Maxamed c/laahi Cali Tiriig

Taariikh fanedka Abwada

Halakan waxaan ku soo diyaarinayanaa taariikh da fanka ee Abwaanada u dhashaya Gobalaka sanaag iyo kuwa kaleba ee la sii sico ....

Abwaanka Xudaydi
xudaydi.jpgxudaydi.jpgAhmed 'Hudeydi' Ismail Hussein
waaka haysata gitaarka Xudaydi
 
 
Taariikhda Xudaydi oo Somali ah  
 
Xudaydi wuxuu yiri (waxaa laga sameyey qori iyo xabag iyo toban xadhig baladhkeedan ay baldhantahay waxay ku siinaysaa cod musig oo macaan markaad aaragto oo ay halkaa taalona waxaad moodaysaa wax culus lakiin markaad qaado waa wax fuduud markaan ka saaro meeshay ku jirtan maan dean karo waan in aan ciyaaraa kumaan sheegi karo intaan jecalahay ciyaarteeda ma sidan u xiiseeyo in aan u ciyaaro) waana kabanka Ama (Cuudka ) balahka la yirahado oo uu Xudaydi ku yahay Caanka tumidiisa.
 
     Ahmed Ismaaciil Xuseen (Xudaydi) waxay somalidu ii taqaan(Xudaydi) Talayaaniguna wuxuu ii yaqaan (nin kii Muusiga Daadiyey) Inigiiriskuna waxay ii yaqaan (Nin kii Ahaa xkumaha Musiga ) Somaliduna waxay i tirahadaa Boqorkii Musiga Isku so wada duuboo Xudaydii waa macalika Musiga Somaliyeed.
 
   Xudaydi waxaa la oran jiray Awoowihiis oo ahaa naakhuude Doomeed wuxuu ka soo qadi jira alaabta magacala Xudayda wuxuuna keeni jiray MAgalooyin ka Somaliya sida Laasqoray sidan ku helay waraar ka, markas baa dad ku oran jireen waxaa soo soctoa toontii xudayda ka bacdina wax magacii loo wareejiey awoowahay oo layiri Xudaydi  markana muusigiisa noqdayanay anaa laysoo wareejiyey.
 
    Musidan Cuudka ahi waxa weeyey Muusiga Carabta wuxuuna ka yimid nin Ciraaqi ahaa oo la oran jiray Haaruun Al rashiid oo loo tumijiray muusigan wuxuu somalid aku soo gaadhay buu yiri Xudaydy Somalida iyo Carabtu waxaay leeyihin dhaqan isku dhow dhow waxayan yihiin deris  waan dad diin wadaaga markaas sidaa darteed baa musigii ugu soo talabay Somalita.
 
     Xudaydi isagoo 14 sano jira oo jooga magalada cadan baa aabihii u kexeeyey meel xaflad ah oo lagu qabtay cadan markaas baa wuxuu ku  arakay xudaydi nin Masri ah oo ka tumaya Cuud meeshaad kabacdina Jacaykuu u qaday Musiga maanlintaa buu ku noqday macalian  kuna noqday boqorka musiga wuxuu yiri Xudaydi markaan iskuulka tago waxaan ku tumijiray musiga miiska bawaagta la saarto taas o ii keentay dhibaatooyin xaga macalimiinta ah oo ciqaabbadan laygu sameeyey markii danbe macalikii iskuulkaa igu yiri waxaad tahay nin u fur furan musiga ee waxaad radsataa qof  ku bara markaas baa Xudaydi jaanisi u helay macalaikii musiga smaoiyeed ee C/laahi Qaarshe.
 
 C/laahi Qaarshe oo ahaa macalin kii musiga Somaliyeed sida somalidu sheegtan ah nin kii ugu horeyey ee Musig tuma C/laahi markauu arkay in uu u hayo waqti musiga wuxuu yiri waxaad gaadhaysaa meel fican hada sidan ku wado Musiga markaas buu yiri markaad iskuulka aadayso maxaa aabhaa ku siiyaa markaas baa xudaydi ku yiri Buug iyo Qalin markaas buu yiri ana waxaan ku leeyahay hada rabto musiga inaad meel fiican ka gaadho waxaad soo qadataa Kaban (luud) iyo Riish (kanlagu tumo) si aad ugu baraagtis tid meel kastaad joogto.
Lix bilood makuu garacayay  Xudaydi wuxuu soo gaadhay C/laahi Qaarshe  markii danbena wuxu noqday nin meel sare gaadhay sidaas oo ay tahay hadan wuxuu yiri Xudaydi si kastaa oo aan u dhaafo c/laahi  weli laa macalin kaygii waxan ugu hayaa sharaf iyo cis aad u wayan waan maclain kayga.
 
   Xudaydi wuxuu kaga bilaabay tumida musiga muusigii C/laahi qarshe ilaa uu markii danbe isaga kiisii wadcaro dhaliyey waxaa jirtay mar dhalinyarada oo dhain ku dhaqaday muusiga uuna noqday il soo baxaysa Xudaydi sida uu sheegay wuxuu yiri maalin baa nin ii yimid isago ila socda dagal makraan iri war maxa jiran wuxuu yiri naagtaydii oo bariis iiga ridayda baa bariiskii siday uga guraysay digsigii oo ugu guraysay sixnigii bay dhinac ka dhaafisay oo bariiskii ku shubtay dhulka. markaa taas waxay ku tusaysaa in muusiga Xudaydi uu dhalinyaradi markaas si fiican ula waabaristay in kasto dadka waawayni ay u arkayeen Shuqul shaydan ayan dhagxinayeeyn faanatii markaas joogtay sabatoo keenatay ingiriisku in uu ku soo jeediyo dadka somaliyeed faaninta fanka kula dagalamaysa oo dhalin yaraa ugu sheegaysa fan ahaan dhibta ay ku jiraan una ku hayo Ingiriisku lakiin may joojin ilaa ay ku keeneen gobanimadii.
 
  in kastoo ay maanta baabaday somaliya oo aan waxba jiran hadan waxaan u rajaynayaa in ay gobanimadodii dib ula soo noqdan maanta waad aragtaa sida Iswiisar laan tahay iyaba mar bay waxay hayda sida somalya oo kale oo ay dhex mareen Civil war maantan Swisarland waxay ka mid tahay wadamada ugu fiican aduunka somaliyan waxan u rajaynaya in ay sidaad oo kale uga soo noqoto god ka ku dhacday oo ay noqoto dolwada caalami ah.
 
   Wuxuu yiri mar mar kaan arko sida dunida kale iyo siday u dhisan tahay waxaa i qada masary aan iraahdo maxaa dadkaaga ka rebay dadkaa sidaa u wada shaqaysanaya waxaan aadanay dhamaad lakiin waxan rajayanayaa in aan dib uga soo laabano mustaqbalkuna hagaago.
 
Maanta dadkii waa ka kibreen cuudkii oo waxaa la helay electaric giraat lakiin maah wax laala simi karo cuudka waxan tusaali kuugu filan buu yiri hadii ilagtarigu ka tago iyadoo muusigiigstuhu tumaayo muisga isaga iyo dadka dhegaysanayaaba waxa noqonayaan isku mid lakiin nin kii cuudka yaqaan uma baahan iligtarig waa wax uu isagu ku so jiidanayo dadka kagana codaynayo e emaha wax elegtarig iyo rikoodhin ku shaqaynaya.
 
  Maanta waxa jira dad magacayga ku ganacsada oo ku qorta CD yada si ay ugu helaan lagcag waana dad aana aqoonin waxay yihiin  weligayana arag kamaan xanaqin markaan arkay iyagoo ku qortay saabatu tahay waan u ogalahay in ay xadaan magacayga lakiin iyaganaya cawimayana barito waxaan rabaa naiga in ay carurtaan awoowaha u ahaya barito ay hesho wax ay dhegaystaan lakiin waxaan jecalahay in ay bartaan oo ay la qaybsadaan bukaanka musiga aan u qaday ilana dhan dhamiyaan musiguna wuxu  ka mid yahay wax qodha ee aan xaq u leeyahay ma rabo in aan ka sameeyo lagcago badan. heestan ugu danbaysa waxa la qaday gabadhiisa degaysi haboon.
 
 
Lakiin may joojin waditaan kii fanka inkasto marka somaliya la soo wada maro laga heli jiray dad garayan 30 qof oo musigiista yaal ah maantana ay jiraan kumaan kun oo ah muusigiistayaal iyo fananiin. Listen
 
By:Maxamed C/laahi Cali Tiriig
 
Taariikhda Xudaydi oo ah English
dhegayso ama Akhriso  
Listen  Listen (2'49) to 'Urhoyo' performed by Hudeydi

Listen  Listen (2'06) to 'Ambaroodka', performed by Hudeydi and his daughter, Zeynab, at home in their own living room

Listen  Listen (00'43) to Hudeydi describe the oud

Listen  Listen (29'52) to 'My Oud and I', an edition of Art Beat, BBC World Service, tx. January, 2003 which featured Hudeydi. The presenter/producer was Jenny Horracks

'If there's an oud lying near me I can't resist it - I've got to play it'

How I came to this music:

When I was 14 years old, my father took me to a party in Aden where I heard an Arabic man playing an oud. I liked it and knew I wanted to learn how to play myself. At school I was constantly drumming on the desk so my teacher recommended that I learn how to play the drums. I went on to learn the oud from Abdullahi Qarshe, the most famous and first Somali to create tunes for the instrument. He advised my father to replace the pen and book with an oud and risch (pick) so that I could really practise. After 6 months, my teacher was listening to me. If you're a musical man and have a sense of rhythm, as I do, the oud is easy to learn. For me it's like an illness - if there's an oud lying near me, I've just got to play it.

There were very few oud players in Somalia before the 60's. Before then, due to war, most musicians rarely reached their 30th birthday. Now there are hundreds of players in all the villages.

