soo.jpg
 

Gobolada Karkaar iyo Haylaan

Shalay ayaa  golaha wakiillada dawlad goboleedka Puntland fadhi ay isugu yimaadeen   lagu ansixiyey gobollada Karkaar iyo Haylaan.  Fadhigii golaha wakiillada ee shalay, ayaa waxaa ka soo qayb galay 40 mudane, waxana guddoominayey guddoomiyaha golahaas wakiillada

Dr .Cismaan  Dalmar.  Guddoomiyaha baarlamanka ayaa soo jeediyey in cod loo qaado labada gobol ee Karkaar iyo Haylaan, waxaana oggolaaday   26 mudane halka ay ka aamuseen 14, mana jirin mudanayaal diidey ansixintan. Arintan  ayaa waxay ka dambeysey kadib markii ay golaha xukuumadu u soo gudbiyeen golaha wakiillada.         Mudanayaasha baarlamanka Puntland, ayaa arrintani waxay dood ka dhex dhalisay maalintii shalay taas oo gacan ka hadalna keentay.   Sidoo kale, waxaa  baarlamanka Puntalnd ka doodeen degmooyinka ay yeelanayaan gobolladaasi, waxaana labada gobol magaalo madaxyo u kala ah magaalooyinka Qardho iyo Dhahar.