sanaaglannews.jpg

Badhan:- Ururka Ardayda sanaag ( SSU) ayaa maalmahan wuxuu kawaday magaalada Badhan waxqabad isugu jira nadaafad iyo wacyi gelin.

Guddoomiyaha ururkaas Maxamed C/Salaam Maxamed, ayaa wargeyska u sheegay inay Axadii wax kaqabteen ceelka magaalada, waxayna dhisme dayactir ah ku sameeyeen berkadihii ay ka cabi jireen xooluhu,

Guddoomiyuhu wuxuu in taas ku daray in maalmaha foodda inagu soo haya ay bilaabayaan olole xagga nadaafada ah .

Ururku waxa uu ugu baaqayaa dhamaan bulshada magaalada in wax lagala qabto hawlaha ay wadaan,layskana kaashado horumarinta magaalada iyo mandaqada guud ahaan.