wargayskacal.jpg

Murti iyo Maahmaahyo.
SADDEX BAA RAG U LIITA:
 ma tashade, matashiishe, iyo ma toshe
LABO LAGUMA GUULAYSTO
 
maalaay duur laga doonay iyo maslaxo naag laga doonay,

*****                      *********
 Qaybta suugaanta

Xayawaanku waa qayb wayn oo caalamka kamid ah,waxa kamida noocyo xigmadda tusaale looga dhigto,kuwo midnimada tusaale loogu soo qaato iyo kuwo doqoniimada tusaale looga dhigo.

Xayaawanada qosolka badan waxa kamid ah goroyada ,waxa layiri marka labaacsado oo ay xiiqdo ayna xaqiiqsato in inaanay carari karin ayay madaxa ciidda gelisaa iyadoo u arkaysa inaanay cidi arkayn oo ay dhuumatay.

Markaasa mid kamid ah suugaanyahanada Soomaaliyeed doqonta kumataley oo yiri :-

Goroyadu col toosiyo markay cadow ka yaabayso.

Cidi yey ku arag bay indhaha ciid u gelisaaye.

Waa ceeb axmuqu leeyahoo looma caal helo’e

*******                      *******

Maxamed c/laahi Cali Tiriig