Miyi&Magaalo
Gabaygan waa mid jawaab ah oo Cali maax uu u kaftan celinaya nin reer miyi ahaa oo aanan magaciisu nasoo gaadhin.
Ninkii reer miyi ahaa ayaa isagoo layaaban dhaqanka magaalada tixdan gabay ku saluugay. Wuxuuna yiri:
Dununucaye goortuu qaxwaha dibinta saaraayo
Dayn qaate meeshii nin ragi debec ka maalaayo
Duryan xume markuu deeqo buu dunida hiifaaye
Diintiyo wuxuu caayayaa Eebbe daa'in ahe
Dacwad aan la garanayn iyo dafasa baas sheegte
Waxaa daw dara magaaliyo ninkii degelkeed waa jooga
Intaa markuu yiri ayaa Cali maax u jawaabay oo isna yiri:
Wallee daacufloow reer miyaan docna garanaynin
Dablashiday aroortii haduu daamanka isdhaafsho
Doqonimo waa wuxuu cadkiis doc uga muujaaye
Hadii roob ilaah shubo oo duni barwaaqowdo
Oo doobi caanaha riyaha looga dalafsiiyo
Oo rodol uu doon doon ku helay uga dambaysiiyo
Isagiyo duqdiisii markaa dawlad la ismoodye
Dam damtiyo hangoolkii majiro, diriri maayaane
ninkii dan lahaayow maalintaa daaso hadalkaaga.
![]() |
![]() |
|
![]() |