Dhakhtarku markuu yimidba wuxuu shir lagalay Guddida caafimaadka Ee magaalada Badhan, wuxuuna uga war bixiyey safarkiisa uu kusoo maray Magaalooyinka Laasqoray, Dhahar iyo Buraan, Safarkaas oo ujeedadiisa uu ku sheegay inuu warbixin xagga Caafimaadka ah ka ururiyo magaalooyinkaas uu soo maray,
Warbixintaasna uu ugudbin doono Jaaliyadda reer Sanaag ee ku nool Ottowa / Canada oo soodirtay iyo hay'ada UNDP .
![]() |
Dhexda : Dr. C/laahi Aadan Gaas , Midig : Dr. Ciise Axmed Taajir |
Kadib waxa uu warbixin ku saabsan isbitaalka magaalada Badhan ka dhageystay Duqa degmada Badhan Maxamed Axmed Cismaan Bulbul oo soo agaasimay shirkan.wuxuna duqa degmadu tilmaamay in isbitaalku uu joogo marxaladii furitaanka iyo sida baahi loogu qabo furitaankiisa.
Waxa isna halkaas hadal ka jeediyey Dr. Ciise Axmed Taajir oo isagu beryahan hawl caafimaad ka waday magaalada Badhan,Dr. Ciise waxa uu ka warbixiyey booqashadii uu ku soo arkay isbitaalka magaalada, wuxuuna sheegay inuu ku soo arkay qalab casri ah iyo dhisme wanaagsan,waxa uu intaa raaciyey inuu diyaar u yahay inuu ka howlgalo isbitaalka .
Guddoomiyaha gudidda caafimaadka Xaaji Maxamuud Maxamed Shire ayaa isaguna hadallo soo dhowayn iyo dhiiri gelin ah halkaas ka jeediyey, waxana uu dhakhaatiirta u sheegay in maalinta Sabtida ah uu soo tusi doono isbitaalka si ay indhahooda ugu soo arkaan waxa yaalla iyo waxa ka dhimanba
![]() |
Qayb ka mid ah guddida caafimaadka |
Odayaasha kasoo qayb galay shirkan ayaa waxa kamid ahaa :-
Oo dhamaantood sheegay siday ugu farax sanyihiin dhakhaatiirta heeganka u ah furitaanka isbitaalka iyo xog ururinta caafimaadka gobolka ee u baahan in wax laga qabto, inkastoo aanay weli dhakhaatiirta iyo guddidu isla qorshayn xilliga rasmiga ah ee la furayo isbitaalka.
Maxamed Siciid / Badhan
Wargeyska Calmadow