wargayskacal.jpg

Qaybta Suugaanta(maanso


Ummad aan dirkoor iyo
Daadihin aqoonyahay
Sidee bay dariiq  wacan
U helaan dadkeed oo
Dunidana ku gaaraan?
Aqoon waa difaac iyo
Derbi aan la jebin oo
Ummaddii dugsiga iyo
Ku dadaasha qalinkaba
Dayrkeeda cadaw iyo
Dabadhilifku muu galo.
Aqoon duunyo weeyoo
Ummadday dadkeedii
Daraasooyin badan iyo
Cilmigaba durduurtaan
Dunidaa jeclaatoo
Cagahooda daba taal
Iyagaana dunidiyo
Dalalkoo dhan hagiyoo
Afarteeda daafood
Masallaha ladaba dhigan
Dadkaygiyo dalkaygow
Dunidaa dhaqaaqdee
Samadaa dusheediyo
Xidigaha u duuleen

 

Doontii aqoontay
Raaceen dadkeedii
Dayaxana ku gaareen
 Dugsiyada  imaadaay!.
War diyaar-garoobaay
Aan dugsiga aqoontiyo
Doonyaha badbaadada
Dacallada  dalkeeniyo
Dockastaba ka taagnee
Dumar iyo raggeennaba
Dadow yaan la kala harin.

Maxamed c/laahi Cali Tiriig