Where I play:

Ahmed 'Hudeydi' Ismail HusseinThrough out the late 50's & 60's, I played all over Somalia in public places, for theatre and concerts. My nickname is 'Hudeydi' but I'm known as 'The King' because of my hot rhythms. I was always into rock & roll and Elvis Presley. There was even a time where a prominent Civil servant, supported by lots of parents, tried to ban my music. For them, all us musicians were devils because we were driving the youth crazy. One old man was particularly angry because his wife dropped the rice as she served him his dinner, she was that distracted singing our songs.

In 1974 I moved to the UK and since then I play in private for family parties and community occasions. I'd really like to have my own school where I could teach the oud. I've taught my own children and grandchildren. The oud is my greatest pleasure. It's music that can satisfy a huge crowd on its own unlike amplified music and keyboards. I'm 74 years old now so I'm really keen to pass on the tradition, especially to young Somalis here.

A favourite song:

'Urhoyo' is a song I composed for my brother. He worked as a police officer in Aden and went to great trouble once to find me when I was living in Djbouti. Now every Somali quotes the lyrics in their letters home. A Somali will never forget his brother no matter how far abroad he must travel.

Ahmed 'Hudeydi' Ismail Hussein and family'Ambaroodka' is a love song which describes the beauty of a woman, especially her breasts and how she's built. It's a gorgeous song and I love singing it.
 
 
 
 
 
 
London goes to Minnesota
Ahmed Ismail HudaydiiAfter my visit to Toronto I went to Minnesota - a city which has experienced the new Somali touch. It's become such a hub for Somali information and Somali values that its blessing will be sought by Somali actors, Somali politicians, Somali musicians and Somali educators - a necessary stop-over on every publicity tour.

One of the most renowned Somali academics, and the first Somali dean in America that I have heard of, Professor Mr. Ahmed Ismail Samatar (the brother of the famous Professor Abdi Ismail Samatar) has launched a conference in McAlester University with a team in his department. It was really a milestone in the Somali experience in America. The name of the conference was 'The challenges of the Somalis in America'.

I won't dwell on the questions and the issues, which have been widely covered in the Somali media. I would like to focus on the music side, which happened on the evening of the 15th July after a day of information and debate. I was lucky enough to get access to the VIP dinner thanks to Abukar Arman Siciid Sugaan and chair of ISRAAC Zeynab Hassan.

The dinner was wonderful and very Somali, and then after another five minutes walk we came to the theater. Shortly after everyone sat Ahmed Samatar introduced the Master of Ceremonies the famous Said Saleh, writer of the famous song 'Alif la kordhabay' based on Arabic alphabet. (I think he is secretly a mathematician the way his rhymes always hit the right nerves). He introduced the wooden bell normally hung on the camel's neck to notify the owner, which was brought by Said Saleh not as a musical instrument but to let us know when the event was over. It was our version of school bells, a powerful culture tool to insert into the event, and it was entertaining as well.

The ceremony featured many heavyweights of Somali music, almost all based in London: Ahmed Ismail Hudaydii playing the Cuud or Lute, Abdinoor Allale from Djoubiti singing, Kahiye playing the drums, and Muhammad Karama Siidi on the keyboards. Siidi is the son of Fadumo Qasiim Hilowle and a true African in his music - he can sing in many different African languages including Swahili - although at the event he didn't unleash his lethal talent, probably due to respect for the elders. Also singing were the queen Fadumo Qasiim Hilowle herself and her excellency Hibo Mohamed Nuur.

The event started with such sweat lute/cuud from Ahmed ismail Hudaydii and his magnificent talent appeared with a sound that could only be summed up as addiction. I wish those few minutes were years. I wish that moment could be repeated and I wish everyone with a breathing chance had an opportunity to experience the hudaydii lute and then one would know why we Somalis treasure him.

Abdinoor Allale singing Ilwad was again another such moment of a lifetime experience and veteran female singers Fadumo Qasim (who comes from a family with a long tradition of singers and artists - her father took part in the struggle against the colonialists) with Hibbo Nuuro captured the audience. The entire event was a work of excellence and my thanks goes to the artist Professor Samatar and his tireless team that organized such an event.

Also in Minnesota I was lucky enough to see the great musician Sado Ali at a conference run by the Minnesota Somali Student Union. MSSU is a wonderful student union that has expanded already across American and Canadian universities and colleges. The topic was more controversial - it was called 'Quursiga Qiil Ma leeyahay' - roughly translated it means 'is there any justification for Prejudice?'
Heesaha Xudayda Sameeyey
xudaydi.jpgxudaydi.jpg
Heesatan waxaa Sameeye Abwaan Xudaydii
Heestan waa Hees Qarami ah Waxaan Ku Luuqay jiray faan ka magaciisa layiraahdo Faysal Cumar Musteeg. Oo ah Afana Somaliyeed.
Heestu waxay soo baxday 1960 ilaa 1970 inta u dhexaysay  
Heesta magaceeda waxaa la yirahadaa
Wali waa caruuroo

Baydka 1

Midab aan cadaan iyo
cawlaan ahayn oo
daymadaa cajabiyoo
lagu caajisayn iyo
waxaad tahay mas ciideed

wali waa caruuroo
waa laan curdina oo
waxa loo carbinayaa
sida fras colaadiyo
sange loo cugtamayee

Baydka 2
cir habeeno da'ay oo
doog iyo caleen ba leh
ama rays cagaaroo
ciiradu ka duushiyo
cosobkay la midab tee

wali waa caruur oo
waa laan curdina oo
waxa loo carbinayaa
sida faras colaad iyo
sange loo cugtamayee

Baydka 3
cambaruudka naasaha
caaradaa madow iyo
luquntaa cabaadhka le
iyo cududaheediyo
kubabkaa is celiyee

wali wa caruur oo
waa laan curdina oo
waxa loo carbinayaa
sida faras colaad iyo
sange loo cugtamayee

Baydka 4

Sunayaal carceere
cidhifka isla gaadhiyo
indha cawl la moodoo
caashaqa abuuraa
igu beeray cudurkee

wali waa caruuroo
waa laan curdina oo
waxa loo carbinayaa
sida faras colaadiyo
sange loo cugtamaye

 

heeso kale Coming soon



Maansoyin/Gabayo  Gacayada Abwaan Xudaydi
xudaydi.jpgxudaydi.jpg
Midaas baan ka xasuustaa maansiiyinkiisi
wuxuu ahaan jiray Reer cadmeed markaa isagoo cadan jooga buu intaa ka yiri gabadhihii ka soo caraarye reer kooda oo so gelayay cadan.
 
 
Intay dhal cadan ciyaarsan alahay
Reer koodoo dogay
waryrax haw rujisoo
Haraacdo Riyaha Waqoyi
Hacawlaatee Yaanay Cadan iman
 
Gabayo coming soon... 

Taariikh Nololeed kii Xasan xayle Ahmed

Waxaan halakan ku soo koobayaa Taariikh Nololeed kii Xasan xayale ahmed oo ahaa Gabayaa Caan ka ha Beeshuu la deganaa Xasan xayale wuxuu ahaa nin wadaad ah oo aftaham nimona u dheertay wuxuu ku dhashay Gobolka Sanaag ma hubo lakiin waxaan u malaynaa in uu ku dhasha Xubeera nawaxigeedaa Xasan Xiliguu dhashay cidi garan mayso lakiin qiyaas haan waa 1900 kii abarihiisii Wuxuu xasan markuu Somaliya joogay ka ahaa shaqale Doon awoowahay Cali Tiriig lahaa. waxaa doontaa Naaxuude kala ahaa Ibraahin Maxamed Xasan (Ibraahin Cagoof) oo ay oo aha isana Awoowahaya Lana dhashay Cali Tiriig Xasan Xaylane adeer u ahaa, waxaa jiray mar uu Ibraahin ka rogay Xasan Doontii oo yiri ka hadh oo markaa Xasan Xayle uu u tiriyey Gabay aad iyo aad u ah Cajiib, oo uu kula hadlaayo wiil kuu adeerka u yahay kun waninayo ugu na sheegayo ixtiraanka iyo sharafta walidka, waxaa ka mid ahaa gabaygaas.

Ma ogtahay in kaar waalid waa eeba kugu taale

 ma ogtahay ishiisaa ka daran oloka naareede 

ma ogtahay ini kii adeerkiis ka istixon wayay

 ma ogtahay in uu aabihii ooda kaaga qaado.

gabaygu intaas waa ka dheeraa una malayn maayo in uu sax yahay lakiin waan radin doona gbaydii sii oo dhan.

Xasan wixii markaa ka dan beeyey wuxuu u wareegay Cadan wuxuuna ahaa Reer cadmeed Gabayadiisa badan kooda wuxuu ku sameeyey Cadan markuu soomaliya ka tegay wuxuu ahaa nin yar siduu somaliya uga dhoofayana dibu uguma soolaaban.

xasan xayle alla ha u naxariistee wuxuu ahaa wadad sidan maqlay wadaan nimada alle wuxuu u dheeraysiiey aftahanimo, Xasan  dadkii meel al joogi jiray waxay ku sheegaan in uu naago guursi badan taas oo u noqotay caado in u naag guursado markuu wax yar qaban furo.  Xasan alla naxariistii jana ha ka warabiyee Gabayadiisu may ahan jirin caya iyo qabyaalada ee wuxuu ka gabyi jiray badan wax soo socada ama wax dhacay. Gabayga aadka loola yaabo oo uu tiryey  afartanayeedii oo maanta makaad gabayga firiso aad moodayso in uu isla sacada ku jirto u sameey, waxaan ula jeda wax maalintaa uu kaga hadlaayo gabayga baa ah wax maanta dhacay ama cimilad amaanta lagu jiro, wuxuu yiri.
 
