Suugaanta (maanso)
Maansadan oo ah nooca xifaalaha loo yaqaan , waxa curiyey abwaan Mukhtaar xamuurad, abwaanku wuxu inoo sawirayaa labo gabdhood oo is xifaalaynaya, waa Xayo daran iyo Xurmo badan, ;
Xayo daran waxay tiri:
Xayaatada aduunyada
Xiisaha casriga iyo
Ilbaxnimaa ku xoogloo
Qurux baa ka xaasila
Xay nool intaad tahay
Xusulkaa xabaal gelin
Xorriyad baa la qaataa
Xarragaa la raadshaa
Adiguna xunbuulooy
Goonnada xariirtiyo
Diric xaluska aan qarin
Soo xidho saraawiil
Xidigaha aad gaadhide
Xurmo Badan :
Ma xishooto dumariyo
Xayo daran ma aan ihi
Diinta waan xurmeeyaa
Xaqa waan ilaashaa
Xalaal quudataan ahay
Xakiimkii ilaah baan
Xaaraan ka magan galay
Xisyarey sidaadaa
Xuubkii jidhkaygiyo
Xoqi maayo diirkoo
Tafta xaydi maayee
Xijaabkii ilaahay
Ku xukumay haweenkaan
Weligay xidhnaanoo
Xamdi eebbe baan odhan.
Maxamed c/laahi Cali Tiriig