sanaagsuugan.jpg

Gabaygan waxaa tiriyey Abwaan Maxamoud Maxamed Aw yuusuf Wuxuu soo baxay 2/13/05 wuxuu gabaygu ku saab san yahay gabadh u dhalatay gobolka sanaag oo dalxiis u tagtay gobolka waqoyibari oo maamulkii halkaasi intay gabadhii qabteen faraxumeeyeen oo jeel ku tuureen gabadha magaceeda waxaa la oran jiray Samsam Ahmed Ducaale waxay ahayd gabadh 14 sano jirta doqonimo wayana loogu gaystay s/land taas oo ay fadeexad ka qaadeen maamulikii waqoyi galbeed marka abwaankani wuxuu tusayaa dadka sidii loo galay gabadhaa yar wuxuuna ku bilaabay maansadii sidatan.

1. Samsamay gujada aad qabtiyo waxa laguu geystey
2. Nabarada ku gaadhiyo waxeer gubaya ruuxaaga
3. Waxeer aad la goobyaashayeed gocasho ooyaysid
4. Aad jeelka gudahiisa iyo gooha ubataysey
5. Inuu guullahay kuu asturo ceebi waa godole
6. Oo uu xaqaaqii galbaday soo gadaal celiyo
7. oo uu xuquuqdaada gudo galabta aammiin dheh.
8. Gondihiisa weeyaan qofkii marax xun geystaaye
9. Waa geeri iyo ceeb ninkii dumar guhaadshaaye.
10. Qofkastiba garaadkiisa buu garasho doodaaye.
11. Janankii gubniga haystey baa ceeb gardaadsadaye
12. Arrin laga gedoodaa jiroo gobi ka faantaaye.
13. Alla gaabanaa meesha uu hadalka gaadhsiiyey
14. Wuxu yidhi garoob bay ahayd naag garooma lehe
15. Duqu maysagaa gabadha iyo baadhay gudeheeda
16. Arrinkaas gar baa nooga xidhan guurti heer qarana
17. Gundhigeeda Soomaali baa loo gudbinayaaye
18. Afartaas geddii aan bartiyo galangalkaygii dheh
19. Guulaamadaan kicin jiriyo geyre iyo roob dheh
20. Bad gadootey mawjado is galay maayad galabeed dheh
21. Afar kale wax layskuma gudbee garashadaydii dheh
22. Nabadoon gar baa loo hadlaa beeni waa gedefe
23. Inkastaad garaad leedohoon gabay ku eedoobin
24. Inkastaad gartii say ahayd marisay goolkeeda
25. Inkastaad garawshiyo la timid xeer la garanaayo
26. Inkastaad gadaashii is tidhi arrinka soo gaabi
27. mares hadaadan goob joog ahayn kuuma geysana e
28. Waxba yey ku gubin ceebtu waa saad u gadateene
29. Godolkay umuurtani cusbayd oy gondaha joogtey
30. Haddaan odayadii gobolka iyo culimo gaaddaysan
31. Oo aan gacmaha loola tegin goosatada meesha
32. Oo aan suldaan iyo garaad gole ka wiidaysan
33. Go'aankaasi kii loo dhammaa noqey geddiisiiye
34. Afartaas geddii aan bartiyo galangalkaygii dheh
35. Guulaamadaan kicin jiriyo geyre iyo roob dheh
36. Bad gadootey mawjado is galay maayad galabeed dheh
37. Afar kale wax layskuma gudbee garasho weeyeel dheh
38. Sheekaba gun bey leedihiyo gobo' la raacaaye
39. Mar haddii hannaankii la gabay laysku garanaayey
40. Oo uu xishoodkii gubtoo garashadii liicday
41. Mar haddii nadaamkii gabdhaha loo bedeley gaabsi
42. Bir ma geydadii iyo haddii dumar la geesaasey
43. Mar haddii garayskooda iyo duluc la geylaanshey
44. Galmo aan bannaanayn haddii loo ged bahaleeyey
45. Oo aad hiddii gaabiseen gobolku naafowye
46. Allaylehe gammaan iyo la noqoy geri arooryaade
47. Allaylehe guunnimo loo badheedh goroftii ceebeede
48. Xagayaga garsoor baa jiroo maaha garawaane
49. Oo geestayada dhaqamadii waa geddii weliye
50. Sidii baa geyaanku u jiraa guurkii caadadu e
51. Sidii baa gabdhaha loo baxshaa xidid u gaadmaaye
52. Sidii baa duqay garashaliyo gobi u shawrtaaye
53. Sidii baan gabaatiga horiyo geel u bixinaaye
54. Sidii baa aroos loo galaa maalin galabeede
55. Sidii baa gadaamaha cayaar loo gebleeyahaye
56. Sidii baan durbaan gawle iyo hub u garaacnaaye
57. Sidii baa giraantu u jirtaa gaafkii xeeraduye
58. Sidii baan dhibaadda u gurnaa aqal u goynaaye
59. Sidii bay dagaal lagu gablamay godob u seexshaane
60. Haddaad idinku taas gees marteen waa ged yaab badane
61. Oo aad gabdhaha dayriseen garasho beeleed dheh
62. Afartaas geddii aan bartiyo galangalkaygii dheh
63. Guulaamadaan kicin jiriyo geyre iyo roob dheh
64. Bad gadootey mawjado is galay maayad galabeed dheh
65. Afar kale wax layskuma gudbee garasho waayeel dheh