Akhiri sabaanada waxbaa la arki doonaayaye
 
nin yar oo nin kii kor uga waxay aamus laa la arki doonaye
 
oo weliba eed ugu daray baa la arki doonaaye
gabaygu wa dheera o wuxu ka hadalayey wax soo socda aakhiri sabanada oo ah maanta taynu ku jiro  oo hada ilamahaga tiraahdo halakaas ka joog uu ku aflagadaynayo ama ku qadayo gacanba taas waa aakhirisaaban ka allabakiisa, Xasan xayle sidan idiin soo sheegayba waa guursi badan markaa gabadh ka mid ah agabdhuhuu gursaday baa waxay ahad aftahamad isagoo kale ah markaa maalin tuu guursanayey bay tiri xasan maxaad dumarka u furtaa markaas buu yiri baa la yiri " habeen baan saan u joogo wax i daraam markaas baan dalqadeeda siiyaa' markaas bay iri xasan halmid iga balan qaaad oo habeenkaas wax ku daran intan is qabno hada dareentii iisheg bal waxan ka qaban karaan firinayaaye taas oo ka dhigtay in uu xasan naagtaa qabo in ka badan dumakii hoe intuu qabi jiran sidan filaayan uuba ku geeriyooday isagoo qaba weli waxaa ka mida sheekoyinka dhex markay isaga iyo xaas kiisa in yadoo caday ay joogaan isaga iyo ninman ay asxaab ahayeen derisan ahayeen maalin la soo qaad qaaday sheekoyin ku saabsan dumark iyo warkay qaadan (macnihii siday warka isu gaarsiiyan dumarku) markaas baa ragii yirhadeen war dumarku war ka isma gaarsiyaan iyo waa is gaarsiyan marka xaasan oo ku jiray ba yiri waa is gaariiyaan o hadii mid wax maqasho kuli waa is ogaysiiyaan marka wax layiri sidee ku ogan karaa xasan baa yiri an garanya waxaan samaynaynaa wiigan soo socda dabeecadii an lahaan jiray waa badalayna markaan guriga tagno nin walbow waxaad samaysaa sidan guriga gal cunada cun iska seexo xaga haweenkaba ha eegin ka bacdi wax dabeecadii la wadaba islamihii waa yabeen  mid walba waxay tiri naa maxa nin kaagii ku dhacay isalantan xasan oo iyaduna qof cajib ah baa sheekadii mid walbi u sheegtay iyan waa ku jirtaa sheekada markaas bay tiri cudkan raga wada galay waxaan ku oganayna sidan ee habeenkaad aragtan in ay badaleen abeecadan oo ay caadigoo dii ku laabteen waxaad ku tirahda kalamad aan hadan xusuusan bay tiri kalamada ku dheha markaa sidii ba lagu kala tegay markuu wiigii dhamaday baa odayashii saxigoodii ku laabteen markay mid walba islaantiisii ka aragtay in uu caadigiisii ku labtay bal kalmadii ay isal gonaansadeen ku yirahdeen markaas baa nin makii malin tii danbe isugu soo laabteen makhaxidii waa lays waraysto hay maxaa isabadalay buu yiri xasan markaas mid walbi yir dee sidan laygu yiri ana sidan laygu yri oo ah kalamdii markaasu yir maxan idin iri dumarka sheekadooda nin hoos kam gaari karo waa isku xidhan yihiin.
 
Xasan Xayle alla ha u naxariistee wuxuu ku geeriyooday Wadanka yaman Magalda Cadan halkaas oo uu in doora joogay sidan maqlayna ay ka bada tahay 30 sano in tuu joogay cadan xasan xayle gabayadisii waan idiin soo uruin doona hadii all yirhado.
 
wixii khalad ah oo aad ku aragtaan ii soo sheeg waan soo sixi doonaa hadii alla yirahdee. badhan6@hotmail.com
 


 

Sawirada Abwanada
 
 

Abwaan Maxamed Aadan (Maaweel)

Abwaanka magaciisa la yidhaahdo Maxamed Aadan oo ku magac dheer Maaweel, wuxuu sanadkii 1942 ku dhashay magaalada Ceerigaabo, wuxuune ku soo barbaaray magaalada Cadan ee dalka Yaman, wuxuu ka soo shaqeeyey shaqooyin kala duwan oo ay ugu badnayd maraakiib uu ugu kala gooshey meelaha ay ka midka yihiin Yurub, Asia iyo Carriga Maraykanka, wadamada Kuweyd iyo Sucuudi Arebiya ayuu iyagana Maaweel shaqooyin kale ka soo qabtay; Sanadadii sideetameeyadii wuxuu ahaa guddoomiyihii kooxdii shaqaalaha ee Xasuus. Maaweel hadda wuxuu ku nool yahay xerada qaxootiga ee Xagar Dheere oo ku taalla gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya. 

Maaweel wuxuu ka mid yahay magacyada ugu caansan gabyaaga soomaaliyeed ee hadda nool, wuxuu leeyahay gabay xagga murtida iyo dhinaca afka soomaaligaba hodan ku ah oo u qaybsama kuwo waddani ah, qaar kaftan iyo jareexo ah oo ay rag ay saaxiibo yihiin isku xifaaleeyeen oo ay dadka dhegaystaa si weyn u jeclaystaan, iyo kuwokale, waa abwaan waddani ah oo dalkiisa iyo dadkiisa iyo dhaqanka soomaalida iyo kan muslinkaba si aan la soo koobi Karin u qadariya, Maaweel waa abwaan dabci-san oo fur-furan, bulsheyna ah, isla markaana xishoodka iyo tixgelinta deeqsi ku ah…marka aad la joogto kama dhergaysid sheekadiisa xigmadaysan ee u badan suugaantiisa iyo dhulalkii uu waayo waayo soo maray. Maaweel wuxuugabayada ka racay aabihii labadiisa awoowe mid ka hooyadii iyo midka dhinaca aabihiiba abati yaashii iyo habaryarihiiba waxaa jiray gabay uu tiri yey awoow giis aabe oo ahaa isada tan.

Talaabada guracan geelu waa tigintigleeyaaye

Uurka ha ka tawelin nin kuu taagan baan ahaye!.

gabaygii ugu horeyey ee uu Maaweel tiriyo wuxuu jiray 19 sano wuxuuna joogay magalada cadan habeenaroos ah isaga iyo abtigii  nin ah oo la oran jiray Cabdi Saalax (Boqole) baa wuxuu arkay Maaweel oo gabdho arooska jooga sal-salamaaya markaas buu abtigii Maaweel u gabayay oo yiri sidan.

Cishihiyo aroortii haddaad daba carraabayso

Sidii Caynaboo kale haddii calan laguu saaray

Oo ay taagtan kugu caashaqeen ma lihid caaqiibe!!.

Markii uu abtigay tixdaas igu ridey ayaan tuhmay in abtigay la igu diray dabadeedna waxaan tiriyey tixdii ugu horraysey gabay aan tiriyo, waxaan idhi:

Cabdillaahiyoow hadal rag kale ha igu ceebayne

Casho keliya meelaan maraad igu cadhayseene

Caddaana uma hubtide awgayoow ways cunsuriseene

Cadri baad I saarteen abtoow adiyo cuurkaaye!!!.

Xiligaas uu  Cadan joogey,waa 1964 kiiye  waxaa soo baxay dhaqan cusub oo ay dhalinyardu la timid oo ay cayaar Twice la yidhaahdaa ka mid ahayd, markaasaa aroosyadii ay ka gabyi jirey ee ku caweeyn jireen baa loo diidey oo waxaa la yidhi: “Laba iyo toban wiil iyo laba iyo toban gabdhood baa ka ciyaaraya oo Team Party baa loo beddelaye idinku raali naga ahaada…kolkaasay xoogaa haantaa haduub la’ ahi nagu dhacday, dabeed waxay la noqotay in uu ciyaalka gaafka ka qabsaday in uu gabay ku muquuniyo ilayn hubkii ugu weeynaa ee markaa la isu adeegsan jirey gabay buu ahaaye, wuxuuna mariyey tix ay meerisyadani ka mid ahayd.

Inta wiil tabaadi u dhashay oo maantana is taagey

Oo ay turuqyadiisii madheen taharihii jiidhku

Oo aan waalidiintiis wax tarin tacaddi mooyaane

Oo ay tolkii kala samreen laysna taakulinin

Oo cudur Tuwiistiya dhamaan lagu tabaaleeyey

Todobaatan waa lagu hubaa tiinkan soo baxaye

Timahaa ka badan inamadaan wada tebaayaaye

War hooy Timir laf baa lagu arkee taa ha la ogaado!!. 

markuu gabayga amarshay baa dadkii ka qaday maaleelada laga wada xidhay baarakay ku ciyaari jireen ayana baaba een

Maaweel intaa ka bacdi wuxuu la si baxay suuugantii si fiican waxayna aad iyo aad gabay isugu tirin jireen nin ay saaxiib ahayene oo la oran jiray Baare Cilmi Dable oo ay isku hayaan reer Sacuudi waxa markii danbena ay gabayo waa wayn oo qima badan isku tiriyeen nin la oran jiray Khaliif Xasan Walah oo ahaa reer Muqdisho markaa ay iyan joogeen Sucuudiyaga oo aha nin ka dawayan baa loo geyey gabayo ay isku tiri yeen Maaweel iyo Bare oo lagu yiri gabaygan sinlayda ah waxa isku tiriyey labada wiil kamana yaqanin in aad tahay inin jira reer raga u gabay markaas buu tix gabay ah u diray Maaweel  waxayna ahayd sidan.

Barre wuxuu Siraadley u koray guudkana u seexday

Maaweela surucii ku kacay Surrad u gaadhsiiyey

Oo labada buuroode siman maanta kala saaray

Oo ay safaynka u yihiin loona kala soocmay

Ee reer Sanaag nabad gelyada ugu safaadaayo

Ma sinsaaro xidid baa dhacdoo maro la saaraayo

Ma sabool hunguri jiitey baa loo suburi waayey

Ma sokeeye gaajaysan baa sarar wan weyn qaatay

Ma ciqaabadaa sahakan dhacay laysku weada seegay

Mise reer magaal saaqidaa seef isugu dhiibey

Saqda dhexe waxaa loo tumaa sacabka waa xeele

Sididiida iyo hiihdu waa sogordoh waayeele

Suul-daaro meel loo wadaa lay sandahayaaye

Ilaa gabayga meel lagu sardoho sababna loo yeelo

Oo aan saxiixiisa helo waydin sugayaaye

Saaxiibayaal noo dhakhsada waydin sugayaaye!!.

markaas Maaweel muusan aqoon Khaliif marakaa wuxuu raadiyey taariikhdiisi bal wuxuu ahaan jiray ilay nin aadan aqoon umaad gabayi kartide markaas wuxu soo helay in Khaliif uu joogi jiray wadanka Kenaya una ku xumaa qadka iyo hawlihiisa makraas buu tix gabay ah u diray isna waxayan ahayd sidan.

