wargayskacal.jpg

 

Sheeko Gaaban.

Nin boqor ahaa ayaa gabadh ka  doonay degaan ka yare durugsanaa , reerka uu gabadha ka doonayna boqorka magac mooyee  marna muuqaalkiisa ma arkin , arintiina waxay soo gaadhey   inuu u socdaalo degaankii gabadha reerkooda, isaga iyo biddihiisii aan marna ka hadhi jirin .

 Haddii ay jidka sii socdeen ayey yimaadeen ceel gun dheer oo biri qoday ah , deetana waxay yidhaahdeen  waa in ninba mar loo ridaa oo xadhiga loo qabtaa si uu uga soo cabbo , deetana waxa ku horreeyey biddihii , markaas ayaa boqorkiina mar labaadkii u degey , biddihii makuu boqorkii ku hubsaday ceelka guntiisa ayuu xadhigii ka laalaabtay oo yidhi ‘ Nabadgelyo waan tegayaaye’ . markaas ayuu boqorkii qayliyey oo yidhi ‘ war meeshan qafrada ah haygaga tegin ‘.

Deetana waxa lagu heshiiyey : saacaddan laga bilaabo in bidduhu boqor noqdo , boqorkuna biddihiisii. Ceelkiina sidaas ayuu kaga soo saaray layskuna raacay.

Haddii reerkii loo tegey ayaa sidii dhaqanku ahaa gabadhii iyo ninkii doonayey la isu yare daayey , haddii ay wada hadleen gabadhii markiiba wey ka shakiday , waxayna ahayd gabadh caqli badan, markaas ayey isku dayday iney tajribo ka qaaddo si ay u hubsato , waxayna weydiisey sadex su’aalood, oo kala ahaa :

1)                 waxaad cuntid maxaa kuula macaanaa ?

2)                 Gogol aad ku seexatid tumaa kuula fiicnayd ?

3)                 Waxaad qaadid maxaa kuula cuslaa ?

Markaas ayuu ku jawaabey : (1) waxaan cuno waxa iigu macaa cuntadii marti soorka ahayd ee caawa naloo sameeyey . (2) Gogol aan ku seexdana waxa iila fiican gogosha aan caawa ku fadhiyo. (3) waxan qaadana waxa ila cuslaa calool madhan oo gaajaysan.

Markaas ayey gabadhii dibadda usoo booddey oo tiri, ninkani ma aha boqorkii la sheegay , ee bal su’aalahan halla weydiiyo ninka kale ee biddaha lagu sheegayo. Markii la waydiiyey ayuu ku jawaabey : (1) Waxan cuno waxa iila macaanaa candhuuftayda oo aan caafimaad ku luqo (2) Gogol aan ku seexdana waxa iila fiican gogol aan nabad ku seexdo

 (3) Waxan qaadana waxa iila cuslaa cahdi iyo ballan aan cid la galay. Sidaas ayey sheekadii ku fashilantay , gabadhiina boqorkii lagu siiyey. 

Maxamed c/laahi Cali Tiriig