Sanaag, Somalia
Local Map of Yubeh, Sanaag, Somalia
Local Map of Erigavo, Sanaag, Somalia

Free Guestbook
                                    from Bravenet.com Free Guestbook from Bravenet.com

 

By Maxamed C/laahi Cali Tiriig