soo.jpg

Maxamed axmed dirir "Haawalbiin"

Gabaygan abwaanku wuxuu tiriyey maruu deganaa Buraan xilliyadii ay dhismayaasha iyo mashariicda ka waday faadumo jamaac ducaale wuxuuna codsaday in shaqo laga siiyo mashaariicdan maadaama uu yahay nin xaq u leh si walba marka loo eego dabadeedna nin gaashaan buur ah ayaa tiriyay gabaygii ku jiray guba ee ahaa "galti qayliyin oo had iyo jeer genefka uun taagi oo gowrac kaa mudan asaad gacal walaaleysay" ka dib wuxu tiriyay gabaygan soo socda:

Ga'da maanso anigoo yarbaan geesi ku ahaaye.
gabayna waan aqaan xaajiyow laysma gaasiro'e
balse aniga oo gooyay oo dhigay gudoonkiisa
galabtay waxay igu kacsheen guluf colaadeede
an gorfeeyo maantoo kalaan goolka dhaliyaaye
hadii uuu gu'sooraha onkoday gal iyo goof buuxsho
geeduhu baxaan xoolahoo gocoso daaqaaya
gargarada iy0 doomaarta oo geela qarinaysa
kolba waxa gadaashiisa noqon golongol jiilaale
wax ka dhigan eduu yahay Buraan maanta gurayow'e
gorayada rugteedaa shimiri goob ka dhigataaye
Atoor bow gadaal maro halkii aar ka geediyo'e
gabar uu suldaan qabi jiray baa gocor aroostaaye
gedgedoonka dunidaa leh oo gelinba waa cayne
iyadaa nabsigu guuriyaa oo geediyaal badane
goodiga buraan yahay wixii guluf ka qiiiqaabay
daraawiish wixii soo galay oo lagu gumaadaayay
Majeerteen geb soo yiri wixii laga guulaystay
niman aan geyiga joogin oo guban ka heesaayay
genbga iyo dhibtana aan jeclayn gebi ahaantoodba
ayuunbaa sidii lama gartaan goobti soo degaye
galtina waa ku sheegaan ragii gaarka hayn jiriye
dubays iyo garaad yuusufkii goobta ku idlaady
geelooda waa laga ceshaa gaanka webigahe
afkaa laga garaacaa haddii goosan soo galo'e
anigaase goobtii fadhiya geesna qabanayne
wale ama gartaan leeyahay iyo helay gudoonkeedii
ama ku go'ay gowrac iyo geeri loo dhalayaye

 

Cali Tiriig