Heestan waxaa Sameeyey Cali Goox
waxaa ku luuqeeya (Shay mire dacar)
BISHAARO
Bishaaradii naftaydaay!
Bugto waxaan kuu soo maray,
Badtallaalihii uu
Boodhari ku aasnaa.
Ilaa buurtii Daalood,
Buraan iyo Hadaaftimo,
Ceerigaabo iyo Badhan
Beleddadii kalgacallada.
Iyagoo barwaaqo ah
Biyuhuna qulqulayaan
Balliyaduna buuxaan,
Soo booqday awgaa.
Sidaan ahay bukaansocod,
Markii banta lays yidhi,
Bilaneey
Lay baxnaannin kariwaa!
Banii-aadan baad tahay
Bashar kula midaan ahay
Naf kuu baahan baanee,
Barbarkaaga ila qabo!
Bishaaradii naftaydaay!
Ballan aan u galay axad
Weligey kamaan bixin,
Uma laba-bogleyn ruux.
Belbelkaniyo naartani
Baaxaa-deggeygiyo
Bixisadan i haysiyo,
Waa maxay badweyntani!
Baxsantaan jeclaayeey!
Baadiyoobay awgaa,
I badbaadi maantaad
Sida bahal i sidataa!
Beerkaad i sudhatee
Hayska dhigin biraan jabin,
Buuraan la mari karin,
Bani-aadan baad tahay
Naf kuu baahan baanee,
Barbarkaaga ila qabo!
![]() |
![]() |
|
![]() |