soo.jpg
 

Roobabkii Gu’ga oo ka da’ay meelo ka mid ah Sanaag

 

Roobab lagu doogsaday ayaaka da’ay meelo ka mid degmada Badhan , khaas ahaan magaalada Ceelbuh iyo Hadaaftimo. Mar aan khadka telefoonka kula xidhiidhnay magaalooyinkaas ayey noo sheegeen in shalay uu ku da’ay roobab si fiican loogu doogsaday. Iyadoo magaalada Ceelbuh la sheegay iney buuxsameen qaybo badan oo ka mid ah bekedaha biyaha lagu kaydiyo , roobkuna uu usi dhaafay dhanka Bariga , inkastoo aanu gaadhin magaalooyinka Balli busle iyo Buraan.