Tafatiraha Wargeyska Calmadow Maxamuud Ciyoon oo soo arkay mashaariicdaas ayaa sheegay in guddiga waxbarashada ee magaaladaasi ku hawllanaayeen dhismaha afar qol oo dugsiga H/dhexe ee magaalada lagu kordhiyey .
![]() |
Guddoomiye ku xigeenka guddigaas Sh.C/laahi Maxamuud Faarax iyo xoghayntiisa Maxamuud Maxamed Ducaale (Fiin) ayaa wargeyska u sheegay in dhibaatooyin dhawr ahi haysato waxbarashada magaalada , kuwaas oo ay ka mid yihiin :
• Fasallada oo aan ku fillayn ardayda, qaarkoodna weli ay suuqa joogaan , kadib markii loo waayey fasallo ay wax ku bartaan , kuwa dhigtaana waxay si cidhiidhi ah wax ugu bartaan qaybtii hore ee dugsiga , iyadoo ay intaas dheer tahay kuraas yaraan, shantii ardayna ay kuwada fadhiistaan hal miis iyo kursi (desk).
• Bareyaasha oo aan weli magaaladu awood u lahayn iney kafaalo qaaddo, iyadoo weliba qaybtood laga keenay meelo fog.
• Agabka waxbarasho iyo siminaarada bareyaasha oo aan weli la hayn cid naga caawisa
Guddigu waxay jaaliyadaha ka codsanayaa iney sida ugu dhaqso badan u dhamaystiraan wejiga 2aad ee dhismaha fasallada gacanta lagu hayo si looga boxo dhibaatada fasallo yarida , ardayda aan weli la keenin dugsigana loo diiwaan geliyo, iyagoo intaa raaciyey in xilligii gu'guna uu bilowday , khatarna uu ku keeni karo roobku dhismaha qabyada ah ee aan daboollayn.
Ugu danbayntiina guddigu wuxu u mahad naqay shakhsiyaadka iyo jaaliyadaha ku hawllan maalgelinta mashaariicda , gaar ahaan kuwa ku nool Maraykanka , Sweden , Ingiriiska iyo Ustrallia. Waxay kale oo ay si gaar ah u xuseen dadkii isku xidhka hawlahan waday oo kala ah : Inj. Axmed Caalin, Sh/Cali Maxamuud Xasan, Ismaaciil Yuusuf C/kariim iyo Xildhibaan C/raxmaan Jaamac Cabdalle.
![]() |
Waxayna sheegeen iney ballan qaadayaan iney waxaqabad iyo wax wanaagsan tusayaan cid kasta oo ka qayb gasha maalgelinta mashaariicda degaanka Midigale, ayna diyaar u yihiin hanashada wixii soo gaadha.
Jaaliyaduhu waxay hore u maalgeliyeen dhisamaha dugsi quraan , oo ay wax ku bartaan arday ka badan illaa 120 arday , oo isugu jira yar-yar iyo waaweynba, dugsigan oo dhismihiisa uu si gaar ah ugu deeqay Inj. C/risaaq Awcali (Black) oo deggan dalka Kuwait.
Isku soo wada duuboo , reer Midigale ayaa mooddaa iney ka dhabbaynayaan riyadoodii ahayd ¡° Midigale magaalow oo Muqdishuu la haystaa ¡°, oo ahayd kelmed xifaaleed baxday muddo hadda laga joogo 27 sano.
Maxamed Siciid / Badhan
Wargeyska calmadow
Maxamed c/laahi Cali Tiriig