Sakaar weeynta Kiiniya marakaad saar la tumanaysey

Saqda dhexe habaynkii adoo saambe jebinaaya

Adigoo surwaalkii dhigtiyo saacaddiyo koodhka

Oo aan sanqadhi kuu baxayn laguna saaraynin

Oo sawdka kaad ugu jeclayd sare u qaadaaya

Simbiidhooyinkaad dhigi jirtiyo seleladaadii dheh!!.

Khaliif Xasan Walah wuu ii soo jawaabay, waxaana ka mid ahaa gabaygii uu ii soo diray:

Sakaar weeynta Kiiniya markaan saar la tumanaayey

Markii aan surwaalkii dhigtiyo saacaddiyo koodhka

Kolkaan sawdka kaan ugu jeclaa sare u qaadaayey

Ma saqeeyihii baa warramay gurayey saabaanka

Ma sameecaddii baad ahayd hadalka saydhaysey

Siglankiyo halawgii miyaa kuu sudhnaa dhegaha

Duq sagaashan jirey baan ahay iyo dayr siyaada’ahe

War maadaa sirtaydiyo ogaa waxaan samaynaayey!!.

Bare iyo maaweel  waxay isku gabayi jireel labadoodu ka hore markii u Khaliif ka maqnaa gabayadooda markaas wax bilaabay in labadoodo isku gabayaan Maaweel oo Kuweeyd jooga, isaguna uu Dahraan ku nool yahay ayuu nin ugu soo dhiibey fariin ahayd Maaweel waxaad ku tidhaahdaa dirayka Lee la yidhaahdo ayaa noo daran, taas daandaansi buu Maaweel  u qaatay waayo wuu shaqeeyaa, dhaqaalihiisu waa ladan yahay, marka waxaa u soo baxday inuusan Lee waayine uu ilaaq u jeedo, dabadeedna waxaan u tiriyey gabaygan:

 

Dadqal yahow hunguri daamadaa dawgalkaa yahaye

Dibnahaa Illaah kaaga dhigay dararti maandeeqe

Ninkaan dabaqa kuu buuxinayn waad dudubisaaye

Sida aarka Doollo iyo fadhiya daarsi iyo Faafan

Oo wiig intuu soo dib jirey digi ka yeedhayso

Oo daacuftiisiyo wejiga laga dedoonaayo

Oo debedda soo yuururaan cidi danqaabaynin

Dawo ma leh naftaad maalintaa daanka gelisaaye

Sida roob intuu dirin cuskaday doog ka bixi waayey

Ama Diiri meelay gashay oo daaqi ka idlaysay

Ama bohol dalooshoo cirkii da’ayey qoyn waayey

Durdur lacaga, duufaan nimca ah ah, daaro wada Luula

Deeqii Illaaheen haddii lagu dabaalsiiyo

Kolba adigu kii diif lahoo duud xun baad tahaye

Hadba ruux dal dheer kaa jiraad doona leedahaye

Dahraan iyo Xijaas iyo intaad Khobor ka soo duushey

Daman maysidoo waxa ku galay damac magaalada’e

Dayrkii Sucuudiga intaad duhur ka soo boodey

Dadkeenii anaa kuu hadhaye ma igu soo duushey!!.

Saaxiibkiis Barre-yare kolkuu tixdayda helay ayaamihiiba wuu ka soo jawaabay oo wuxuu u soo tiriyey tixdan, wuxu yidhi:

Daldalyohow af xumo duur xuluu dawgalkaa yahaye

Dibnahaa Illaah kaaga tiray sun iyo deebaaqe

Nikaan dabar lugaha kaaga xidhin daqarna kuu geeysan

Amaan daanka feedh kaala dhicin waadan dayn karine

Haddii duunyo cay lagu helo oo dawlad lagu gaadho

Daarood ku sii hadaladaan daahirka ahayne

Dadka kalena waa kuu fasaxay adiga deelqaafe

Duqsina wuxuu gubtaa maalintuu maraq dabaashaaye

Daf uun baad I soo tiri sidii xaabo daad sido’e

Nina haddii dabaakh lagu ismo uu daasadaha maydho

Danba wuu isaga yeelan jirey damaca naagoode

Inaan maraqa kaa daadiyaad igu diraysaaye

Sida aarka Doolliyo fadhiya dabaqyadii hawdka

Dadkoo iga fajacay xoolohoo didaya xiinkayga

Waxaad iiga daba qaylisaa Dawac sidiisiiye

Buuraha dubaaq xaajadaan geeyey dabadooda

Maadaa duwadey dhawr ninoo doonayaa jiraye!!.

markaay intaasi kala dhex martay bay is daayeen oo heshiiyeen

hadaba waxaa jiray nin kale oo ay isku gabyeen Abwaan Maaweel oo ahaa reer kuwayd ayadna mararkaa ay bare iyo maaweel isku gabayayeen baa maaweel yiri anoo jooga ku way kuna cusub markaas baa reer ku wayd yiraahdeen war waadigii suxufi gabayaa ahaaye inbadan waan nal joogtaye maxaad u gabayi wayday mise aroosyada uun baad gabadhaa ka amaantaa  ee raga lamaad gabaytantid markaa nin la oran jiray sheef baa laysu gabayey maaweel wuxuu ugugabayey sidan reer kuwayd

Nimankii qurbahan laasimoow aaxin soo noqoye

Leedada fardaha kuma galaan odayo liitaaye

Leexada markuu tiigsadiyo laashimo u muuqda

Laafyaha markuu kala baxshood leeb la galay mooddo

Laxaadkiisa wiilkii qaboo labaca mooyaane

Lawyadu ninkii ay debceen loodin kari waaye

Lixdan idinka oo wada jiruu liicay dhabarkiinu

Lanleebadu markay idin gashaad luufka barateene

Haddaydaan hablaha laylyanayn haysku laalina’e

Lebis fiican waw iibisaan laasin qaayo lehe

Ha yeeshee halkaan laabtu jirin kuma lulmoodaane

Leeleelka dumarkii Kuweyd looxa lagu duugye

London bay ka faalaynayeen maanta labadiiye

Wax la yidhi libdhada soo baxdiyo laydha ma arkaane

Wax la yidhi lamaanaa ka xidhe lug iyo waaxdeede

Haddayna le’anayaan gacalka jare umana laabtaane

Siday Luul ka gurayaan dhulkay laan ku qodayaane

Lafse qaloocan baa laga alkumay liisha naagaha’e

Hadba meesha lagu laynayuu ladh uga muuqdaaye

Lalabaha hadaydaan ka dayn laadka iyo hiifka

Amaad laamiyada raadisaan waydin lurayaane

Lo’ miyaa gabdhuhu qoob ka xidha waad ka lulataane!!.

Markuu tixdaas tiriyey bay xaaladdii cirka isku shareertay oo ay isga iyo reer Kuweyd noqotay, waxaa ugu horayn u soo jawaabay Maaweel nin gabyaa ahaa oo ahaa reer kuwayd xilagaa magaciisan layidhaahdo Sheef, wuxuu yidhi:

Xasaradow miyaa Maxamedoow xarafki kaa weecday

Xigaaliyo qaraabiyo tol iyo xidid ma ceebaysay

Miyaan xaal ku qabanayn af waa lagu xujoobaaye

Nin magaalo wada xaasidaa waa xaqiirnimo’e

Waxa aan xogtii helay inaad xaasna leedahaye

Taadaba xoriyad sii haddaad xumo la doonaysid

Anagana xijaabkaa u daa xaydka lagu meershey!!.

Ninkaas wuxuu ku yidhi xaasid baad tahaye adigaa iga helaye maxaad nin gabyaa ah ugu geeyn weeydey. Gabayga Sheef markuu sida noqqday buu Maaweel Sheef daba galay wuxuuna soo helay  inuusan xaasba lahayn Sheef, dabadeed tixdan buu u mariyey, wuxuu idhi:Maaweel

Xisaabtayda Sheef kuma qorayn mana xusuusnayne

Inuu aniga ii xaydan yahay ma xusbadaynayne

Lugtooday riyuhu xaabadiyo xanan ku doontaane

Xaruurigan magaalada degsaday ways xanibayaaye

Goortay xamaasadi dhacdoo la isku xayraamo

Xisbu mucaarad sida uu yahoo Harar xoraynaayo

Xusul duubka iyo guuraha iyo xawligiyo diifta

Xididka iyo sokeeyahaba waa inuu xujeeyaaye

Sidii habar xinaha iibisa oo xaafadaha meerta

Oo xoogag diirdiiran oo xeegada ciyaarta

Xagaasuu u sii qaadayaa waruu xambaaraaye

Muxuu xaal igaga doonayaa xilo miyaw jooga!!.

Markay Maaweel iyo Sheef labadaa gabay is dhaafsadeen ayaa gabyaa Bashiir Ismaaciil la yidhaahdaa bardoodankii soo galay, waxaa ka mid ahaa tix uu ii soo tiriyey meerisyadan:

Halkii lagu dhintaa buu nin ragi guul ka dhaliyaaye

Midse dumar dhexdoodiyo haween qaad ku dhilanaayey

Inuu golaha dhinac joogsadaa waa waxaan dhicine

Dharaarahanse Maaweel haddaad hadal la soo dhooftay

Dhamaan baa diyaar loo ahaa kaan dhaliil geline

Haddaanu dhaawac kaa yeelanayn waanu kaa dhuriye

Dhowaanse reer Margaab1  sheekadaad kula dhex meeraysey

Ogoobeey dhankaad ula qasdiday nooma dhaadhicine

Dhabaan kuula wadayaa hadduu dhaamo kii hora’e

Haddiise xarafku kaa dhaaban yahay lagu dhaleecowye

Aniguna inaan kula dhigdhigo haw dhursugin taase!!.

