SHEEKO GAABAN

Waxa jirey nin Huriwaa la odhan jirey, oo ilaah shanta maal aduun u dhiibey geelu hawgu badnaadee. Nasiib darro Huriwaa wuxu lahaa sadex wiil oo aan is dhaamin xagga doqoniinada, waxan odhan karraa kuwa la yidhaahdo xoolaha geedaha waa uga horreeyaan. Huriwaa intuu noolaa isaga ayaa qarin jirey doqonimada wiilashiisa, waayo wuxu ahaa nin deeqsi ah, oo haddana wax garad ah, beeshuna aad ugu soo hirato. Waxay duni sidaa ahaataba maalintii danbe ayaa Huriwaa xaqii u yimid oo uu geeriyoodey.

Wixii hawl ahaa , oo geelii kadinka ahaa ugu weyn yahay ayaa waxay kusoo baxsatay wiilashiisii . halkii la rabey in ay hawsha qaybsadaan ayey geelii isu daba geleen.

Fiidkii ayaa geelii lagu hooyey gale cidla ah oo ka fog beesha iyo guriga , maantii oo dhan wax ma cunine saqdii dhexe ayey gaajo la seexan waayeen, markaas ayaa mid istiilay oo yidhi : Geeleena maynoo listaan gaajo waa cudure, kii labaad baa u jawaabey oo yidhi :

 Ninkii hal u godlaba haatan waa lala lisaayaaye, markaas ayaa kii sadexaadna yidhi : casarkuu iswada gaagaxshaye geelu ha caweeyo. Sidaas bey habeenkii gaajo ugu seexdeen.

Subaxdii ayey tooseen mise hali uma joogto, waa doqon iyo caadadeed e waxay isu daba galeen hal jiho , si ay geela u baadidoonaan, sidey isu daba joogeen ayaa gabalkii dhacay, waa socdeen , saqdii dhexe ayaa kii u horreeyey wadada dhexdeeda intuu wax ku arkay buu soo qaatay , mise waa abeeso,  goortuu arkay iney qaniintey buu kii ku xigey u dhiibey oo yidhi : bal eeg waa maraqii Mawro daqasheede (hal magaceed), isna waa qaniintey, isna kii kale ayuu usii dhiibey. Iska daa waxay baadi doonaane iyagii oo abeesi wada cuntay baa laga helay wadada dhexdeeda .