Muuse Cali Tiriig
Hindhaadhir
Gabaygan wuxuu muuse ka tiriyey wadanka Kenya Sand kii 1997 kii markii loo soo sheegay Hooyadii Faduma Ciise nuur oo ku geeriyootay Magalada Badhan. Gabayga wuuxuu kaga hadalaya sharatii iyo xushamadii ay lahayd iyo hawalaha uu ku jiray markaas oo u wax ka sheegayo iyo Naadiyo Cali Tiriig oo ah walashiis oo ku samair siinayo. gabayganin waa mid uu u dirayo hooyo oo idil. waxaan kaa tsay geeriada iyo bini aadanku siday isku daba joogaan aadan u wayso qofkaad adunka ugu jeceshay.
Ilahaa aduunyada halaqay ee tagtay higilkeeda
Ee halliqa uuntaa uguuray hadala dhaafayne
Ilaa tan iyo Habiil Naflana waa hida u jooge
Aadmi kama hor joogsado naftuu ahaymalageede
Haday cidi hadhayan ma ay dhinteen Nebiyo hawlaaye
Ho heey waheey maxaa gobanimiyo geeri kala haysata
Hayiin oo dayiin qof u jecalaa mowdku ka hagajey
Hadhuub nimuu ku buuxsamay godkiyo iilka huri waaye
Inta loohan wayana dady hoos jirtaa bade
Haday teedii timid gacaladii hah iyo tiiraanyo
Oo aay hadeer mootan tahay malaha hooyay
Hiirtaanyo waan kula qabaa huq iyo tow sowe
mana hiifi karo xaqa alle iyo mowda halay ciile
Haygu ooyin Naaday sid rigu way Halwanayaaye
Halkii adi ku qoomani dareet way xiq leedahaye
Meeshi ku heeranibi way haar sidoo kale
Siduu ku hanqanayuu qalbigu ii handanayaaye
Sidaay kaaga hoortay ilamadu kaaga hibiqlaysay
Bay ii hililiiq leedahay indha hababac ow geede
Siduu kuu halfeedaday jidh kiyo maanka ku hadraya buu
Hilibku saan shalay u naxay ii halcanayaaye
Hayeeshee waxaynaanhelayan hay hungurisiine
Mar hadayasan soo lalabanayan hoohoy nolosheedii
Inay kaa hadlowdaan mudnayn tan u haboonayde
Samir inaan ku hoogansatoo dhaafto hibadkeeda
Oo aan duco u hawtarina ku haban tag teene
Qof fay ku hadhay tiisay shidiyo hawli dabataale
Haday dhimatay mudantuu lahaa dumar Haladhaa beelye
Haween garashadood iyo xugmadi hoos u liicsame
Sharaf lagu halowiyo malaha dhaqan higaad waaye
Boqor haybadiis bay lahayd hal iyo miisane
Haashaar gobeed iyo xarago hooge dabadeede
Hida lagu arooray ahayd lagu hal maalaye
Hufnaan iyo xaq dhoowr baaka lumay hilimadoodiye
Hilba qaybsigaa aadaniyo haka baan tebaye
Halyey iyo qof yaab ley ahayd dowlad la hubaaye
Ho heey ha he dadnimadeedii yaa ku hindisoon doona
Hunga lama tilmaamiyo qofaan shilin hanaynane
Hoo iyo karaan bay lahayd haqab lahaaneede
Cidnalama hafree waxay ahayd hodoan aduunyaade
Habeen iyo dharaar wahe martida magane hooyntoodo
Ahe holasho gacantay lahayd hibo udhiib keedii
Hor illaahay yaa deeq cidmudan kaharqisiin doona
Geed laga hadsado waxay ahayd halaca jiilaale
Hooy laga dugsado waxay ahayd hoohi dhaxmeede
Hayin lagaga guuray hayad haaariyo kale
Degma lagu hirtiyo waxay ahayd lama huraan gore
Ho heey hahe yaa dulqaad keedii beel ku hagi doona
Halqabsiga tusalay ahayd lagu hayaamaaye
Hogaankii sama waxay ahayd ladu heshiiyaaye
Hindisaha aduun bay ahayd himiladiisiiye sida
Hanaqa beerkay ahayd halis la dhowrtaaye
Habayaasha dhiig waxay ahayad buur halboowla
Hubaal nin u yiqiinoo dhan baa hoos u foorare
Waa isku soo halayan jiray shaqsigii heeli karayeye
Inta deris ku soo hiran jirtiyo ehel ku soo hiisha
Intay gacal afaysiyo dad baan aadin hananayne
Masalaha halkay dhigan jirtiyo ku hawis kii diinta
Yow hanuunin aadame mid kii hor alle waaydarso
Alla hanad shakh siyad lay ahayd hooyo boqol jeere
Hayeeshee anaan idam ku noqon inaa hor joogaye
Waqeed ima habaarine anaa haa jiraad tegaye
Haasasyaashii dhacaan haydaf oo lumaye
Anoo xaal ihaystiyo waqtiga huqubta loo laalay
Haltigaada waayaha anaan hawlyari u seexan
Hiligaanba aan gaari Karin waa hadaaftimo
Hala hala xagtiisi iigu tumid hadhiba
Aan ku hamiyay ama filayn maanlintaan helay khabaar baaska
Hadii laysheegaye hadhada mujeene
Hanfariirkii baa waxaanan hayn habbtay toban jeere
Hanqal taagidaan damciyo himiladaa
Hal jeclaysigeediyo markaan
Hinjaatan mooye markaan toog wax
Sidana wax hagalanaayuu kalgacal hooyo ii dhibaye
Markayse taladu iga haydashaan cadho hamajiray
Hawo iyo dabayl in aan noqdiyo laydh hawaawiriye
Hud hud iyo sidii bahal baalale baan balal hiitamaye
Hadan duulayo sidi malag hibo laysiiyo oo aan
Haadikaro oo sidii jibril huuh mar oranyo
Halkay ku ajalayd iyo rugtaan huuh ku tegilaaye
Ishaan himidh lasiin baan man jiyo madaxa hayanlaaye
Higtii ugu danbaysiyo markay hagida soo gaadho
Habsan kama noqdeen aminti ay Haqi ku laabnayde
Ajar inaa kala hadhaan rabaan duco ka heentaaye
Ajar horoor sigeed
Hawlaha alliyo amar dhacaa haatan saa qoraye
Geerida horteedan arkaan heli laaha khayre
Hoodiyo nasiib baa igabay hanqaro jeer
Hamo iyo niyadi aan tahlayan ku doon yooto
Wax kastaan waystaba markii aan hawlin waaye
Ee aan haban waayan war iyo haatuf raad sadaye
Gabaygu ma dhamaystiri waa gabay dheer inta kalena waa soowadaan iyo weliba abawo kale la siisici haboogan hana ka maqanaa.
sanaagland
![]() |
![]() |
|
![]() |