wargayskacal.jpg

Sheeko gaaban.

 Magaalo ayaa waxa ku wada noolaa labo nin oo la kala odhan jirey Damaaci iyo Xaasid. Xaasid waxa uu lahaa Maqaaxi shaaha laga cabbo, Damaacina maqaaxida ayuu yimaaddaa , wuxuna fadhiistaa kursiga ugu quruxda badan, waxna maqaaxida kama iibsado.

Maalintii danbe ayaa Xaasid yidhi nin yohow kursiga ugu fiican ayaad fadhiisataa waxbana igama iibsatide, ama wax iibso ama I dhaaf, " Damaaci ayaa ugu jawaabey " aniga waxa la I yidhaahdaa Damaaci, kursiga quruxda badanna cid uma quudho, inaan wax kaa iibsadona kuu quudhi mayo ", Xaasid ayaa yidhi " anna Xaasid baa la I yidhaahdaa , inaad kursi qurux badan ku fadhiisato oo aadan wax iga iibsan kuu quudhi maayo !!!".

 Labadii nin ayaa isu fiirsaday , mise labada magac waa labo magac oo xun, saamaynna ku yeeshay, dabadeed waxay isku af-garteen inay u tagaan culimada oo ay ka ducaystaan..

Waxay u yimaadeen nin wadaad ah , waxay ku yidhaahdeen shiikhow labadaas magac ee xun-xun nooga ducee, shiikhii wuxu ugu war celiyey , waa idiin ducaynayaa, laakiin ducadu waxay maqbuula noqonaysaa in midkiin duceeyo, waxa uu ku duceeyana, kan kale ayaa loo laban laabayaa.

Islma markiiba Damaaci ayaa soo boodey oo yidhi " war Xaasid saaxiibow inoo ducee ", Xaasidna wuxu ku jawaabey "adigu inoo ducee", cabbaar ayaa la isku cel-celiyey, kadib , Xaasid baa yidhi " war anaa ducaynayee aammiin dheh…. (  ilaahow il iga rid ) " markaas ayaa Xaasid ili kasoo dhacday , Damaacina sidii shiikhu yidhi waxay u noqotay laban lab oo labadii indhoodba waa kasoo dheceen .

Maxamed c/laahi Cali Tiriig