sanaaglannews.jpg

Hooyo Soomaaliyeed oo bareyaasha codsi usoo jeedisey.

Badhan: Hooyada mageceedu yahay Cibaado Maxamed Faarax ayaa wargeyska Calmadow soo gaadhsiiyey qoraal ay bareyaasha dugsiyada quraanka iyo dugsiyada nadaamiga ah ee magaalada Badhan ay kaga codsnayso iney wax kala qabtaan buuxinta wakhtiyada firaaqada ah ee ardayda ,waxana uu qoraalkeedu ahaa sidan :

( Macalimiineey aniga oo og dhibta aad ku qabtaan caruurta , waxan idinka codsanayaa inaad nagala qayb qaadataan sidii aan u buuxin lahayn labo wakhti oo ardaydu firaaqo yihiin , ayna ku kacaan waxyaalo aan loo baahnayn : labadaas waxkhti oo kala ah xilliga bacdal casarka oo ay kubad u dareeraan , iyo xilliga fiidka ah oo ay fiidyow daawadaan , ayna dhaqan xumo ka qaadeen.

Markaa macallimiiney si aan tacabkiinna iyo tacabkayaguba u khasaarin waxan idinka codsanayaa inaad ku mashquulisaan dusgiyo bareefat ah oo habeenkii loo furo iyo kutub loo akhriyo habeenkii , aynuna kala dagaallano wixii anshax xumo iyo edeb xumo ah , ujeedaddayduna waa dabar goynta dhaqan xumada xagga ardyada ).