wargayskacal.jpg

Badhan: Mashaariic dhawr ah oo ka socda magaalada Midigale ayaa waxa maalgeliyey jaaliyadaha dibadda ee magaaladaas Midigale, oo ah magaalo dhanka Bariga ka xigta magaalada Badhan, fogaan ah 45km.

Tafatiraha Wargeyska Calmadow Maxamuud Ciyoon oo soo arkay mashaariicdaas ayaa sheegay in guddiga waxbarashada ee magaaladaasi ku hawllanaayeen dhismaha afar qol oo dugsiga H/dhexe ee magaalada lagu kordhiyey .

Guddoomiye ku xigeenka guddigaas Sh.C/laahi Maxamuud Faarax iyo xoghayntiisa Maxamuud Maxamed Ducaale (Fiin) ayaa wargeyska u sheegay in dhibaatooyin dhawr ahi haysato waxbarashada magaalada , kuwaas oo ay ka mid yihiin :

•  Fasallada oo aan ku fillayn ardayda, qaarkoodna weli ay suuqa joogaan , kadib markii loo waayey fasallo ay wax ku bartaan , kuwa dhigtaana waxay si cidhiidhi ah wax ugu bartaan qaybtii hore ee dugsiga , iyadoo ay intaas dheer tahay kuraas yaraan, shantii ardayna ay kuwada fadhiistaan hal miis iyo kursi (desk).

•  Bareyaasha oo aan weli magaaladu awood u lahayn iney kafaalo qaaddo, iyadoo weliba qaybtood laga keenay meelo fog.

•  Agabka waxbarasho iyo siminaarada bareyaasha oo aan weli la hayn cid naga caawisa

Guddigu waxay jaaliyadaha ka codsanayaa iney sida ugu dhaqso badan u dhamaystiraan wejiga 2aad ee dhismaha fasallada gacanta lagu hayo si looga boxo dhibaatada fasallo yarida , ardayda aan weli la keenin dugsigana loo diiwaan geliyo, iyagoo intaa raaciyey in xilligii gu'guna uu bilowday , khatarna uu ku keeni karo roobku dhismaha qabyada ah ee aan daboollayn.

Ugu danbayntiina guddigu wuxu u mahad naqay shakhsiyaadka iyo jaaliyadaha ku hawllan maalgelinta mashaariicda , gaar ahaan kuwa ku nool Maraykanka , Sweden , Ingiriiska iyo Ustrallia. Waxay kale oo ay si gaar ah u xuseen dadkii isku xidhka hawlahan waday oo kala ah : Inj. Axmed Caalin, Sh/Cali Maxamuud Xasan, Ismaaciil Yuusuf C/kariim iyo Xildhibaan C/raxmaan Jaamac Cabdalle.

Waxayna sheegeen iney ballan qaadayaan iney waxaqabad iyo wax wanaagsan tusayaan cid kasta oo ka qayb gasha maalgelinta mashaariicda degaanka Midigale, ayna diyaar u yihiin hanashada wixii soo gaadha.

Jaaliyaduhu waxay hore u maalgeliyeen dhisamaha dugsi quraan , oo ay wax ku bartaan arday ka badan illaa 120 arday , oo isugu jira yar-yar iyo waaweynba, dugsigan oo dhismihiisa uu si gaar ah ugu deeqay Inj. C/risaaq Awcali (Black) oo deggan dalka Kuwait.

Isku soo wada duuboo , reer Midigale ayaa mooddaa iney ka dhabbaynayaan riyadoodii ahayd ¡° Midigale magaalow oo Muqdishuu la haystaa ¡°, oo ahayd kelmed xifaaleed baxday muddo hadda laga joogo 27 sano.

Maxamed Siciid / Badhan

Wargeyska calmadow

Maxamed c/laahi Cali Tiriig