Maxamed c/laahi Cali Tiriig

sheeko.jpg

Waa baa waxaa is dagaalay labo boqortooyo, mid baana laga adkaaday oo laga dhacay geel iyo fardo badan. Fardahii la dhacay waxaa ku jirey faras aad u qurxoon. Boqorkii colka fardaha soo dhacay, ayaa farskii qurxoonaa ku dhegey oo yiri kan aniga ha la’iigu faataxeeyo. Maalintaas ayuu faraskii qurxoonaa ku biiray fardihii reer boqor.

Fardihii boqortooyada oo dhan ayaa la tartansiiyey, waxaana ugu dheereeyey faraskii qurxoonaa, Markaas ayaa boqorkii u bixiyey faraskii qurxoonaa KOORAYSANE, Amarna wuxuu ku bixiyey in faraskaas gurigiisa la keeno oo uu noqdo faraska boqorka.

Dhowr usbuuc ka dib ayaa waxaa boqortooyadii yimid, nin dhar jeexjeexan qaba oo tuugsanaya. Ninkii wuxuu hadba reero tuugsado oo uu dibada seexdaba, waxaa loo bixiyey DIBAD-YAAL oo dadkii oo dhan baa wada bartay.

Maalintii dambe ayuu Dibad-yaal u tuugsi tegey gurigii reer boqor, raashin iyo biyo ayaa la siiyey, wax yar ka dibna wuxuu seexday meel dambas lagu daadiyey. gabar gashaanti ah oo uu boqorku dhalay ayaa argtay Dibad-yaal oo dambaskii dhex jiifa, intay  ku qososhay ayay u bixisay DAMBAS-JIIF. Boqorkii bayna ka codsatay in Dambas-jiif lagu daro raga  dayactira meesha  fardaha reer boqor lagu xareeyo. Boqorkiina wuu yeelay codsigii gabadhiisa.

Boqorku nin ragyaqaan ah buu ahaaye markii uu arkay Dambas-jiif calaacalihiisu siday u jilfaysteen, ayuu shakiyey oo ku yiri Dambas-jiifoow faraskaas ii kooree ama kooraha ii saar! Dambas-jiif si kasta intuu yeelay buu farskii kooraynwaayey. Boqorkii gabadhiisii buu ku yiri ninkaan waana ka shakiyaye,  ninimadiisa iga hubi. Waxay boqorkii waydiisey  sidee u hubiyaa ninimadiisa?  Boqorkii baa ku yiri bal u fadhi-xumee inii ku damco. Gabadhiina haye ayay ku tiri boqorkii.

Galab ayay gabadhii u timid Dambas-jiif oo meel fadhiya, markaas ayay agtiisa soo fakakaarsatay, iyadoo u fadhi-xumaynaysa oo aan waxba ka qarinayn. Dambas-jiif
ma-il-xaaxine, isagoo farta ku fiiqaya gabadha alaabteeda ayuu is qabow u yiri, walaal ma intaad dagaal gashay baa meeshaas faas lagaaga dhuftay? Gabadhii uma jawaabine way iska tagtay. Boqorkii bay ku noqotay oo u sheegaty wixii dhacay. Boqorkii wuu qoslay wuxuuna rumaystay in Dambas-jiif yahay doqon dhab ah.

Dhowr casho ka dib ayaa boqorkii oo ninman kula shaxaya meel gurigiisa u dhow, loo sheegay in faraskiisa faras u dhigma qurux iyo orodba uu joogo magaalada. Boqorkii ayaa codsaday in labada faras la beratansiiyo. Markii faraskii kale la keenay ayuu boqorkii yiri  Bowdo-gaaboow orodoo Dambas-jiif iigu soo dhiib faraskayga Kooraysane, adna waad yar xanuunsantahaye iska seexo oo naso. Boqorkii wuxuu kaloo yiri Bowdo-gaaboow Kooraysane yaan kooraha la saarin ee kooraha iyo faraskaba Dambas-jiif ha ii keeno.

Bowdo-gaab gurigii reer boqor ayuu tegey, faraskii Kooraysane iyo koorihiina wuxuu u soo dhiibey Dambas-jiif. Dambas-jiif markii uu guriga reer boqor waxyar ka soo fogaadey, ayuu waqti ka yar intaan laba tuke is dhugan, koorihii saaray faraskii oo si halhaleel ah intuu gurada uga fuulay, nadi ku boobay. Faraskii Kooraysane oo aan dheg la qabto lahayn, ayaa dhinaca bari ka soo galay shirkii, Markaas baa lays waydiiyey ma Dambas-jiif baa ninka saaran Kooraysane? yaa kooraha u saaray?

Intii la murmaayey, ayaa Dambas-jiif oo faraskii ku jooga soo istaagey meel aan fogayn.
Dambas-jiif  oo xayinimona ka muuqato, hadalka ku dheeraysanaya  ayaa yiri ‘mar waa DIBAD-YAAL mar waa DAMBAS-JIIF marna waa KOORE-DADAB!’ oo intuu dhinaca qorrax u dhac u dhaafay shirkii, faraskii jeedlay. Fardo iyo rag wixii goobta joogeyna way ka daba firxadeen, lase gaariwaa.

Koore-dadab wuxuu ahaa nin gamaanyaqaan ah, kuna caanbaxay xanaanaynta fardaha. Calaacalihiisu way jilfaysteen siduu faras heensha ugu hayey oo u loodinaayey senge   baantow ah oo nin lihi toosinkari-waayey. Faraskuna wuxuu ahaa faraskiisii Finiin.

Sheekada dulucdeedu waxay tahay dhibka iyo af-xumada Koore-dadab u adkaystay si uu dantiisa ugaadho, taas oo ahayd inuu faraskiisii soo dhacsado. Waxaa kale oo sheekada ka muuqata dulqaad, xeel iyo raganimo dheeraad ah ee uu Koore-dadab muujiyey si uu guusha u soo hoysto.


Enter content here

Enter supporting content here

Free Guestbook
                                    from Bravenet.com Free Guestbook from Bravenet.com

 

By Maxamed C/laahi Cali Tiriig