Gabay Abwaan mukhtaar (xamuurad) By Maxamed c/laahi Cali Tiriig Sanaagland

sanaagsuugan.jpg

Maansadani waa maansadii ugu danbaysay ee uu tiriyey abwaanku

Maansadan wuxu abwaanka Mukhtaar Xamuurad ku waayinanayaa haweenka Soomaaliyeed, kadib markii anshaxii xumaaday oo faaxisho la sameeyey , wuxuna yidhi :

  Aakhiriyo aduunkaba 

Alleheenna mooyee

Ilaah kale ma uu jiro

Samadiyo arlaa’iga

Isagaa alkumayoo

Idilkood anaamkaba

Isagaa abuuree

Eebbe waaxid weeyaan

Ammarkiyo awooddaa

U sugnaaday kelidii

Ahow wuxu yidhaahdaba

Waa ay ahaadaan

Abbaaraye ujeeddada

Arartaydu waxay tahay

Ifka waynu aragnaye

Aakhirada waxaa iman

Aadmiga dhamaantii

Ammin lala xisaabtami

Aan ileyska fidiyee

Alif kale wuxuu yahay

Ma ogtahay waxaa jirey

Aqallada ku noolaa

Inan aan albaabkiyo

Iridooda dhaafayn

Oon laba aqoonayn

Xishoodkuna ku idil yahay

Waxse kacay ayaamahan

Kuwo uun ordaayoo

Eryanaaya nimankoo

Afartuba madowdahay

Aanna laga ammaan helin

Islaamii umulay iyo

Aaway odayadii dhalay

Kuway ehel wadaageen

Mayska eeganaayaan ?!!!

Abbaaraye ujeedada

Aan sii iftiinshee

Ugubtii asluubtiyo

Anshaxeeda diintiyo

Aayadaha ka booddee

Isu dhiibta inamada

Ibtilay la kulantaa

Haddii amarse uu dhoco

Aragtida dhexdoodana

Ka abuurmo aadane

Aakhiriyo aduunkaba

Waxa ugu ayaan daran

Umusha iyo fooshii

Eedaadkii soo maray

Inantii illowdee

Ilma gawrac noqotee

Disha aayeheedii

Waa amuur layaablehe

Ma ogola ilaahay

In la dilo naf daahira

Eedi ay ka dheertahay

Idinkuna aqoonsada

Axaadiista nebigiyo

Siduu eebahay yidhi

Lama dhega adkaadee

 

Maxamed c/laahi Cali Tiriig