wargayskacal.jpg
 
Laasqoray :- Waxay dhacdaa barta 11.77 degree loolka Woqooyi, 48.20 degree dhigta Bari, waana magaalo kamid ah magaalooyinka ugu faca weyn marsooyinka qadiimka ah ee kulaalaya gacanka Carbeed ee Woqooyiga Somaliya, waxayna dhanka Galbeed ka xigtaa magaalada Boosaaso fogaan ah 180km . magaalada Badhanna waxay kaga beegan tahay dhanka woqooyi fogaan ah 98km.

MUUQAALKA MAGAALADA LAASQORAY

Magaaladu waxay dhabarka ku haysaa buuraleyda silsiladda Golis, oo markaad jalleecdo muuqaalkeedu ku soo jiidanayo buuraha Calmadow ee jarcaleedka, laagga, iliilaha iyo loolimada biyuhu ka dhacayaan isugu jira, iskaba daa dhirta kala duwan ee durugsanaanta ay kaa durugsan yihiin awgeed uu midabkoodu u muuqdo madow, ayna ku nool yihiin kumanaanka xayawaan ee cad ku noolka iyo calaf ku noolkaba ah , ee badankoodu caalamka ka dabar go'ay , buurahaas oo ku wanaagsan dalxiiska, haddii laga faa'iideysanayo.

 

Dhismayaashii qadiimiga ahaa ee magaalada Laasqoray

Dhulka la siman ee xeebta marsan ayaa isagu ah bannaano , xarfooyin, durimo, xaysimo iyo danaago. Waxana si fiican ugu dhaqma xoolaha nugulka iyo geelaba , iyadoo xilligan ay barwaaqo ka jirto degaankaas ayaa waxa magaalada soo gala caano iyo subag aad u fara badan.

Magaalada Laasqoray ayaa la deganaa in ka badan sadex qarni , magacana waxa la sheegaa in loogu bixiyey ceelka magaalada oo ay iman jireen ganacsato carbeed oo iibsan jirey qoriga , wuxuna ahaa ¡° Laaskii qoriga ¡°. Iyadoo hal ku dhegga qormadaydana aan kasoo qaatay cayaaro dhaqameed u gaar ah degaanka Lasqoray oo la isugu jiibiyo :

Hubsan doontide aan habaynee

Heelladu waa hannaan Laasqoray.Kana mid ah cayaaraha kala duwan ee la isku yidhaahdo ¡°cayaar Laasqorida¡±.

Noocyada kalluunka ee ay hodonka ku tahay Laasqoray

Magaalada Laasqoray waxay hodon ku tahay khayraadka badda ee kala duwan, taasoo ay ku mutaysatay in Talyaanigu 1956 kii ka dhiso wersheddii kalluunka ee loo yaqaaney ¡° Tobjaan¡±.

Sideed sano kadibna waxa dalkii la odhan jirey Midowga Sofyeti ka dhisay wershaddii kalluunka ugu weyneyd Afrika , wax soosaarkeeduna gaadhayey ilaa 7000 tan sanadkii , shaqaale ka badan 1000 na ay shaqayn jireen , iyo weliba 100 doonyaha kalluumaysiga ah.

Nasiib darro wershaddaasi waxay la burburtay dawladdii Soomaaliyeed.

Wersheddii hore ee Kalluunka Doonyaha kalluumaysiga iyo xoogsatada Badda

Waxase arintan markale ka faa'iideystey Soomaalida qurba joogga ah oo maal gashaday wershed kalluun oo casri ah , iayadoo wershed kale oo qallajisa kallunkana hadda gacanta lagu hayo.

Muuqaalka Hotel Shaaca

Waxa iyana xusid mudan in wershed kale oo Hargaha iyo Saamaha ah uu si shakhsi ah uga hirgeliyey ganacsade Xasan Badeed , oo runtii mutay qadarin iyo in la dhiirri geliyo dadaalkiisa shakhsiga ah. Sadexda wershadood ee aan soo xusnay ayaa iftiimiyey mustaqbalka magaalada Laasqoray iyo iney noqoto magaalo wershedeed .

Dadka ku nool oo ilaa 10,000 qof gaadhaya ayaa 70% ah dad ka shaqaysta wershedahan iyo doonyaha kalluumaysiga oo tiradooda la iigu sheegay 300 doonyood. Waxa kale oo magaalada cammira shirkadaha ka ganacsada Maydiga, Aargoosatada, Xaniidka, Xoolaha nool, Caanaha iwm.

Xagga Caafimaadka:

Magaaladu waxay leedahay cusbitaal aan shaqayn muddo toban sano ah, hase yeeshee loo isticmaali jirey MCH ahaan, Sida uu ii sheegay madaxa MCH-ka C/risaaq Maxamed Jaamac ¡° Biniin ¡± waxa MCH-ka gacansiin jirtey hay'adda UNICEF , oo iyana labo sano aan wax daawo iyo gacan ah laga helin, taasoo keentay in MCH-kiina is xidho .

C/risaaq Axmed Jaamac (Biniin)

Wuxuu kale oo intaas raaciyey in roobabkii sanadkan da'ay ay sababeen Kaneeco, shuban xadidan, iyo borokiito(qabow dadka gala). Waxana dadku daawooyin kooban ka gataan sadex farmasi oo magaalada ku yaal, ayna joogaan daryeelayaal caafimaad oo si khaas ah uga ganacsada dawoyinka. Warbixintan uu na siiyey Dr.Biniin ayaa muujineysa sida uu u liito daryeelka caafimaad ee degmada L/qoray.

Xagga Waxbarashada.

Dhibaatooyinka waxbarasho ee haysta caruurta Laasqoray ayaan ka yarayn tan adeegga caafimaad ee aan soo sheegnay.

Maamulaha dugsiga Hoose ee Laasqoray Axmed Maxamed Xasan( Raanboo ) ayaa wargeyska Calmadow u sheegay in dugsigu uu burbursan yahay , una baahan yahay dayactir, waxana laga isticmaalaa 2 qol oo keliya , oo ardayda 63 ka ahi ku dhigtaan , waxana ugu sarreeya fasalka 4aad ee dugisga Hoose. Waxa kale oo maamuluhu tibaaxay in kuraasta , miisaska , buugta manhajka iyo agabka waxbarashaduba ay cidhiidhi ku yihiin.

Bareyaasha dugsiga wax ka dhiga ayaa ah saddex bare oo si tabaruc ah ardayda wax ugu bara, Sida maamuluhu sheegayna aan wax gacan ah meella ka helin.

Maamulaha Dugsiga Axmed Ranboo Muuqaalka dugsiga

Waddooyinka iyo Isgaarsiinta .

Magaalada Laasqoray ayaa waxa soo gala sadex waddo , oo labo kamid ah roobabkii waxyeello u geysteen ,aanna la marin .

Wadadda Geeldoora oo halbowle u ahayd magaalada Laasqoray ayaa dhibaato weyni si gaar ah uga soo gaadhey roobabkaas . Inkastoo dadweynaha labada degmo ee Badhan iyo Laasqoray ay isku dayeen iney wax ka qabtaan haddana weli ma suurta gelin in la maro.

Magaalada Laasqoray ayaa waxay leedahay hal layn oo telefoonka shirkadda Golis ah.

Maxamuud Ciyoon / Badhan

Wargeyska Calmadow