wargayskacal.jpg

 

Badhan: 20/1/2005 Saaka subaxnimadii ayaa dadweynah magaalada Badhan ku soo tooseen dhawaaqa takbiirta ee ay baahinayeen qalabka microphoneda masaajidada,

Kadib dadku waxay bilaabeen inay u diyaar garoobayaan soo gudashada salaadda ciidka iyo gawraca udxiyada ee salaadda ka danbeeya,dadweyne aad u fara badan ayaa ku tukaday salaaddii ciidka musallaha magaalada, halkaas oo khudbado isugu jira wacdi iyo waano laga jeediyey.

Shiikh C/qaadir A.Ismaaciil Shiikh Max'ud M.Cumar

Shiikh Maxamuud Maxamed Cumar iyo Shiikh C/Qaadir Axmed Ismaaciil ayaa dadweynaha xasuusiyey nimcooyinka ilaahay ku manaystay waxayna aad ugu dheeraadeen nabadda , iyagoo ku tilmaamay inay tahay asaaska nolosha banii aadamka,wuxuuna yidhi shiikh C/qaadirAxmed Ismaaciil ˇ°Haddii aanay nabadi jirin banii aadamku wax horumar ah ma gaadhayaan if iyo aakhiroba,sidaa darted yar iyo weyn, cirroole iyo caruurba waa inaan ka shaqaynaa nabaddaˇ±.

Waxayna culimadu carrabka ku dhufteen mashaqadii ka dhacday maalmihii la soo dhaafay deegaanada K/galbeed Sanaag, waxayna dadweynihii halkaa isugu yimid ku boorriyeen iney hawshaa si nabad ah uga shaqeeyaan una duceeyaan in ilaahay fidmadaas qaboojiyo.

Wax garadka , Culimaa'udiinka, iyo guurtida kale ee aan raacin ergooyinkii nabaddana waxay usoo jeediyeen iney garab istaagaan dadaalka nabadeed ee la wado.

dadweynaha magaalada Badhan ayaa isugu soo baxay wadooyinka iyagoo u socda koox-koox isuguna hanbal yeynaya ciid wanaagsan TAQABALALAAHU MINNAA WA MINKUM,wajiyadoodana ay ka muuqatay farxad, caruurtuna ay farxad la damaashaadayaan .

sida la ogyahay waxa magaalada Badhan yimaada wakhtigan oo kale dad aad ufara badan si ay ula soo ciidaan eheladooda iyagoo ka yimaada magaalooyinka Boosaaso iyo Laasqoray.

Maxamuud Ciyoon/Badhan.

Wargeyska Calmadow

soo.jpg