sanaaglannews.jpg

Gabadh reer Abu Dabai ah oo lacag u ururinaysa dugsiga Laasqoray

 

CISHADAAN KA DEGAY LAASQORAA CABATAY DHAWR JEERE
WAXAY TIRI CIYAALADAAN KORSHAY DIBAD U DHOOFSHEENE
WAXAY TIRI CIROOLUHUNA WUXUU CAMIRAY CAASIMADIHII KALE'E
WAXAY TIRI CIDLOODAYEEY CATAABAYEEY ANIGA YEY MAQAN?

 Baaq Ku Socda Dhamaan Ardadii Wax Ku Baratay Dugsiga Hoose/Dhexe Ee Laasqoray

Walaalayaal waxaan aad u qiirooday markaan  websiteka Laasqoray iyo Dhahar ku arkay sawirka dugsiga laasqoray iyo dayaca ka muuqda isagoo aad u burbursan hadana arday yaryar oo wax ku bartaa ay hor taagan yihiin.
Waxaan ka codsanayaa in qof walba oo soo maray dugsigaa laasqoray uu ka qiiroodo dayaca ka muuqda oo uu xasuusto wixii uu ku bartay iyo waayihii uu soo maray.
markaa waxaan ku talin lahaa inaynu u ururino lacag lagu dayac tiro oo aynu isaga qaadno qofkiiba 50 dollar intii isku dal ah ama isku magaalo ahna ay is maamulaan ka dibna aynu wada xidhiidhno oo ka tashano.
Waxaan filayaa haddii ay hirgasho oo lacagtaasi soo ururto in aynu ka dhigi karo dugsi aad u casriyeysan oo wax  u tara dhalaanka soo koraya.
Sidaa iyo wada socod wanaagsan
Luul A.Geeldoon[Maryan Ali Ismail