
Duqa Degmada Badhan oo maanta soo saaray Baaq Nabadeed
Badhan :- Duqa degmada Badhan Dr.Maxamed Axmed Cismaan(Bulbul) ayaa maanta xafiiskiisa ka soo saaray baaq nabadeed oo ku wajahan beelaha walaalaha ah ee wada degan G/Sanaag ee xurguftu dhex martay maalmahan.
Baaqan oo uu duqu nuqul ka mid ah soo gaadhsiiyey Wargeyska Calamdow, ayaa u qornaa sidan :-
Waxaan salaanta iyo hanbalyada ciidka u dirayaa dhammaan dadka walaalaha ah ee isku degaanka ah ee maalmahan ay shaqaaqadu dhex martay, waxanna leeyahay aniga oo ku hadlaya codkayga iyo kan degaanka Badhameed , siiba dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada,
Waxan u soo jeedinayaa dhinacyada ay dhacdadani khusayso waayeelkooda iyo waxgaradkooda in si nabadgelyo ah lagu xalilo, nabadgelyana lagaga gudbo xaaladdda taagan.
Waxan mar kale adkaynayaa in caqligu shaqeeyo, wixii hore u dhacayna aan wax danbe lagu darin.
Hawsha laga shaqaynayaana ha ahaato nabadgelyada iyo adkaynteeda iyo xallinta wixii hore u dhacay.
Duqa degmada Badhan Maxamed Axmed Cismaan (Bulbul)
Maxamuud Ciyoon /Badhan Wargeyska Calmadow + HorseedNet.com
|
|
 |
 |
|
Maxamed c/laahi Cali Tiriig | | |