sanaaglannews.jpg

Laasqoray : - shir ballaadhan oo ay kasoo qayb galeen dadweyne isugu jirey cuqaal, culimo, dhallinyaro, ganacsato iyo haween ayaa saaka ka dhacay magaalada Laasqoray.
Md. Axmed Ismaaciil Suldaan

Shirkan oo uu guddoominayey Md.Axmed Ismaaciil Suldaan ayaa waxa looga hadlayey arrimo ay ka mid yihiin adkaynta nabadgelyada, dhaqaajinta cashuuraha iyo dhisidda maamulka dawladaha hoose.

Md. Axmed Ismaaciil wuxu sheegay in dhamaan degmooyinka Puntland laga hirgelinayo dhisidda maamulka dawladaha hoose , isla markaana loo baahan yahay sidii loo dooran lahaa dad xirfad iyo aqoon u leh maamulka , wuxuna ku dhiiri geliyey iney ka mid noqdaan aqoonyahanka iyo ganacsataduba , Md.Axmed wuxu intaa raaciyey iney lagama maar maan tahay in la dar dar geliyo cashuurta gobolka iyo degmooyinkaba si loogaga faa'iideysto horumarinta arimaha bulshada sida : cafimaadka, waxbarashada, biyaha iwm.

Ugu danbeyntiina wuxu Md.Axmed Ismaaciil dadweynaha ku boorriyey in ilaha dhaqaalaha ee degaanka laga ilaaliyo wixii khilaaf ah , meelna looga soowada jeensado ka ilaalinta wixii turxaan ah , maadaama aan nasiib u hellay buu yidhi dhawr wershadood oo wax weyn ka tari kara kobcinta dhaqaalaha.

Waxa kale oo halkaas hadallo qiime leh ka jeediyey odayaasha kala ah Caaqil C/laahi Cabdi Ibrahim, Muuse Maxamed Muuse, Xasan Nuur Adan, Xuseen Xaaji Cismaan, oo ka mahad celiyey sidii wanagsanayd ee Axmed Ismaaciil ugu warramay.

Maxamuud Ciyoon

Badhan/Sanaag