wargayskacal.jpg

Ergooyinka nabadda ee Sanaag

 

    Laascaanood:-Sida laga war qabo waxa dhowaan shaqaaqo aad looga xumaaday dhexmartay beelaha walaalaha ah ee Warsangeli & Dhulbahante Kuwaas oo wada dega G/sanaag dhibtan oo ka dhalatay gaadhi Jaadle ah oo jidgooyo lagu sameeyey ayaa waxa ka dhalatay Arin foolxun oo dadka ehelka ah dhexmartay. si loo furdaamiyo mashaqadan ayaa waxa socda hawlo balaadhan oo ay wadaan Madaxdhaqameedyada, Culima Awdiinka, Aqoonyahanka & Ururada haweenku

    hadaba  waxa magaalada Laascaanood ka ambabaxay ergo balaadhan oo uu hugaaminayo Garaad C/laahi Max'ed Guuleed ergadan oo ka kooban Cuqaal odayaal Guurti ah iyo koox mashaayiikha waxay isla xalay usha kasoo dhigeen mashaqo bishii hore ka dhacday Tuulada Tukaraq halkaas oo hal nin ku dhintay dhawr kalena ku dhaawacmeen gudida uu garaadku hogaaminayo oo si hufan arintaa hore usoo  xaliyey ayaa la filayaa inay tana guul la taaban karo ka keeni doonaan, sida la tuhansan yahay garaadka iyo gudidiisu waxay marka hore diirada ku hayaan sidii ay gacanta ugu dhigi lahayeen koox maxaabiisa oo kasoo jeeda beesha Warsangeli laguna hayo inta u dhaxaysa Tuulada Awrboogays & D/ Xudun dad wargal ah oo kala jooga C/gaabo iyo Badhan ayaa noo sheegay in wax garad xoog lihi jiidahaa ka wadaan hawl tan oo kale ah ,iyado lasheegay in ergo balaadhan oo uu hogaaminayo Suldaan Siciid Suldaan C/Salaam,aykasoo anba bexeen magalada Badhan,iyagoo ku soo jeeda jiidaha wax  ka dheceen

 dadka ku dhaqan magaalada Laascaanood ayaa arintan aad uga xumaaday iyadoo dariiqyada magaalada aad ku arkayso dadweyne arinta Falanqaynaya iyagoo ku tilmaamaya hawl ay wadaan dad shisheeye ah oo raba inay iska hor keenaan dadka walaalaha ah. si kasta arintu ha ahaatee xaalada jiidaha ay wax ka dheceen waxa iminka lagu tilmaamayaa mid degan isla markaana lama soo sheegin dhacdo danbe .

 Mar aanu gudida wax ka weydiinay hawlaha hor yaala sida ay u wajihi doonaan ayay noo xaqijiyeen inay ku rajo weyn yihiin in wada hadal degdega laysugu yimaado isla markaana si dhaqso ah loo soo celin doono kala danbayntii guud ee mandaqadaa ka jirtay

Ibraahim Cumar Jaamac (Wadaad)

laascaanood 

wargayskacal.jpg

Badhan :Mar aannu khadka telefoonka kula xidhiidhnay magaalada Xingalool waxa uu noo sheegay sheekh Mursal Siciid  Cali  in magaalada Xingalool ay soo gaadheen  ergo nabadeed oo uu hogaaminayo  Suldaan Siciid Suldaan C/salaan  oo ka kooban  nabadoonada iyo guurtida ay ka mid yihiin :

  1. Nab. Warsame Dalmar(Helemin)
  2. Nab.Max’ud C/le Dabshid.
  3. Nab.Axmed Suudi.
  4. Nab.Sugulle M.Qoobay.
  5. Nab.Max’ed Xasan Cumar
  6. Nab. Jafaal Warsame
  7. Nab.Axmed Askar
  8. Nab. Max’ud Xawar.
  9. Nab.Cabdi Faarax Cilmi
  10. Nab.Axmed Xasan Cabdi .,
  11. Md Axmed Ismaaciil Suldaan ,
  12. Md.Axmed Cali Salaad   iyo  guurti kale oo aanaan halkan kusoo koobi karayn.

 Shiikh Mursal wuxuu kaloo intaa raaciyay in shantii nin ee lagu hayay aaga Damalla xagare lagu wareejiyay culimaa’u diinka ku sugan magaalada Xingalool .dhanka kalena  wuxuu ii sheegay in culimada Deg/Xudun ay iyana dadaal ugu jiraan sidii ay ula wreegi lahayeen maxabiistii 11 ka ahayd ee lagu haystay halkaas.

 

 

Maxamed c/laahi Cali Tiriig