Gabayga Bashiir Ismaaciilna waan ka jawaabay oo waxaa gabaygii aan u tiriyey ka mid ahaa tuducyadan:

Bashiiroow warkaad soo dhurtee igu dhaleecaysay

Dhawdaad lyeedhiyo dadkood dhiilo gelinaysid

Sidii dhagax qof waalani ridoo dhiibshey gacantiisa

Dhab-darro iyo is yeel yeel inaad dhalada ii xaadho

Oo aadan ii soo dhabacan cidi ma dhaadayne

Dhayalse hadalku iigama tago iyo magane dheel dheele

Dhuuxiyo laftaan kala sugay iyo seedahaw dhigane

Dhulkana waxaan u doojaa sidii dhibicda roobaade

Inuu gabaygu kaa dheeliyaa waa dhirrici weeyne

Raganimada waa loo dhashaa lalana dhoofaaye

Dhacadiidka guudiyo ma aha dheehan kugu yaale

Waa dheefta maankiyo caqliga la isku dhaamaaye

Waxyna abeeso kugu dhaawacdaa dhul ekaansha’e

Waa dhabana hays Dhidar libaax dhaar u soo diraye

Dharkayna caanihiis lama dhamoo waad ku dhimataaye

Dhunkaala waxaad cantuugtaa markaad dheelmo leedahaye

Hadday nabadu waa lagu dhergaa kuu dhadhami weeydey

I dhegayso caawaan tixaha kuu dhambalayaaye

Markase suuqa laysula dhaco iyo dhaantadiyo jaadka

Dhan kaluu jiraa dumar ninkii laga dhex waayaaye

Ha dhabqinina afsoomaaliga oo haysu dhiibina’e

Haddaad hadalka dhiiftaad u tidhi kaga dhabaynasid

Ha dhuumaalaysanine maad halkaa horay u soo dhaaftid!!.

Rag kale oo tiro badan ayey isu gabaynay oo ay silsilado kala duwani ay dhex mareen, laakiin kama gaadhayno inaynu ka wad sheekayno maanta.

halkaas bay ku joogeen gabaydii isaga iyo ragaas dhex maray waxaa jiray gabay wadanah oo uu tiriyey Maaweel wuxuuna aa sidan.

Dhardhaaradu hadday laba yihiin dheri ma qaadaane

Waxaa dhagaxa kale loogu daray shaygu yuu dhicine

Qofna keli ma dhiirado haddaan dhawr la ciidamine

Dhuuryaale kama liidanee aan isku dhoobnaano!.

Col la dheelmay meel lays dhigay iyo guluf dhalaan dooxa

Dhinacyada hayaayda u baxday iyo dhiilo dami weeydey

Adigoo dhabiibyey oo jilcay oo dhoombir kugu yaalo

Dhakhtar kula tegyaa iyo si kale kuula dhididyaaba

Nimaan dhidid adoogaa ku jirin dhaqana kuu keenin

Hadday dhahato waa kaa tagaa kuuma dhiidhiyo’e

Dhabar baan ka soo wada baxnay iyo dhayso habaraeede

Wuxuuna dhabarku ii daalayaa yaadan dhaxamoone

Dhabbo keliya aan wada marroo aan isku dhoobnaano!.

Dhafrkii tidcani aqalka waa dhidib adkeeyaaye

Shan dhagaatiyaal wada jirkood dhumucdu weeyaane

Hadday dhudiba meel taagan taahay dhiil ma hayn karo’e

In kastoo dhufeeciyo xaskulo dhuub leh laga diiro

Lama kala dhuftee xadhiga waa la isku dhawraaye

Inaguna dhiggiisaan nahee aan isku dhoobnaano!.

Dheeriyo dhowiyo jooge iyo dhaafi iyo qaayib

Dhedig iyo labood ceebtu waa ina dhex taallaaye

Dhalinyariyo waayeelba waa ina dhibaysaaye

Dheg la jaray daloolkaa hadhiye aan isku dhoobnaano!.

gabaygaasi wuxuu ahaa mid aha markii dowladu jirtay uu tiryey lakiin dowladuintay burburtay wuxuu tiryey gbayo badan lakiin waxaa jiray mid uu tiriey 1992 gii

Soomaali xidid baa furraa tan iyo xaataaye

Waxaana xawl marriidada ka galay xeer qabiil dhigaye

Xanjareeridaasay tolimo ku xejinaayeene

Ilaa kaas la xidho Baanday2 uma xasilaayaane!.

Waxaa kaloo jirta tix aan dadkan dhoofaya ee dalkoodii ka sii cidhib go’aya uu ka tiriyey, waxaana ka mid ah meerisyadan:

Dhul shisheeye dhacadiidsi iyo ma laha dhaax jooge

Dharaar iyo labaa lagu sugaa dhaanka kuu maqane

Haddaad dhaaftid noloshaadu way kala dhantaalnaane

Dhalaankiina soomaaliyeey dhoofka ka ilaasha!!

Dhurwaayada dad quutaa jiroon dhaafin oo cuna’e

Dhinacyaa u wada kaydsan iyo Dhidar baruur weeyne

Dhudhun dhaylo Khaansiir kuwaa dhuuxayaa jira’e

Dhegsin Haram-cad, dhay jeex Dawaco hilib la dhuundhuunshey

Daayeer dhuguugucay haddii Dhiishka lagu siiyo

Waxaan waalidkood dhaawan jirin waa ku dhegayaane

Dhira dhabato iyo caano aad dhirin dhir moodaysid

Ama dhiil khamriyahoo la furay wayska dhamayaane

Dhalaankiina soomaaliyeey dhoofka ka ilaasha!!!.

hadaba dhulkii uu sidaa ugu gabyaaye  iyo dadkii ka soo cararaya iyo qaranimadu meeshay taal meeshayan ahaan jirtay muxuu maanta ku oran lahaa Maaweel  hadaba sidan buu yiri

Soomaaliyeey talo cid kale kama sugaysaane

Mana soo socdaan qoom kaloo idin saxaayaaye

Idinkuna sidaad wax u waddaan waa silloon tahaye

Sawir fool xun baydiin bixiyo ceeb sujuura lahe

Inta aan silsaal idinku dhicin sigate dhawr jeere

Amaydaan u sayn go’in sidii qaramadii suulay

Ka siq-siqa mar uun ceebta waa laga sariigtaaye

Kana saami gala nabad gelyada sare u qaadkeeda!!.

wuxuu abwaan Maaweel ku noolyahay Kenya

hadad rabto inaad la xidhiidhan halakan adigu kal xidhiidh

Kala xidhiidh Abwaan Maxamed Adan Maaweel: E-mail: maaweelpoet@yahoo.com 

(Taariikhi ma qarsonto ahadanla qarinayan )

kuwa kalene waa soo oscdaan hamoogan hana ka maqnaan

Gabayada abawaan Maaweel
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Gabayadan waa ku wisii ugu caansanaa iyo kuwii ugu caansana aee ay raga maansada colaadeed ka dhexay say uu ugu jawabay ee la soco.

Cabdillaahiyoow hadal rag kale ha igu ceebayne

Casho keliya meelaan maraad igu cadhayseene

Caddaana uma hubtide awgayoow ways cunsuriseene

Cadri baad I saarteen abtoow adiyo cuurkaaye!!!.

2

Barre wuxuu Siraadley u koray guudkana u seexday

Maaweela surucii ku kacay Surrad u gaadhsiiyey

Oo labada buuroode siman maanta kala saaray

Oo ay safaynka u yihiin loona kala soocmay

Ee reer Sanaag nabad gelyada ugu safaadaayo

Ma sinsaaro xidid baa dhacdoo maro la saaraayo

Ma sabool hunguri jiitey baa loo suburi waayey

Ma sokeeye gaajaysan baa sarar wan weyn qaatay

Ma ciqaabadaa sahakan dhacay laysku weada seegay

Mise reer magaal saaqidaa seef isugu dhiibey

Saqda dhexe waxaa loo tumaa sacabka waa xeele

Sididiida iyo hiihdu waa sogordoh waayeele

Suul-daaro meel loo wadaa lay sandahayaaye

Ilaa gabayga meel lagu sardoho sababna loo yeelo

Oo aan saxiixiisa helo waydin sugayaaye

Saaxiibayaal noo dhakhsada waydin sugayaaye!!.

3

Sakaar weeynta Kiiniya marakaad saar la tumanaysey

Saqda dhexe habaynkii adoo saambe jebinaaya

Adigoo surwaalkii dhigtiyo saacaddiyo koodhka

Oo aan sanqadhi kuu baxayn laguna saaraynin

Oo sawdka kaad ugu jeclayd sare u qaadaaya

Simbiidhooyinkaad dhigi jirtiyo seleladaadii dheh!!.

Khaliif Xasan Walah wuu ii soo jawaabay, waxaana ka mid ahaa gabaygii uu ii soo diray:

Sakaar weeynta Kiiniya markaan saar la tumanaayey

Markii aan surwaalkii dhigtiyo saacaddiyo koodhka

Kolkaan sawdka kaan ugu jeclaa sare u qaadaayey

Ma saqeeyihii baa warramay gurayey saabaanka

Ma sameecaddii baad ahayd hadalka saydhaysey

Siglankiyo halawgii miyaa kuu sudhnaa dhegaha

Duq sagaashan jirey baan ahay iyo dayr siyaada’ahe

War maadaa sirtaydiyo ogaa waxaan samaynaayey!!

4

Dadqal yahow hunguri daamadaa dawgalkaa yahaye

Dibnahaa Illaah kaaga dhigay dararti maandeeqe

Ninkaan dabaqa kuu buuxinayn waad dudubisaaye

Sida aarka Doollo iyo fadhiya daarsi iyo Faafan

Oo wiig intuu soo dib jirey digi ka yeedhayso

Oo daacuftiisiyo wejiga laga dedoonaayo

Oo debedda soo yuururaan cidi danqaabaynin

Dawo ma leh naftaad maalintaa daanka gelisaaye

Sida roob intuu dirin cuskaday doog ka bixi waayey

Ama Diiri meelay gashay oo daaqi ka idlaysay

Ama bohol dalooshoo cirkii da’ayey qoyn waayey

Durdur lacaga, duufaan nimca ah ah, daaro wada Luula

Deeqii Illaaheen haddii lagu dabaalsiiyo

Kolba adigu kii diif lahoo duud xun baad tahaye

Hadba ruux dal dheer kaa jiraad doona leedahaye

Dahraan iyo Xijaas iyo intaad Khobor ka soo duushey

Daman maysidoo waxa ku galay damac magaalada’e

Dayrkii Sucuudiga intaad duhur ka soo boodey

Dadkeenii anaa kuu hadhaye ma igu soo duushey!!.

