wargayskacal.jpg

Md.Axmed Ismaaciil Suldaan.

Damalla-xagarre : - Md. Axmed Ismaaciil Suldaan oo ka mid ahaa waxgaradkii nabadaynta ka wadey aagga Damalla-xagarre ayaa ku soo laabtay magaalada Badhan.

War murtiyeed uu kasoo saaray xaaladdii nabadaynta ee ka socotey Damalla-xagarre ayuu ku tilmamay in xaaladdu ay aad u xasiloonayd, una muuqatey mid guul laga gaadhayo (ilaah idamkii), laguna guulaysanayo. Wuxu kale oo sheegay in la magcaabay guddi ka kala tirsan labada dhinac , tiradooduna gaadhayso 22 qof, iyo 6 xoghayn ah , guddidaas oo dhammaan hoos imanaysa labada guddoon ee Suldaan Siciid Suldaan iyo Garaad Saleebaan.

Guddidan ayuu Md. Axmed Ismaaciil ku sheegay inay tahay gudidii falanqayn lahayd , go'aanna ka gaadhi lahayd dhacdooyinkii wax-ma garadku ka dhex sameeyeen beelaha walaalaha ah.

Guddidan ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku hawlanayd sidii ay u heli lahayd xog dhab ah oo ku saabsan wixii dhacay iyo ciddii geysateyba. Iyadoo maalinta Arbacada ah ee bishu tahay 02/02/2005 loo ballansan yahay furitaanka wada hadalka rasmiga ah ee labada dhinac.

Ugu danbayntii Md.Axmed Ismaaciil wuxu sheegay in waxgaradkii halkaas isugu yimid ay ka go'nayd nabad iyo in si walaalnimo ah looga wada xaalo wixii dhacay.

Dadka walaalaha ah ee ku dhaqan dalka gudihiisa iyo dibadiisana wuxu ugu baaqay iney taageeraan nabadda iyo xasiloonida ay wadaan Isimada iyo waxgaradka ku sugan magaalada Damalla ¨Cxagarre.

Maxamuud Ciyoon / Badhan.

Wargeyska Calmadow

By:

Maxamed c/laahi Cali Tiriig