soo.jpg

Yaa Soomaaliyey Taagan Tahay Saaka Xaajaduye:

December 23, 2001

Gabaygan waxa tiriyey Maxamuud Axmed Cabdalle wuxuna soo baxay maalinta kor ku xusan. Gabaygani wuxuu ka hadlayaa xaqiiqada jirta. Waxan ku hal qabsaday nin saaxiibkay ah oo aan isweydiinnay halka maanta arrini taagan tahay. Waxaba yaanan idin daaline, wuxu yiri:

Sirma qabe adaan Maxamedow hadalka saafayne
Adigaan si hoosiyo u deyin siir u jeedda ahe
Samow daacadnimo waa middaan kugu sifeeyaaye
Haddaad siinka gabay igu tiqiin waan ka saahidaye
Saaxiib ma marin oo beryaan sahan ku laallaaye
Su'aashaad I weydiisay baan kuu sakalayaaye

Dadkii waa iskala soocayaa sebenka maanta ahe
Sirbaa lagu wadaa iyo wallee saaxir taladiise
Saqiir iyo kabiir waa ka samir seerka loo dhigaye
Sayid baan ihiyo madaxnimay dar isku seegeene
Iimaanku wuxu sare ka tegey saaqid iyo khaa'in
Warlord saancaaddaalaa khaldiyo sun iyo boog daace
Sumaddii amxaarkay wataan qaar salleelimane
Yaa soomaliyeey taagan tahay saaka xaajaduye

Labiyo toban sanay soo ahayd silic maryaadkaase
Sagadhkaad is taagtaba arlada way sunsumaysaaye
Sekedaha Sancay tuban tihiyo suuqyada Isliiye
Saranseerka qaarbaa ku tegey Siiriyiyo Ruushe
Sumcaddii hallawdiyo magicii soo jirka ahaaye
Naanays sirgaxan baa dhabtii qoorta loo sudhaye qaxooti
Sinjiyaad kun baa laga dhigiyo duul la saacido'e
Yaa soomaaliyey taagan tahay saaka xaajaduye

Diin sugan af wada saaxiyiyo dhaqan sal loo gaadho
Sokeeyiyo xigaalay ahayd beri samaadkiiye
Sandullaha gumaystaha waatay saydhay calafkiise
Waatay sahyuunddii iyo diidday sabihiiye
Waatay seetadiisii jartoo tuurtay salabkiiye
Maantana Sinaawi baw arrimin iyo sacii Moye'e
Sabsaabkii wax loo sogordahaa suun ku duug ma lehe
Yaa soomaaliyey taagantahay saaka xaajaduye

Wixii faallo ah waan soo dhoweynayaa, kalana xiriir Maxamuud:

Mahadsanidiin

Maxamed c/laahi Cali Tiriig