soo.jpg
 

Dugsigii Ururka Haweenka Ilsan Laasqoray oo la boobay .

Laasqoray: Xilli habeenimo ah ayaa dad aan la garanayni jabsadeen gurigii uu ka furnaa dugsiga ururka haweenka Ilsan laasqoray , waxayna halkaas ka qaateen qalabkii waxbarasho ee dugsigaas oo ka koobnaa labo fasal.

    Guddoomiyaha ururka ILsan Xadiyo Libaaxe ayaa noo caddaysay in qalabka halkaas laga qaatay uu ahaa 30 miis iyo 90 kursi. Mar aan wax ka weydiiney iney wax nooga sheegaan sababaha keenay ama keeni kara in falkan la sameeyo iyo iney  wax ka ogaadeen cidda geysatey boobkan, ayaa xoghaya ururkaas Faadumo Cali Maxamuud ay sheegtay in malohoodu sheegayo in yasidda loo hayo waxqabadka haweenka ay keentay arintan , iyo in la garanayo ciddii falkan geysatey maadaama qayb kamid ah alaabtii lasoo celiyey.

     Ururka ILsan ayaa waxa la asaasay sanadkii 2001-dii , waxana uu waxka qabtay nadaafadda, wacyigelinta iyo waxbarashada oo dugsigan ayaa  waxa dhigan jirey 260 arday oo isugu jiray caruur iyo haween. Ururku wuxu 2004-tii ku biiray dallada WAWA

( We are women activities) ee xarunteedu tahay Boosaaso. Waana ururka keliya ee ka jira degmada Laasqoray.

     Guddoomiyaha ururka haweenka ee ILsan Xadiyo Libaaxe ayaa waxay maaamulka degmada iyo waxgaradkaba ugu baaqday in arintan wax laga qabto, ciddii geysateyna sharciga la horkeeno.