
Gabaygani waxaan tiriyey markii aan akhriyey gabaygii abwaanka
Maxamad axmad dirir,oo runtii ahaa gabay aad moodo inuu abwaanku ku cabanayo in buraan laga sheegtay uuna isla markaa isagu markii dambe sheeganayo buraan,kuna hanjabay inuu ku dhimanayo ama xaqiisa helaayo.
Innta aana bilaabin gabayga waxaan idiin sheegayaa saaxiibayaal in buraan tahay magaalo loo simanyahay oo beelaha oo dhammi u simanyihiin ,nin walibana uu gaar u leeyahay hantidiisa gaarka ah ee uu tabcaday ,balse dhulka daaqa iyo ceelkuba waa hantidaeenna aynu wadaagno.
ninka ka sheegatay maxamad axmad dirirna anigoon aqoon magaciisa waxaan leeyahay wuu ku qaldanaa inuu ka sheegto waayo kama xigo.
Maxamad axmad diri oo awowgay ahna ha u fahmina inaa la gabaytamayo ee xaqiiqaduun baan yare taabtay iyo sida dantu ku jirto iyo inaan gabaygu inala gelin meel xun iyo dhul isku qabsasho.
Waxan idhi:
-
Gabayaa inaad caana tahay galayna taariikhda
-
Inad gaamuraa iyo aftahan geesi tahay sheegan
-
Gar ilaah anaa marag ku furay goor iyo alleyle
-
Waxse gadaya maankii halkaad hadalka gaarsiisiisey
-
Haddii uu gaf ruux yidhi adoo jooga gurigaaga
-
Gar waxaad u leediyo haduu gooyey calafkaaga
-
Inad golaha soo joojisaa kula gudboonayde
-
Ma inaad na wada gaafataa geesinimadaadu
-
Geyiga waynu leenahay dhamaan goob kastuu yahye
-
Galgalaan ku faanaa iyo sanaag gebi ahaantiiye
-
Gaarisiyo waxaan doonayaa godaydi dheerayde
-
Goob aynu kala sheeganaa waa wax gaasira e
-
Seef iyo galkeedaanu nahay aan la kal goyne
-
Adigaa gurbood iyo na yiri gabanno sheeydaanee
-
Adigaa guruuc sidannu nahay goofka naga saaray
-
Ma ogtahay garaad cali dablaan kula galaayaaye
-
Geyigana ilaa boqol awow yaan ku soo go aye
-
Adiguna gedaasaad tahoo,kaama gaar lihine
-
Gashanbuur, dubays iyo warlabe wow gudboonahaye
-
Garaad yuusuf waa nala dhasheen gacalna weeyaane
-
Awoowow ha kal goyn tolkaa cadowgu gaadaayo
-
Awoowow gar gaar iyo ka tali godob waxaan keenin.
Dhamaad
Maxamd bashiir jaamac
Gumburi1885@yahoo.com