Sheeko GAABAN Waxa jirey bulsho fardood degmadu leedahay , xiliguna wuxu ahaa xilli barwaaqo ah, oo caanaha la qubayo, dhallinyaro kaftan iyo maansooyin baa laguhaasaawaa oo nin walbi aftahamadiisa ku soo bandhigaa. Raggaas bulsho fardoodda ah waxa kujrey nin kaftanka, maansada, aftahamada iyo golejogaba u haystey oo la odhan jirey Wacays, ciddii is tiraahda ka wiinna uu meel xille kaga soo hadha, faankuna u dheeree, isagoo lahaa sange gool baroor ah , oo bulsha fardoodda caan ku ahayd.
Maalintii danbe ayaa Geelii beesha la dhacay, bulsho fardoodiina waxay markiiba raacdo isugu qaybiyeen meelihii la tuhmayey . rag uu kujiro Wacays iyo nin ay ilma adeer yihiin ayaa isku jiho noqday.
Hal cabbaar ah haddii la socday , ayuu Wacays was-waasay oo yidhi : oo walaalow meeshu fogaa, wuxu ugu jawaabay : waa run , geeleennii baase maray. Haddana waxa la gaarey raadkii ninamkii geela dhacay , Wacays xaaladdii waa ku biyo keentay , wuxuna weydiiyey : oo walaalow nimanku cago yar-yaraa ma caruur baa , wuxuna ugu jawaabey : waa rag allena iskeen bad .
Cabbaar kadib Wacays dib ayuu u soo dhuuntay baqdin awgeed. Tagto sheeko laga reebye , markii la isu soo noqday ayaa Wacays Kaftankii iyo xifaaladii lagu bilaabay , oo lagu naanaysay Fulaynimo , iyo inuu soo cararay.
Wacays isagoo fulaynimadiisa u qiil doonaya ayuu tiriyey gabay indha-garadnimo ah , wuxuna yidhi :
Fajacayga nimankii arkay baad feedh la orodeena
Fuurtadu markay ila hadhay baad horu fullaacdeene
Iga wallaan ninkii fulay iyadhii gaadhi farahaygu
![]() |
|
![]() |