Saaxiibkiis Barre-yare kolkuu tixdayda helay ayaamihiiba wuu ka soo jawaabay oo wuxuu u soo tiriyey tixdan, wuxu yidhi:

Daldalyohow af xumo duur xuluu dawgalkaa yahaye

Dibnahaa Illaah kaaga tiray sun iyo deebaaqe

Nikaan dabar lugaha kaaga xidhin daqarna kuu geeysan

Amaan daanka feedh kaala dhicin waadan dayn karine

Haddii duunyo cay lagu helo oo dawlad lagu gaadho

Daarood ku sii hadaladaan daahirka ahayne

Dadka kalena waa kuu fasaxay adiga deelqaafe

Duqsina wuxuu gubtaa maalintuu maraq dabaashaaye

Daf uun baad I soo tiri sidii xaabo daad sido’e

Nina haddii dabaakh lagu ismo uu daasadaha maydho

Danba wuu isaga yeelan jirey damaca naagoode

Inaan maraqa kaa daadiyaad igu diraysaaye

Sida aarka Doolliyo fadhiya dabaqyadii hawdka

Dadkoo iga fajacay xoolohoo didaya xiinkayga

Waxaad iiga daba qaylisaa Dawac sidiisiiye

Buuraha dubaaq xaajadaan geeyey dabadooda

Maadaa duwadey dhawr ninoo doonayaa jiraye!!

5

Nimankii qurbahan laasimoow aaxin soo noqoye

Leedada fardaha kuma galaan odayo liitaaye

Leexada markuu tiigsadiyo laashimo u muuqda

Laafyaha markuu kala baxshood leeb la galay mooddo

Laxaadkiisa wiilkii qaboo labaca mooyaane

Lawyadu ninkii ay debceen loodin kari waaye

Lixdan idinka oo wada jiruu liicay dhabarkiinu

Lanleebadu markay idin gashaad luufka barateene

Haddaydaan hablaha laylyanayn haysku laalina’e

Lebis fiican waw iibisaan laasin qaayo lehe

Ha yeeshee halkaan laabtu jirin kuma lulmoodaane

Leeleelka dumarkii Kuweyd looxa lagu duugye

London bay ka faalaynayeen maanta labadiiye

Wax la yidhi libdhada soo baxdiyo laydha ma arkaane

Wax la yidhi lamaanaa ka xidhe lug iyo waaxdeede

Haddayna le’anayaan gacalka jare umana laabtaane

Siday Luul ka gurayaan dhulkay laan ku qodayaane

Lafse qaloocan baa laga alkumay liisha naagaha’e

Hadba meesha lagu laynayuu ladh uga muuqdaaye

Lalabaha hadaydaan ka dayn laadka iyo hiifka

Amaad laamiyada raadisaan waydin lurayaane

Lo miyaa gabdhuhu qoob ka xidha waad ka lulataane!!

6

Xasaradow miyaa Maxamedoow xarafki kaa weecday

Xigaaliyo qaraabiyo tol iyo xidid ma ceebaysay

Miyaan xaal ku qabanayn af waa lagu xujoobaaye

Nin magaalo wada xaasidaa waa xaqiirnimo’e

Waxa aan xogtii helay inaad xaasna leedahaye

Taadaba xoriyad sii haddaad xumo la doonaysid

Anagana xijaabkaa u daa xaydka lagu meershey!!

7

Xisaabtayda Sheef kuma qorayn mana xusuusnayne

Inuu aniga ii xaydan yahay ma xusbadaynayne

Lugtooday riyuhu xaabadiyo xanan ku doontaane

Xaruurigan magaalada degsaday ways xanibayaaye

Goortay xamaasadi dhacdoo la isku xayraamo

Xisbu mucaarad sida uu yahoo Harar xoraynaayo

Xusul duubka iyo guuraha iyo xawligiyo diifta

Xididka iyo sokeeyahaba waa inuu xujeeyaaye

Sidii habar xinaha iibisa oo xaafadaha meerta

Oo xoogag diirdiiran oo xeegada ciyaarta

Xagaasuu u sii qaadayaa waruu xambaaraaye

Muxuu xaal igaga doonayaa xilo miyaw jooga!

8

Halkii lagu dhintaa buu nin ragi guul ka dhaliyaaye

Midse dumar dhexdoodiyo haween qaad ku dhilanaayey

Inuu golaha dhinac joogsadaa waa waxaan dhicine

Dharaarahanse Maaweel haddaad hadal la soo dhooftay

Dhamaan baa diyaar loo ahaa kaan dhaliil geline

Haddaanu dhaawac kaa yeelanayn waanu kaa dhuriye

Dhowaanse reer Margaab1  sheekadaad kula dhex meeraysey

Ogoobeey dhankaad ula qasdiday nooma dhaadhicine

Dhabaan kuula wadayaa hadduu dhaamo kii hora’e

Haddiise xarafku kaa dhaaban yahay lagu dhaleecowye

Aniguna inaan kula dhigdhigo haw dhursugin taase!!.

9

Bashiiroow warkaad soo dhurtee igu dhaleecaysay

Dhawdaad lyeedhiyo dadkood dhiilo gelinaysid

Sidii dhagax qof waalani ridoo dhiibshey gacantiisa

Dhab-darro iyo is yeel yeel inaad dhalada ii xaadho

Oo aadan ii soo dhabacan cidi ma dhaadayne

Dhayalse hadalku iigama tago iyo magane dheel dheele

Dhuuxiyo laftaan kala sugay iyo seedahaw dhigane

Dhulkana waxaan u doojaa sidii dhibicda roobaade

Inuu gabaygu kaa dheeliyaa waa dhirrici weeyne

Raganimada waa loo dhashaa lalana dhoofaaye

Dhacadiidka guudiyo ma aha dheehan kugu yaale

Waa dheefta maankiyo caqliga la isku dhaamaaye

Waxyna abeeso kugu dhaawacdaa dhul ekaansha’e

Waa dhabana hays Dhidar libaax dhaar u soo diraye

Dharkayna caanihiis lama dhamoo waad ku dhimataaye

Dhunkaala waxaad cantuugtaa markaad dheelmo leedahaye

Hadday nabadu waa lagu dhergaa kuu dhadhami weeydey

I dhegayso caawaan tixaha kuu dhambalayaaye

Markase suuqa laysula dhaco iyo dhaantadiyo jaadka

Dhan kaluu jiraa dumar ninkii laga dhex waayaaye

Ha dhabqinina afsoomaaliga oo haysu dhiibina’e

Haddaad hadalka dhiiftaad u tidhi kaga dhabaynasid

Ha dhuumaalaysanine maad halkaa horay u soo dhaaftid!

10

Dhardhaaradu hadday laba yihiin dheri ma qaadaane

Waxaa dhagaxa kale loogu daray shaygu yuu dhicine

Qofna keli ma dhiirado haddaan dhawr la ciidamine

Dhuuryaale kama liidanee aan isku dhoobnaano!.

Col la dheelmay meel lays dhigay iyo guluf dhalaan dooxa

Dhinacyada hayaayda u baxday iyo dhiilo dami weeydey

Adigoo dhabiibyey oo jilcay oo dhoombir kugu yaalo

Dhakhtar kula tegyaa iyo si kale kuula dhididyaaba

Nimaan dhidid adoogaa ku jirin dhaqana kuu keenin

Hadday dhahato waa kaa tagaa kuuma dhiidhiyo’e

Dhabar baan ka soo wada baxnay iyo dhayso habaraeede

Wuxuuna dhabarku ii daalayaa yaadan dhaxamoone

Dhabbo keliya aan wada marroo aan isku dhoobnaano!.

Dhafrkii tidcani aqalka waa dhidib adkeeyaaye

Shan dhagaatiyaal wada jirkood dhumucdu weeyaane

Hadday dhudiba meel taagan taahay dhiil ma hayn karo’e

In kastoo dhufeeciyo xaskulo dhuub leh laga diiro

Lama kala dhuftee xadhiga waa la isku dhawraaye

Inaguna dhiggiisaan nahee aan isku dhoobnaano!.

Dheeriyo dhowiyo jooge iyo dhaafi iyo qaayib

Dhedig iyo labood ceebtu waa ina dhex taallaaye

Dhalinyariyo waayeelba waa ina dhibaysaaye

Dheg la jaray daloolkaa hadhiye aan isku dhoobnaano!

11

Soomaali xidid baa furraa tan iyo xaataaye

Waxaana xawl marriidada ka galay xeer qabiil dhigaye

Xanjareeridaasay tolimo ku xejinaayeene

Ilaa kaas la xidho Baanday2 uma xasilaayaane

12

Dhul shisheeye dhacadiidsi iyo ma laha dhaax jooge

Dharaar iyo labaa lagu sugaa dhaanka kuu maqane

Haddaad dhaaftid noloshaadu way kala dhantaalnaane

Dhalaankiina soomaaliyeey dhoofka ka ilaasha!!

Dhurwaayada dad quutaa jiroon dhaafin oo cuna’e

Dhinacyaa u wada kaydsan iyo Dhidar baruur weeyne

Dhudhun dhaylo Khaansiir kuwaa dhuuxayaa jira’e

Dhegsin Haram-cad, dhay jeex Dawaco hilib la dhuundhuunshey

Daayeer dhuguugucay haddii Dhiishka lagu siiyo

Waxaan waalidkood dhaawan jirin waa ku dhegayaane

Dhira dhabato iyo caano aad dhirin dhir moodaysid

Ama dhiil khamriyahoo la furay wayska dhamayaane

Dhalaankiina soomaaliyeey dhoofka ka ilaasha!!

