sanaaglannews.jpg

Wafti ka socda Puntland  oo soo gaadhey Badhan.

 

 

Badhan:- Weftigan oo uu hogaaminayey Agaasimaha waaxda shaqaalaha ee W/caafimaadka ee Punland Md.Axmed C/raxmaan Faahiye ayaa waxay soo mareen magaalooyin badan oo ay ka mid yihiin Dhahar,B/qol, Xingalool, Buraan, Ceelbuh iyo Hadaftimo.

Agasimaha ayaa waxa uu safarkiisa ku micneeyey xog ururinta goobaha caafimaadka ee gobolka Sanaag, dhinacyada shaqaalaha, qalabka , cidda gacansiisa, mushaharkooda, iwm. Safarkan oo qaadan doona 7 casho ayaa waxa ku weheliyey Dr.C/laahi Qalanje, waxayna kulamo iyo warasyi la yeesheen Duqa degmada Badhan, Guddida Caafimaadka iyo shaqaalaha MCH-ka.

Tallaalka dabaysha oo la soo gebagebeeyey.

Dhamaan magaalooyinka gobolka Sanaag ayaa waxa muddo 3 casho ah ka socdey tallaalka cudurka dabaysha (Polio) .

madaxa DPO ee degmada Badhan Mukhtaar Axmed ayaa wargeyska u sheegay in tallaalkani soo dhammaaday Khamiistii, waxana la tallaalayey caruurta ka yar 5 sano , oo laga tallaalayey cudurka dabaysha oo ka mid ah cudurada dilaaga ah , wuxu kale oo intaa raaciyey in 51 kooxood oo tallaal ay u kala bexeen magalooyinka G/Sanaag