66. Sheekaba gun bay leedahiyo gobo' la raacaaye
67. Taariikh haddaan galo wixii dhacayba soo guursho
68. Geyigeenna aafada heshiyo Gobo'da kuu sheego
69. Gobolada dhexiyo Bari markay ciiddu gubanaysey
70. Gar wadeennadii baad ahayd goobihii dhacaye
71. Ceelkii Garoowiyo Yaxbaad guluf ku layseene
72. Gaalkacayo iyo Buurtinlaan guri ka taagneyne
73. Hubkii lagu garaacaayey baad gacan ku hayseene
74. Xasan Yoonis guutooyin buu Guul ku weeraraye
75. Gawaan raaciyii buu ahaa geelashii Muduge
76. Goobtii xabaal nololiskaa Carab u gaadnaaye
77. Isagaa guddoonkaa baxshoo goonni ku ahaaye
78. Goobaha intaa lay dulmiyey godob ma raacdeyne
79. Gonda dhiiglayaashii hadday gobolka joogaane
80. Iyagoo la wada garanayey nala gebleeyaane
81. Gobi cabasho iyo hiiftan bey gaade ka lahayde
82. Waa saamax gargaydhiyo wixii dumar la gaadhsiiyey
83. Ma gefine waxeer aan gartaa ila gudboonaaye
84. Idinkuna Hargaysaa go'daad gole la joogtaane
85. Miyeydaan xishood waa gallade gelinba sheexaynin
86. Woqooyina guntiisaan ogahay ii garaysanide
87. Waagoo guduutaad Jimcii soo galgalteene
88. Marna gacanta kama laabataan golaha ceebeede
89. Umad aan wax kala goosan baad weerar geliseene
90. Gaanshaanle iyo ciidankii uma garaabaayo
91. Shacab aan xummaan geysan baad gawrac mariseene
92. Oo weliba guulaysaniyo sacab gebleyseene
93. Adaa gubey Hargeysiyo Burcaba waadan garanayne
94. Waataydin ula soo gasheen hoobiyaha guuxa
95. Guryihiini waataad dabiyo gaas ku qabateene
96. Gacan dawladeed meel fog buu nabarku gaadhaaye
97. Waxa gaadhey Soomaali baad gees dhan leedahaye
98. Waxba hays garsiin xaalku waa sii gun dheer yahay
99. Gobolada markaad soo gasheen idinka oo geydhan
100. Gumaadkii ka dhacay Awdal iyo Saylac gudeheeda
101. Qaxootigii galbeed iyo miskiin wixii la gaadhsiiyey
102. Nabsigaad gadaal dhigatay baa guudka soo maraye
103. Gudihiinna waa tii dulmigu soo gidaad baxaye
104. Habar-habartu waxay geysatiyo garabyadii liicay
105. Gujadaad baddeen baa bulshadu kala gedootaaye
106. Goodiga Berbera waad ogeyd gumicii qiiqaayey
107. Gudihii Mandheeriyo Abdaal Jarato gooheeda
108. Intee meydku gorofaadsanaa Galaxyadii xeero
109. Gaashaamo iyo Sheekh maxay gaadashi is dhaaftay
110. Garaacii horeba kii danbaa galal ka weynaaye
111. Guryaa dumey Hargeysiyo Burcaba waad ka garataaye
112. Afartaas geddii aan bartiyo galangalkaygii dheh
113. Guulaamadaan kicin jiriyo geyre iyo roob dheh
114. bad gadootey mawjado is galay maayad galabeed dheh
115. Afar kale wax lasykuma gudbee garasho waayeel dheh
116. Sheekaba gun bay leedahiyo gobo' la raacaaye
117. Abshir Bacadle gabaygiisii baad gocasho reenteene
118. Siduu gabadha ugu hiiliyaad ugu gedooteene
119. Goldalooladuu taabtay baad godob u raacdeene
120. Guubaabo kicin kama ahee waa gar waanaduye
121. Gonda dhigashadiinuu ka naxay waadan garanayne
122. Waydiin gurmaday xaajigaad gulufka saarteene
123. Garyaqaan murtile weeye iyo guurti qaaliyahe
124. Gacan baan ku taageerayaa garabna waan siine
125. Goob baan ka wada duulaynaa goolka maansada e
126. Waxba gabaygu yuu ila gudbine waxan kusoo gooyey
127. Bari iyo Galbeed Koonfur iyo geed kastaad aragtid
128. Gurigaad timaadoo dhan bay gabadhi joogtaaye
129. Mar waa caar mar waynoo geyaan waana gacalkeene
130. Gacan dhaaf in lagu maamulaa waa I geli weydey
131. Maahmaah gu'weyn baa jirtoo laga gar qaataaye
132. Fallaadho kuma go'aan bootin iyo orod garmaameede
133. Ragga haatan soo gaatayow kuuma soo geline
134. Goobtaad dhigteen waad ogtahay geenyadii Bariye
135. Gabiilba kuuma oodnee maxaad gabay ka miidaamin
136. Maansoba gun bey leedahaye waxan kusoo gooyey
137. Go'aankeeda xaajada siday tahay halloo gaadho
138. Gar baan oogtey, gogol baan fidsaday guurti baan wacaye
139. Wixii gaadha weynoo gugiyo dirirka goonyaade
140. Idinkuna godkiinnaa ku jira godobi yeelkeede.

By:

Maxamed c/laahi Cali Tiriig