Gabayadan waxaa ay Maaweel Is dhaafsadeen rag kale

 

 

 
Gabayda Qoran ee Maaweel
 

Maaweel

Dood dhulbahante iyo digash Idoor.

Gabaygan waxuu la socdaa Gabayadii laga tiriyey Dagaalkii HAYE Maaweel oo gabaygan ka tiriyey isagoo jooga carabta guusha laga soo hooyey digashana uga dhigaya Iidoorka Waana markay Baxday Weedha ah "Abtiyaal na hambeeya" oo macanaheedu ahayd reerka yaan la is wada raacin ayaa Nina Arab ah gabay soo tirshay hadaan xoogaa ka sooqaadano waxaa ka mid ahaa

Is Hubsada Dhulbahantoow ayaan Hoobal idiin tumine

Halkaa markuu mariyey Ninkii Arab ayaa Maaweel gabay aan in yar ka soo qaadan doono laakin aan soo galin doono isagoo dhan Qeybta aan Maaweel u furnay yidhi:-

Nimanyahow maxaanu u hubsanaa gorayo waa haade
Minjo hoolan bey leedahiyo baalo heeryaha'e
Nimankaan hangoolka u lulay wey hamranayaane
Hor Illaahay waa qalad in aan Arab la heesaaye

Isagoo diidaana Arabkan uuba la hadlayo maadaama Dhibku gaadhay Habarjeclo, gabaygiisiina waa kan ee ahaa Digasho iidoor


Indhawayto waa taanan deyin deelaydii gabaye
Dahrigayga waa tii aan ka jaray dihashadiisiiye
Daraan mariyey waa in aan murtida laga diraacoone
Waa tii aan dihnaan jiray sidii laas daroorimay e
Daadkuba dixda iyo dooxaduu dulun dulceeyaaye
Mar hadii aan dabuubtiisa helo ama dariiqiisa
Oo ay diiradu ii saaran tahay diidi ma aqaane
Hala diirsadee ararta maan idinku deeqsiiyo

Axmadow dareen baa ka yimid doolo iyo hawde
Isagoo dirayskii sitaa oo duni iyo shaal iidleh
Oo dunayadii yarayd daran u hoos jiifa
Diracii Ismaaciil markii talada loo dooxay
Oo waliba dood liidata iyo digasho loo raacshay
Laye deyro dhaafkii tolkii waa dagaalamaye

Dusha qararo damashii haye iyo ilaha daahyaale
Reerkii dalkaas lagu ogaa duulaan soo kiciye
Ma daahine diyaarsade hubkii duhur dharaareede
Derbaha gawlalaale iyo yamays duuda yucuboole
Dusha baalidhaye sebenka waa la isku duudsiyaye
Daraawiish ordaysaa gashay iyo duubcadii beriye
Difaac iyo markii weerarkii lagu dayeysiiyey
Keymaha diqowga leh markii ay digadu yeedhaysay
Ma dirgane sidoodii baqay daba jeedsheene

Dal jiirkooda ruuxii ogaa daawashow dhimaye
Nin Dhulbahante daandaansadaa waa ducfiyayeeye
Duli baa ku dhaca reerka ay dacarta saaraane
Ina kaahin wuxuu daalibay oo doonayn buu helaye
Reer Yusuf meel lagu dusiyo daaqad baa maqane
Dildilaha ku yaal Adan iyo daahir iyo yeesif
Dadku waxuu ka sheekaynayaa waayo dabadoode

Afartaa af lama daaliyee ma idin daaqsiiyey
Rag baa xarafka kala dooriyee ee dirato mawsheegay
Irmaan jaro danbeetiyo qaar ma isku soo daabay
Ma dawaarshay maansada anaan idinku deelqaafin
Mar hadaan dingiigsado golaha laga damaadshaadye
Dananka iyo goohaygii waa darab arooryaade
Daluunta iyo sidii wiida iyo digaxa maan yeedho
Oo maan dadweynaha salaan dabacsan gaadhsiiyo

Doonyahu ma dhoofaan hadaan diirad loo sidine
Dabaqayda iyo foolkuba waa dajinayaane
Duufaanka waa laga qarshaa dirirka cawleede
Mar uun baa sidii dogob xoribay dakhalku liicaye
Hadii awr dibood badan dibadaha u hoydo
Dabarka iyo hogaanka iyo hadii deyrku qaban waayo
Keymaga dugaaga leh hadii daayin ku abaado
Mar uunbaa libaaxyada dibjiray kaga digsiiyaane
Haday naagi dowraari tahay oo diiday gurigeeda
Daryeelka reerka koobane haday dumiso geeskeeda
Nin keedii dalaaladay haday damac ka weydayso
Mar uunbaa dalaaqda dadoow lagu daweeyaaye

Nin dabeecadiisu xuntahay diina kula haysta
Oo diirka kaa shaabaha oo duulal kale sheegtay
Hadii aad dadaal iyo wanaag daacad kaga weydo
Markaad daxan daxaysaba haduu dacar ku leefsiiyo
Mar uun baa dubuhu ugu dhacaa si aan la doonayne
Alla dakharku weynaa ninkii dilane yeelkiise

Danbigaad gasheen habarjeclooy waa da'weyn yahaye
Wax baad duudka ku xanbaarataan ceeb dandaan lege
Meeshii dulaydiyo sula baan kuu darbi ahaaye
Sidii wiil duqii dhalay baan daadah ku lahaaye
Damiin baan ahaa maanta iyo dalan dalkaygiiye
Ducaan kaa mudnaa iyo xamdi aad nala dul joogteene
Inaad aniga ii duur xushaan dib uma eegayne
Haad kuma degdego aar oo daacurtii qabo'e
Hadaad doobnimo is taawiseen baan dablaan ahaye
U dulqaata idinkaa dalbaday dab iyo baaruude

Idinkoo dagaan wacan helay oo duunyo badan yeeshay
Oo daramal iyo muusiko iyo danish tumanayaa
Adoo meel daruuraha u dhow danan ka dheelaaya
Oo nabad ku daaqaa iidoor daasad kuu tumaye
Doqontuna amaan aynaan lahayn waa ku dararataaye
Dibindaabyo idin haysa baad darayo moodeene

Dabin baad lugaha kula dhacdeen daadsan oo adage
Deelaha qadhaadh iyo shiil baad daanka geliseene
Daluun malag iyo shoolad baad dalaq tidhaahdeene
U dulqaata idinkaa dalbaday dab iyo baaruude

Dirirna waa ka joog amase daacad u ahow'e
Ceel ku dahaya duul kuu tashaday dad aan ku daynin
Hadii uu dagaal kugu qabsaday didib adoo jooga
Buntukhu dilaagiisu jabay shiishku dabarkiiye
danbaas yaalka iyo hootada baa igala doodeene
Markan isku kiin darana waa kaa dal qumisaaye
Sahan baas idinkoo fuushan baad dega tidhaahdeene
Dabay yaale baa idiin martay iyo diilin karimeede
U dulqaata idinkaa dalbaday dab iyo baaruude

Hadii uu doobi buuxsamo in uu daato waw halise
Naf bariiqadeedii gashay baan hadal dariiqeyne
Waxuu gabay daldalay Adan-Carab waa idiin digaye
Maansadan la doondoonayoo haatan lagu daatay
Dahab bay ku miisaan tahay amase doolaare
Aan is dayno aan wada degno iyo aan isku duubnaano
Duqayda iyo xeerbeegtidii dalan kaclaynaysay
Iyo dooyadii dhowrka sano idinla duucaysay
Intaasaad shirkii kaga dudeen waagii dalinweyne

Anigana dakanadii horaa laygu dowgalaye
Marna hadaan waxaan kugu dugsado kugu dareemaynin
Oo aan kugu diirsanayn dunida hoosteeda
In aan daaqsin geel kuu jirsado door anigaa bidaye
Malaa Dirir-dhabaad sahan sateen oo dookh idiin galaye
Daafeed u kaca meel fog oo durugsan weeyaane

Afartaa af lama daaliyee ma idin daaqsiiyey
Rag baa xarafka kala dooriyee ee dirato mawsheegay
Irmaan jaro danbeetiyo qaar ma isku soo daabay
Ma dawaarshay maansada anaan idinku deelqaafin
Mar hadaan dingiigsado golaha laga damaadshaadye
Dananka iyo goohaygii waa darab arooryaade
Daluunta iyo sidii wiida iyo digaxa maan yeedho
Oo maan dadweynaha salaan dabacsan gaadhsiiyo

Waxba yaan dalxiis idinku marin dhul aan la gaadhayne
waxba yaan idiin di'in sidii doogsii galabeede
Waxba yaan dabayl caafimaad idinku soo dayne
Waxba yaan durduurta idin odhan malabka doocane
Waxba yey tixdaan duubayaa dacalo dheeraane
Dulucdayda meeshan la rabo waan u daadagiye
Darandoori loo riday madfaca waan diyaarsdaye
War doodiga sulaaxu way ducufka Iidoore

Hal maqaarka diidani salkay dalalaglesaaye
Dunkana waxay ku beegtaa halkuu deebku leeyahaye
Misna waxa danuunucu ugu jiraa dihashadiisiye
Dala haysataa iyo si kale wax u dabartaaba
Waxaad dunida kaga qayb gashaan shay dacaayad ah'e
Carab dalab leh iyo uur la dabo daanyeer dhaqankiye
Inkastaad damiin raadisaan dayri baan dhalaye

Dilaal iyo malaal baa indhaha daan idiin sudhaye
Halka meesha laga doonayaa idinka diimoone
Waxaa dowlad la mucaaridaa dood siyaasi'e
Haday durugto sheekadu talaa laga dulgeeyaa
Daakhiliga kaa eexda waa laga dacwoodaaye
Dila iyo tola'ayeey wax garad kuma dareeraane
Soomaali oo la isku dilay waa damiinimo'e
Distoorkay ka xaaransan tahay dayina maysaane

