QAYBTA SUUGAANTA
Gabaygan waxa tiriyey Abwaanka da’da yar Mukhtaar Xamuurad wuxuu abwaanku inoo sawirayaa nafta Muslimka ah ee canaan badanka ah iyo sida damiirka fiyoobi ula hadlo wuxuu yiri:-
Naf yahay dookhaaga iyo
Dookhaagaa ku wada.
Adaa derejada aduun
Danbeetada dhaafsadoo
Adaan damac deynihayn
Adaa dabar qaata oo
Adaa isa soo deldela
Maxaad diiddaa samaanoo
Maxaad xumo doonataa
Maxaad dabin kuu qarsoon
Digniin adigoo ka qaba
Naf yahay dalaq ugu tidhaa ?!!!
Duufaan weeyaan aduun
Dabayliyo daad is wada
Mawjado dalandoolayee
Duugiisa waxaa iska leh
Dariiqa rasuulka iyo
Ninkii daa'imkii yaqaan
Dadkii Qaaruun arkee
xariirtii dushiisa iyo
Dalbaday dhaqankiisa oo
daartiyo maalkuu lahaa
Isagoo daakhilkawgu jira
markay daleel madhan noqdeen
Duruus eebahay ka dhigay
deg-deg waatey qireen
Ninkuu doonaba ilaah
Deeqdiisa inuu u huro
Waxaan kula doonayiyo
waxaad moodaysid door
Naf yahay kala durugsanaa
Denbaan kaa ilaaliyaa
Dulmaan kaajiraa intaa
Duduuc baan kuguwadaa
Dadkuu jecel yahay ilaah
iney deris kuu noqdaanoo
Jannada aad wada degtaan
ayaan kula doonayaa !!!
Dunidu waa tii dhoweyd
Doqontaa aammintoo
Iyadoon loo deynihayn
Sidii xoolo daaq tagtee
Dubkaagii anaa ahoo
Diirkiyo waxaan ahay laftii
Damqashada kuu hayee
Dab iyo naar haygu ridin !!!
Adoo daahiroo dayiba
Daacadda eebbahay u noqo
Jannada aad durduuratide !!!
Dardaarankii waxan ku idhi Dooddiina kusoo afjaray
Dalluunta qabrigee madow Loxodka lagu deyrayiyo
Xusuusnow iilka dedan !!!!
wuxuu abwaanku ku aqala galay magalada badhan wiiigan hanbalyo baan leeyahay isaga iyo xaaskisaba
![]() |
|
![]() |