wargayskacal.jpg

QAYBTA SUUGAANTA

Gabaygan waxa tiriyey Abwaanka da’da yar Mukhtaar Xamuurad wuxuu abwaanku inoo sawirayaa nafta Muslimka ah ee canaan badanka ah iyo sida damiirka fiyoobi ula hadlo wuxuu yiri:-

Naf yahay dookhaaga iyo

  Dookhaagaa ku wada.

Adaa derejada aduun         

 Danbeetada dhaafsadoo

Adaan damac deynihayn    

  Adaa dabar qaata oo

Adaa isa soo deldela        

  Maxaad diiddaa samaanoo

Maxaad xumo doonataa    

  Maxaad dabin kuu qarsoon

Digniin adigoo ka qaba     

  Naf yahay dalaq ugu tidhaa ?!!!

Duufaan weeyaan aduun

  Dabayliyo daad is wada

Mawjado dalandoolayee

  Duugiisa waxaa iska leh

Dariiqa rasuulka iyo      

 Ninkii daa'imkii yaqaan

Dadkii Qaaruun arkee

  xariirtii dushiisa iyo

Dalbaday dhaqankiisa oo

 daartiyo maalkuu lahaa

Isagoo daakhilkawgu jira

 markay daleel madhan noqdeen

Duruus eebahay ka dhigay

 deg-deg waatey qireen

Ninkuu doonaba ilaah

 Deeqdiisa inuu u huro

Waxaan kula doonayiyo

 waxaad moodaysid door

Naf yahay kala durugsanaa

 Denbaan kaa ilaaliyaa

Dulmaan kaajiraa intaa

 Duduuc baan kuguwadaa

Dadkuu jecel yahay ilaah

 iney deris kuu noqdaanoo

Jannada aad wada degtaan

  ayaan kula doonayaa !!!

Dunidu waa tii dhoweyd 

  Doqontaa aammintoo

Iyadoon loo deynihayn

 Sidii xoolo daaq tagtee

Dubkaagii anaa ahoo

 Diirkiyo waxaan ahay laftii

Damqashada kuu hayee

 Dab iyo naar haygu ridin !!!

Adoo daahiroo dayiba

  Daacadda eebbahay u noqo

Jannada aad durduuratide !!!

Dardaarankii waxan ku idhi  Dooddiina kusoo afjaray

Dalluunta qabrigee madow   Loxodka lagu deyrayiyo

Xusuusnow iilka dedan  !!!!

wuxuu abwaanku ku aqala galay magalada badhan wiiigan  hanbalyo baan leeyahay isaga iyo xaaskisaba

Maxamed c/laahi Cali Tiriig