Daarood derajadii u furay oo uu diiday in uu haysto
Oo uu hawiye dayriyey oo dibada loo tuuray
Oo qaran ku duulaayey baad xalay dumaasheene
Dugsi iyo rag ina aadani ha iska daaleene
Dalagna lacagta ha iskaga gurteen dhidid la'aanede
In aad calanka dacal jeexataan diide reer bariye

Doondoonistii hore baan diiq ku soo helaye
Diirka toban malyuun buu qabaa duulka aan ahaye
Waxii deeble geel iyo rag iyo dirir na soo gaadhay
Dugaanyadii shalay nugaal dacalka jiidhaysay
Oo sida dayaxa aadanahu dowmada u eegay
Oo sheekhu duubka u gashaday waa daqiiqaha'e
Dooxooyinkii beerdhiga bey ugu danbeeyeene
Daliil iyo Taleex baa lafahii duxayey yaalaane
Dingaraaradii waan qabnaa daarta jiidaliye
Sidii baan dagaha ugu sitaa koofil dabasiide

Adna dagantidaydaad kufriga daga lahaydeene
Dal yaqaanka idinkow ahaa Doora-Weynaha'e
Daraydii Jidbaale baa Iidoor nagu duleedsheene
Kolay duulkaleto tahay iyo idinka duulkiina
Cidna kulama daaweynsan karo duni Buluuglay'e
Wey idin dardaar warinayaa ducufsi yeelkiise

Dhulkoo doogan dunidoo nimca dalagyadoo rooban
Waxaan daarad waysha uga qalay uguna daynwaayey
Oo ugu dirqiyey waa in uu dib ugu quustaaye
Hadii aan daboolkii dhagaha daamur idin awdin
Ama aan indhuhu daahsanayn aragna diiqoobin
Ama aan damiirka iyo xuskii idin dareen goynin
Malahayga daris qaadate ee galiya diiwaanka
Hadii kale waxii danabsan iyo dooga bal aan dhawro

Kala Guur

Gabaygan Abwaanku waxuu tiriyey, Dagaal ka dhacay meesha la yidhaa yufle ilaa Buurta Muse Ismaaciil, oo ah reer ka mid ah Habaryonis baa maalintaa sida Daanyeerka buurta galay halkaa waxaa ka dhacday "Sidii daanyeerkii Didib ma jeexsiiyey"markii jab xun ka soo gaadhay dagaalkaas halkaa ka dhacay, Maaweel oo ah Naaleye Axmed.. Dhulbahante ayaa markaa digasho ahaan, gabaygan u tiriyey Waxuu yidhi:-

Indhawayto gabaygii ma tirin loo golayn jiraye
Waa tii aan galool ololka iyo dhigay guhaadiiye
Waa tii aan ka gaal gaaliyey oo goolada u xidhaye
In aan gudhay inaan gaabiyey iyo gaabis la imoodye

Godob baan ka yaabay iyo cadaab geeri dabadeede
Caawana arimo gaar ah baa iila soo galaye
Garbay noqotey maansada in aan gaadada utomo'e

Gusooraha onkoday waa inuu geela bixiyaaye
Hilaac galalac yidhi meel fog baa lagaga guuraaye
Inta gabay taqaan iyo abwaan ha isku guuleene
Giraantayda ha u fiirsadeen guunyo ruugleeye
Raga garashadooda cabiraa ha is galaaleene
Guna-Gado iyo hatago gudo Nugaaleede
Gal-Duur nimanka yaal waa inuu gama udiidaaye
Galimays adeerkood Absame yaanu gees marine

Gadabuursi iyo Ciise iyo Geri ha sheegeene
Hadii guurti leeyahay Iidoor haysu guduyeene
Galgal baxaye sida roob gudgude bal aan gufaacoodo

Xaajada ragbaa guba haday gees biciid tahaye
Niman yahow Dalkooda u gafay oo gayrshey calankooda
Niman yahow dad gacalo is jecel kala go'doon siiyey
Niman yahow Iblay goobalihi gamasyada u dhiibay
Oo waliba sagaal goor samaha loogu golo xaadhay
Niman yahow darxumiyo daladhacays darajadow haysta
Niman yahow hadaanu u gudinay ganafka noo taagay
Niman yahow waxay goobayaan aanu garan weynay
Idinkaa gumasytaha hadhsada geed siduu yahaye
Waad gada gadootaan hadaan Gaal idiin taline

Hadii uu kufrigu geesta yurub kaaga gacan haadshay
Giriig iyo hadii aad Yahuud gacaladaa mooday
England goonyaheedii hadii ay gogoshu kuu taalo
Asaan goboladiinii shideen kayga gubi maysid

Gubniyaal is daba jooga iyo gaas dablaa jira'e
Warsangali ma gaagaabsadaan gooba dirireede
Waligoodba meel lagu go'ay bay gool ka dhaliyaane

Waa tii ay is guubaabiyeen gebi ragiiniiye
Gaadiidka meeshiyo dhahar waa ka soo go'aye
War gaashaan dhigoodii horiyo gaadh hayii yimide

Gahayle iyo waa wada socdeen Naalayii guriye
Gar maqaatayaal wada jiriyo geesiyaal wadaye
Kuwaa soo gudbay waa inay gubato qiiqdaaye
Guryahaay oodi jireen sidii gaalo qudhinlay'e
war waa gabo waraan meesha ay gacanta saarane

Sidayr maalintii aad soo gasheen giijiye u yeedhay
Gurmadkii habaysnaa markuu idinku soo gaadhay
Gariirkii iyo xiinkii miyaan galawgu hiilaabin
Guulaamada iyo uurada iyo leexada is goysay
Galaayuuska qaylada miyaan la isku geeraarin
Sidii gaydho ugub oo bilihii gaado baxa joogta
Oo meel gulgula daaqa oo gooha ku ogaatay
Intaan gelin dhamaan ma idinkaan goojo la amaarin?
War miyeydaan gadaal nooga bixin goosan idinkoo ah?

Idinkaa gurguurta oo yaqaan gaadmo bahalayne
Iyadoo gadii tahay hantay goobtii libineede
Sidaa waliba waa la igabray oo la igasaasacaye
Garabgorayadii dawladii gaasta idin siisay
Gudigii la aaminay siday noo gol qabataysay
Inkastoo ragiinii ku go'ay guuldarana raacday
Guray iyo wahaabi baa ku maqan gaadmadii hore'e
Waxna ma gaysane tolkood baa gaydho loo qabaye
Waase loo galiilyoonayaa labada geed jooge
Waar gooray ahaataba marbaa loo gagabayaaye

Oday gadhweyn baa hartigu kaga gam'aayaaye
Goc goclaysi baa soo socda iyo gorayo khaakhayne
Gowsaha is dhaafsade ragii gaananaan jiraye
Galkay seefta kala soo baxeen sida giniiseede
Garbey fuushay nabadii aan jeclaa in aad u guuxdaane
Idinkoo garaadada barya iyo gacan wadh mooyaane
Idinkoo go'aankiinii hore gudhiya mooyaane
Gudoon baa ka dhacay Sanaag in aad dib uga gooshtaane

Kala guuray kala guranay Iidoor-gasloow gacaladeeniiye
Kala guuray oo waxaynu nahay gaalo iyo Islaane
Googaalihiina batay iyo gararamtiiniiye
Garbarka ha daysteene maan giirka kor u qaado
Taariikh gundheer baa jirta aan abid gaboobayne
Wali geenba garasho iyo xeer ilama gudboonayne

Gudumo baanu nahay waxad tihiin godortii guuraa
Galool baanu nahay waxad tihiin gowlal iyo booce
Gocoso iyo dhalool baad tihiin aan gunba lahayne
Guban baad ku noolan jirteen gu' iyo jiilaale
Geed xananadiis iyo xiji baad guran tiqiiniine
Geeslaha riyaad baad aduun qudha lahaydeene

Intii aynu kala guursanay baad geela dhaqateene
Intii aynu kala guursanay baad galo xamaasheene
Intii aynu kala guursanay baad gegi ka heesteene
Intii aynu kala guursanay baad goolal qalateene
Intii aynu kala guursanay baad gob u ekaateene

Anaa u geeyey magacii guud gebiga soomaale
Durdurkaa janjeedhsada hadaan gibilku xeernayne
Abidkay gar gaarkiina wow geelalaan jiraye
Dal dalooladaad yeelataan waan gufayn jiraye
Inkastaad abaalkay gabteen waan idiin galaye

Gardarooyinkiina iyo ma rabin guluf colaadeede
Idinkay gelinsiinaya ee waan ka gaabsadaye
Maantana wixii go'ay go'e oo geeri loo dhalaye
Garawshiiyo waad leedihiin guuyo iyo ruuxe
Adigoo garaadkaaga qaba la isma gowraco'e
Gabaahiiro lama joogsado iyo gole abaareede

Jamhuuriyada aan qaybsano iyo goosashada aad u ordayso
Gafuur buurka aad noo qabtiyo ciil ka bixi maysid
Iyo godobta Daaroodka kale guule idin doortey
Waa waxa intaydan goblamin layska soo galaye
Niman yahow wax lays kuma gudbo ee talo garaadaysta
Hadii kale dan baa gara gorayn gaaga soo hadhaye
Isna gubte gantaalaha safani hadin garaacaane
Isna gunaanadee jeerimadu hadin gobolayso

Afartaa garaado iyo galo gohayntii dheh
Guga roob oo soo onkoday gababacdiisii dheh
Guraa jalowle iyo hilaac galalacdiisii dheh
Gufaaco iyo gugoo khooray galan galkiisii dheh
Geeraaradaan tirin jiray iyo gabayadaydii dheh

Gujo kalena waa dawladiyo gohashadeedii
Gabaarayda lama aamino iyo gool abeesyada'e
Bahala is gaabsha oo wax gana hay gunaynina'e
Waagii hore buu noo gabaday gogol la naaxshaaye
Gacmo daalis buu kororsadaa guban nin beeraaye
In dooraa galbeed loo socdee bari haloo guuro

 

Coming soon...........

Free Guestbook
                                    from Bravenet.com Free Guestbook from Bravenet.com

 

By Maxamed C/laahi Cali Tiriig