Mahamed abdi aar
Tusaale
MOHAMED ABDI AAR ALAHA U NAXARIISTEE WAXAA UU TIXDAAN KAGA JAWAABAY MAR UU AADAN TARABI SOO TIRIYEY GABAY UU LAHAA (CABDIYOOW TUKIHI WELI TAALADII WAA KA TAAGANYAHAY),CADIGU WAA CADI QAYS. AADAN TARABI MARKAA JABUUTI AYUU
JOOGEY WAXA UUNA GABAYGA U DIRAY RAG XAMAR JOOGA OO ABWAANO AH AYNA KA MID YIHIIN HADRAAWI,CABDIQAYS OO UU KU HALQABSANAYEY,SICIID SAALAX,GAARIYE IYO
NIMAN KALE OO XAMAR KU SUGAN. MAXAMED CABDI AAR OO CEERIGAABO JOOGA AYNA AADAN TARABI SAAXIIB AHAAYEEN MAANSOOYINKANA WELIGOOD ISKU TUUR TUURI JIREEN
AYAA HAWADA KA LAACAY WUXUNA YIDHI.
TIRSHOOW AADAN TARABOOW
TOOBIYAHA SANAAG
TODOBAADKA WIILKII
TEBESHLAHA KU JOOGOOW
TIXDII AAD DIREYSEE
CABDI AAD U TEBISAAN
HAWA DHEXE KA TAABEE
SHEEKADA TILMAANTUNA
TII AAD LAHAYDEEN
TIINII IN AY TAHAY
ANBA WAAN TEBAYEE
TAYDANA KU TALO GALA
XUUNSHADUBA TUURAHA
DHAAXEEY KA TALISEE
HDDII UU TUKAA HAAD
MARKIISII TISQAADOO
ISKU TAAGEY TAALADA
TIIR BIRAA U AASANO
SIDA LOOGA TUURAA
WAA CALAACAL TIMOLEE
NINNA YAANU TAA TEBIN
TAARIIKHDA DIB U RAAC
WAKHTIGII TAMUUD IYO
ILLAA MAANTA TAAGNAYD
OO TAYNU JOOGNAA
TODOBAATANKII TAHAY
IMISAA WAN TAHARWEYN
TUNKA HILIBKU BUUXSAMEY
AMA TUUR CADOOW DIBI
BAARQAB GEELA TOOCSADA
IMMISAA TALCUUNTIYO
CUDURADA TAMOOTIDU
TARAB TARAB U LAAYEEN
IMMISAA NIN TAAJIRA
TAAJKU WAAJO SAARNAA
TUUGSANAAYA MAANTABA
TIIRAANJO CIILQABA
IMMISAA NIN TAAGDARAN
TUKUBAAYEY SHALAY GALAB
TAABBA QAADAY LA’ARKAA
TAABACAAYA MAANTABA
TODOBAA IDAA DHALAY
TODOBAATAN BAA MADHAN
TIRIYOO WIXII HADHAY
CEELKII TIGAADLIYO
TODOB DA AY HALOO RARO
ADDNA WAA TILMAAMAHA
ANNA WAA TUSAALAHA
TII ALLENA HALKEEDII.
![]() |
![]() |
|
![]() |